Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all 23196 articles
Browse latest View live

Marwada Madaxweynaha oo Garoowe kaga qayb gashay shir looga hadlayey joojinta gudniinka gabdhaha

$
0
0

Marwada Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr’s Hodon Siciid Ciise ayaa maanta 23-April-2016 ka qayb gashay shirweyne looga hadlayey dabar goynta gudniinka gabdhaha oo lagu qabtay Jaamacadda Puntland State University ee magaalada Garoowe.

Shirkaas ayaa waxaa soo qabanqaabisay Wasaaradda Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska waxaana sidoo kale kasoo qayb galay Wasiirro, hay’ado Caalamiha, hay’ado maxalli ah, xubno kamid ah haweenka u ololeeya joojinta gudniinka gabdhaha iyo ururada kala duwan ee Haweenka Puntland.

Shirka ayaa sidoo kale waxa lagu daah furayey Danjiraha Cusub ee joojinta gudniinka gabdhaha oo loo magcaabay Dr’s Hodon Siciid Ciise Marwada Madaxweynaha si loo joojiyo guud ahaanba gudniinka gabdhaha oo muddo badan ay socotey ololaha wacyigelinta ku aaddan joojinta gudniinkaasi.

Sidoo kale ujeedooyinka loo magcaabay Danjiraha joojinta gudniinka gabdhaha ayaa ah sidii shaqo abuur loogu samayn lahaa dadka ku hawlan xirfadda gudniinka isla markaana dhaqaale loogu heli lahaa  si barnaamijyada wacyigelinta ah loo gaadhsiiyo tuulooyinka iyo dhulalka miyiga ah oo weli ay ka jirto gudniinka gabdhuhu.

Dr’s Hodan Siciid Ciise Marwada Madaxweynaha ayaa ballan qaaday in ay ka shaqaynayso sidii loo dabar goyn lahaa fikraddaasi qallafsan ee ku baahdey guud ahaan geyiga Soomaaliyeed iyadoo kaashanaynaysa haweenka Puntland oo meel uga soo wada jeeda sidii loo joojin laha gudniinka Gabdhaha.

Sidoo kale Dr’s Hodon waxay kula dar-daarantay haweenka Puntland meelkasta oo ay joogaan in ay u midoobaan joojinta gudniinka gabdhaha maadaama aanu diinta Islaamka meelna kaga soo aroorin isla markaaana uu halis caafimaad ku hayo haweenka.

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA PUNTLAND.
IMG_6457 IMG_6463 IMG_6470 IMG_6471 IMG_6473 IMG_6474 IMG_6482 IMG_6483 IMG_6485 IMG_6489 IMG_6491 IMG_6493 IMG_6494 IMG_6495 IMG_6498 IMG_6499 IMG_6501 IMG_6503 IMG_6504 IMG_6505 IMG_6508 IMG_6512 IMG_6515 IMG_6516 IMG_6517 IMG_6521 IMG_6522 IMG_6525 IMG_6526 IMG_6527 IMG_6531 IMG_6543 IMG_6545 IMG_6551 IMG_6552 IMG_6554 IMG_6555 IMG_6560 IMG_6564

The post Marwada Madaxweynaha oo Garoowe kaga qayb gashay shir looga hadlayey joojinta gudniinka gabdhaha appeared first on Puntland Post.


Xagee ku dambeeyey gurmadkii ay Dawlada Puntland u fidin lahayd Dadka la ildaran Abaaraha?

$
0
0
g
Gudigii abaaraha ee uu magacaabay Madaxweyne Gaas

Garowe(Puntland Post)-Dawlada Puntland waxay ku dhawaaqday Bartamihii Bishii Febraayo Gudiga gurmadka abaaraha oo u Madax u yahay Madaxweyne Ku-xigeenka Dawlada Puntland Eng Cabdillaahi Cumar Camey, waxaana la sheegay inuu Gudigaasi qiimayn doono xaalada abaareed ee ka jirta Puntland, uuna Dadka abaaraha la ildaran gurmad Balaaran u fidin doono.

Gudoomiyaha Gudiga ahna Madaxeweyne Ku-xigeenka ayaa gudoomiyey shirar dhawr ah oo ay arimahan ka yeesheen Gudigaas, wuxuuna Eng Camey marar kala duwan socdaal uu ku sheegay inuu ugu kuur gelaayo mar xalada abaarta ku tagey qaar kamid ah Magaaloyinka Puntland siiba Qardho iyo Bosaaso.

