Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Axmed Madoobe”Hadii nidaamka federaalku hirgalo ammaanta kowaad waxaa iska leh Puntland(Dhagayso)

$
0
0

 Garowe(pp)Madaxwaynaha mamulka Jubba Mudane Axmed Maxmaed Islaan(A.Madoobe) oo maantey soo gaaray magalada Garowe xarunta dowladda Puntland ayaa ka mahad celiyay marka hore sidii loosoo dhaweeyay.

MadoobeAxmed Madoobe waxa uu Puntland ku ammaanay sida wanaagsan ee geesinimada leh oo ay ugu dhaqan yihiin ku dhaqanka nidaamka federaalka,wuxuna sheegay mamulada kale ee dalka haddii ay hirgaliyaan mahada iyo ammaanta koowaad inay lee yihiin madaxda iyo shacabka Puntland.

Waxa uu sheegay Puntland inay waalid u tahay Jubbaland,taasoo uu ula jeedo inay qayb wayn ka ciyaartay dhismihii mamulka,Axmed Madoobe ayaa sidoo kale u mahad celiyay madaxwaynihii hore ee Puntland CabdiRaxmaan Farole oo uu ku sheegay inuu yahay madaxwayne qayb ku leh dhismaha Jubba.

20-ka bishaan ayaa Axmed Madoobe lagu caleemo saaray magalada Kismaayo.

Cali Cabdi Ducaale
Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>