Gudigan ayaa laga soo xigtay inay Dhaqaale ugu deeqeen Samatabixinta Dadka ay saamayeen abaarahu, mase muuqato meel ay Dawlada Puntland ka fidisay gurmad la xiriira abaaraha ba’an ee xiligan ka aloosan Puntland marka laga reebo shirar saxaafada loo soo bandhigay oo uu Madaxweyne ku-xigeenku Shir gudoomiyey.

Culumida Puntland ayaa si iskood ah ugu dhawaaqay Gudiga Abaaraha Puntland, waxayna dhaqaale ay Dadweynaha ka ururiyeen Biyo dhaamin ugu sameeyeen degaanno tira yar oo kamid ah kuwa ay abaartu saamaynta xoogan ku yeelatay.

Wararkii ugu danbeeyey ee Warbaahinta Puntlad Post ka soo gaaraaya degaanada ay abaaraha xun ka jiraan ayaa sheegaya inay xaaladu kasii darayso marba marka ka dambayso, Iyadoo Degaano katirsan Gobalada Nugaal iyo Sanaag ay ka jirto Biyo la’aan tii ugu xumayd, Xoolaha ayaa bilaabay inay tarab-tarab u dhintaan, Iyadoo nolosha Dadkuna khatar weyn ku jirto.

Dadkan oo la hadlay Puntland Post ayaa codsaday in Gurmad loo fidiyo, maadama xaaladoodu meel khatara marayso, Inta badan degaanada xiligan abaartu ka jirto waa Sadex sano jirsatay abaartaasi.

Waxaa muuqata kala duwaanasho u dhexeeya Gudiga Gurmadka abaaraha Somaliland iyo kan Puntland oo labadaba ay Madax u yihiin Madaxweyne Ku-xigeenada labadda Maamul, Gurmadka abaaraha Somaliland ayaa muujiyey wax qabad iyo u gurmasho dhab ah, tabartooduba ha yaraate, Hase ahaate kan Puntland lagama arag waxaan dhafsiisnayn shirarka uu Eng Camey Gudoomiyey.

Siday doontaba ha ahaate Dadka iyo Duunyada ay iminka abaartu haysato waxay ku sugan yihiin xaalad aad u khatar ah, mana aysan helin gurmadkii deg-degga ahaa ee ay u baahnaayeen.

Xoolaha oo si aada u dhimanaaya
Xoolaha oo si aada u dhimanaaya

Halkan riix si aad u akhrisatid tuulooyin katirsan Puntland abaar ba’an la ildaran

Puntland Post

 

The post Xagee ku dambeeyey gurmadkii ay Dawlada Puntland u fidin lahayd Dadka la ildaran Abaaraha? appeared first on Puntland Post.

Saraakiil katirsan Booliska Soomaaliya oo tababar u aadey Talyaaniga

$
0
0

Muqdisho(Puntland Post)-Saraakiil katirsan Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa tababar la xariira aqoon kororsi loogu qaaday Dalka Talyaaniga, Ciidankan oo gaaraaya 30 Sarkaal ayaa tababar sare oo la xiriira arimaha Booliska iyo ka hortaga dambiyada waxaa lagu soosiin doonaa Dalkaasi Talyaaniga.

Saraakiishan waxaa Gagidda Diyaaradaha Muqdisho kusii sagootiyey Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Sareeye gaas Maxamed Sheekh Xassan Xaamud, wuxuuna kula dardaarmay inay si wanaagsan uga soo faaidaystaan fursada dahabiga ee ay heleen, aqoontoodana kusoo celiyaan Dalka si ay ugu sii gudbiyaan Ciidamada kale ee Qaranka.

Saraakiisha la qaaday ayaa iyaguna muujiyey sida ay ugu faraxsan yihiin in tababar sare loogu qaado Dalka Talyaaniga, waxayna balan qaadeen inay si wanagsan ugasoo faaidaysan doonaan, kadibna kusoo celin Doonaan Dalkooda, si ay qayb uga noqdaan dib u dhiska Qaranka.

Dawlada Talyaaniga oo kamid ahayd Dawladihii gumaystay Soomaaliya ayaa xiriir dhow la lahayd Dawlada Soomaaliya ka hor burburkii 1991, waase markii ugu horaysay oo tababar Ciidan loogu diro talyaaniga saraakiil Soomaaliyeed tan iyo Burburkii Dawladii dhexe ee Maxamed Siyaad Barre.

bol 4

bol 3

bol 2

Bol 1

Puntland Post

 

The post Saraakiil katirsan Booliska Soomaaliya oo tababar u aadey Talyaaniga appeared first on Puntland Post.

Gudoomiyaha Jariiban oo ku dhaliilay Dawlada Puntland inaysan waxba u qaban Dadka abaartu saamaysay

$
0
0
Gudoomiyaha Jariiban oo dhaliilay Dawlada Puntland
Gudoomiyaha Jariiban oo dhaliilay Dawlada Puntland

Jariiban(Puntland Post)-Gudoomiyaha Degmadda Jariiban ee Gobalka Mudug Maxamed Yuusuf Shirwac oo Waraysi siiyey Idaacada Maxali ah oo ku taal Magaalada Gaalkacayo ayaa sheegay in degaanka ay xukunto degmadiisu ka jirto Biyo la’aan aad u baahsan iyo abaar sababtay inay xooluhu si aada u dhintaan.

Gudoomiyaha ayaa tilmaamay in dhamaan Barkadihii ay xoolaha iyo Dadku ka cabi jireen ay Biyihii ka dhamaadeen iminkana ay xaalad adag soo food saartay Dadka degaanka, wuxuu ku eedeyey Dawlada Puntland iyo Maamulka Gobalka Mudug inay dhagaha ka furaysteen qaylo dhaan isdaba jooga oo ay u diraayeen Maalmihii u danbeeyey, aysan Dawlada iyo Maamulka Gobalku wax Jawaab ah ka bixin xaalada adag ee Dadka iyo Duunyada haysata.

Gudoomiye Shirwac ayaa intaas ku daray inay Dawladu gabtay dorkeedii Dawladnimo ee ku aadanaa u gurmashada Dadkooda khatarta ugu jira inay gaajo iyo Haraad u dhintaan, Isagoo sheegay inay baaqyo badan oo arimahan la xiriira gaarsiiyeen Madaxweynaha Dawlada Puntland, Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Maamulka Gobalka Mudug balse aysan wax gurmad ah ka helin.

Dhanka kale Gudoomiyahan ayaa ka hadlay Ceelka Tuulada Seemadde oo jaban mudo afar maalmood ah, kaas oo Muhiim u ahaa Dadka iyo Duunyada Degaanka, mana jirto ayuu yiri cid illaa hada isku xil qaataan dib u kicinta Ceelkaas.

Siday doontaba ha ahaate Hadalka Gudoomiyaha Jariiban ayaa kusoo aadaya xili ay isa soo tarayso qaylo dhaanta xaalada abaareed ee Puntland oo kasii daraysa, walow siweyn  loo dareemaayo Curashada roobka Gu’ga, waxayna Dadku rajo wanaagsan ka qabaan inay Maalmaha iyo Saacadaha soosocda Alle ka saari doono abaarta ba’an ee haysata.

Dhagayso Waraysiga uu Gudoomiya Jariiban Siiyey Radio Gaalkacayo

Puntland Post

 

 

 

 

The post Gudoomiyaha Jariiban oo ku dhaliilay Dawlada Puntland inaysan waxba u qaban Dadka abaartu saamaysay appeared first on Puntland Post.

Baarlamaanka Puntland ayaa cod aqlabiyad leh ku meel mariyay guddiga doorashooyinka

$
0
0

DSC3725Garowe(Puntland Post) Barlamaanka Puntland ayaa maanta cod aqlabiyad leh ku meel mariyay guddiga doorashooyinka KMG ah ee Puntland, guddigaas oo shalay horyimid kalfadhi aan caadi ahayn oo barlamaanka ufurmay.

Ilaa 50 xildhibaan ayaa codkooda ku taageeray ansixinta guddiga, waxaana ka aamusay oo aan codkooda dhiiban labo mudane, sidaasina waxay ku noqotay in guddiga hadda laga bilaabo uu haysto xasaanada barlamaanka.

Gudoomiyaha barlamaanka Axmed Cali Xaashi ayaa kalfadhiga soo xiray, isagoo u hamabalyeeyay guddiga doorashada islamarkaana wuxuu kula dardaarmay inay waajibaadkooda kasoo baxaan islamarkaana ay dardar geliyaan shaqooyinka culus ee horyaala.

Guddiga doorashooyinka Puntland ayaa barlamaanka uga mahad celiyay ansixintooda, iyagoo balanqaaday inay kasoo bixidoonaan waajibaadkooda qaran, waxaana lagu wadaa inay iska dhex doortaan gudoomiye iyo gudoomiye ku xigeen.

PUNTLAND POST

The post Baarlamaanka Puntland ayaa cod aqlabiyad leh ku meel mariyay guddiga doorashooyinka appeared first on Puntland Post.

Hogaamiyaha ugu wakhtiga dheer Qaarada Afrika oo doonaya in lasoo doorto 7 sano oo kale

$
0
0
Madaxweyne ugu wakhtiga dheer Afika,Teodoro Obiang Nguema Mbasogo
Madaxweyne ugu wakhtiga dheer Afika,Teodoro Obiang Nguema Mbasogo

Dadka Wadanka Equatorial Guinea ayaa maanta u dareeray Doorasho la rajaynaayo in lagu soo dooran doono Madaxweynaha ugu wakhtiga dheer Qaarada Afrika, Kaas oo Dalkaas soo xukumaayey ku dhawaad 37 sano, wuuxuuna doonayaa in Mar kale dib loo soo doorto 7 sano oo hor leh.

Qaar kamid ah Axsaabta Mucaaaradka ah ee Dalkaas iyo Ururada u dooda xaquuqda adaamaha ayaa doorashadan ku tilmaamay mid xalaalnimo ka fog, ayna Dadka kasoo hor jeeda Dawlada Madaxweyne Teodoro Obiang Nguema Mbasog ay la kulmaan Cadaadis, Cag julayn,Xariga iyo Dil joogta ah, waxaana adag inay si xor ololohooda Doorashada u fushadaan Tartamayaasha Mucaaradka.

Dalkan oo Dadkiisa lagu qiyaaso ku dhawaad 700,000 ayaan samayn Horumar la taaban karo tan iyo markii uu xoriyadda qaatay, waxayna Dadka wadankaasi ku nool yihiin Fakhri aad u sareeya, iyadoo la sheegaayo lacagta Wadanku inay ku dhacdo jeebka Shaqsiyaad kooban oo ay kamid yihiin Qoyska Madaxweynaha.

Mucaaradka ayaa sheegaya in wadamada Quwadaha waaweyn ee Caalamku ay iska indha tirayaan ku tumashada Xaquuqda aadamaha ee ka jirta Dalka Equatorial Guinea sababo la xiriira danaha Shidaal ee ay ka leeyihiin Dalkaas, Iyadoo Lacgta shidaalka kasoo xarootana aan looga faaidayn Horumarinta Dalka, ayna shaqa la’aanta Wadankaas marayso meel aad u saraysa.

Qaarada Afrika ayaa la daala dhacaysa Nidaamyo kaligood talis ah, oo xakunka ku kooba qoysaskooda, waxayna arintan si aada dib ugu ridey Horumarkii Qaarada oo noqday kan ugu liidata Aduunka dhanka Nolosha Bini’aadamka.

Puntland Post

 

The post Hogaamiyaha ugu wakhtiga dheer Qaarada Afrika oo doonaya in lasoo doorto 7 sano oo kale appeared first on Puntland Post.

Gal-mudug oo sheegtay Dagaalkii Daac-dheer inay Ciidamo Itoobiyaana ku laayeen Dad rayida

$
0
0

Cadaado(Puntland Post)Maalinkii shalay Dagaal culus oo u dhaxeeyey Dadka degaanka Daac-dheer iyo Ciidamada looyaqaan Liyuu Boolis oo hoostaga Dawlada Degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa ka dhacay Degaanka Daac-dheer oo katirsan Gobalka Gal-gaduud waxaana la sheegayaa inay ku dhinteen Dad ku dhow 15 qof.

Dagaalkan oo ahaa Mid aad culus ayey Dawlad Degaanka Soomaalida Itoobiya waxay ku eedeeyeen inay soo huriyeen kuna soo xad gudbeen Gudaha Dalka Itoobiya Maleeshiyaad si qabiil ah u abaabulan oo ay gadaal ka riixayaan Kooxda Al-shabaab iyo Maamulka Gal-mudug, Sida  uu sheegay Yaasiin Cabdi Waris oo u hadlay Maamulkaas.

Dhanka kale Maamulka Gal-mudug ayaa si aada iskaga fogeeyey Eedaynta Dawlad Degaanka Soomaalida Itoobiya, Maxamuud Guure Guuleed oo ah Wasiirka Cadaalad Dawlad Gobaleedka Gal-mudug ayaa ku eedeeyey Ciidamo katirsan Dawlada Degaanka Soomaalida Itoobiya inay marar badan xasuuq Dad rayid ah ka geysteen Gobalka Galgaduud, wuxuuna tilmaamay inuusan Maamulkiisu wax lug ah ku lahayn Dagaalkii shalay halkaasi ka dhacay.

Wararka naga soo gaaraya Degaanadii shalay lagu dagaalamay ayaa sheegaya inay xaaladu tahay mid degan hase ahaate waxaa la dareemayaa abaabul xoogan oo dagaal, waxaana xili walba dhici kara inuu dagaal kale degaanaaasi ka qarxo.

Dawladaha dhexe ee Soomaaliya iyo Itoobiya ayaan wax wara kasoo saarin dagaaladan cusub ee dhex maray Dadka degaanka Galgaduud iyo Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee lo yaqaan Liyuu Boolis oo katirsan Dawlada Itoobiya.

Hoos ka dhagayso Wasiir ku-xigeenka Cadaalada Gal-mudug

Puntland Post

The post Gal-mudug oo sheegtay Dagaalkii Daac-dheer inay Ciidamo Itoobiyaana ku laayeen Dad rayida appeared first on Puntland Post.

Wasiirka Arimaha gudaha Soomaaliya oo gudoomiyey shir looga hadlay amaanka Muqdisho

$
0
0
Wasiirka arimaha Gudaha Soomaaliya oo gudoomiyey shir looga hadlay Amaanka Muqdisho
Wasiirka arimaha Gudaha Soomaaliya oo gudoomiyey shir looga hadlay Amaanka Muqdisho

Muqdisho(Puntland Post)-Wasiirka Arimaha Gudaha Dawlada Federaalka ah ee Soomaliya Cabdiraxmaan Odawaa ayaa shir gudoomiyey kulan looga hadlay Amaanka Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho iyo sidii looga hor tegi lahaa Falalka ka dhanka ah amaanka ee ka dhaca Magaaladaas.

Kulankan oo ka dhacay aqalka Dawlada Hoose ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa kasoo qayb galay Gudoomiye Ku-xigeenka Gobalka Banaadir ahna ku-simaha Gudoomiyaha Gobalka, Gudomiyayaasha 17-ka Degmo,Agaasimayaasha Dawlada Hoose iyo Saraakiil kale oo ka socotay Maamulka Gobalka Banaadir.

Wasiir Cabdiraxmaan Odawaa ayaa kulankan ku tilmaamay Mid kala war qaadasho ah, wuxuuna ku amaanay Maamulka Gobalka Banaair iyo Ciidamada Nabad sugida Dawlada Soomaaliya, guulaha la taaban karo ee ay ka gaareen ka hor taga falal argagixisanimo oo la doonaayey in Magaalada laga fuliyo.

Wasiirka ayaa sheegay inuu Maamulka Gobalku wax muuqda ka qabtay Amaanka Caasimada tan iyo markii lagu wareejiyey, Isagoo dhanka kalena ku amaanay Horumarinta ay ka sameeyeen Muqdisho, sida Wadooyinka,Kor u qaadista nadaafada iyo faya dhawrka.

Tan iyo Markii amaanka Muqdisho lagu wareejiyey Maamulka Gobalka Banaadir waxaa la fashiliyey tiro weeraro ah oo la doonaayey in laga fuliyo goobo Muhiim ah oo Magaalada ku yaal.

Puntland Post

 

The post Wasiirka Arimaha gudaha Soomaaliya oo gudoomiyey shir looga hadlay amaanka Muqdisho appeared first on Puntland Post.


Kusimaha Madaxweynaha oo maanta kulan la qaatay guddiga gurmadka Abaaraha Puntland

$
0
0

Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Eng. Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey ayaa maanta xafiiskiisa qasriga Madaxtooyada Puntland ee Garoowe kulan kula qaatay guddiga gurmadka abaaraha Puntland.

Kulanka ayaaa ahaa is xogwaraysi guud iyo wadatashi la xiriira sidii loo dardar gelin lahaa gurmadka abaaraha iyadoo layska kaashanayo dawlad iyo shacabba isla markaana dedaal dheeraad ah loogu geli lahaa badbaadinta dadka iyo duunyada ay abaaruhu saameeyeen.

Sidoo kale xubnaha guddiga oo socdaal ku tegey dhammaan gobollada Puntland ee ay abaaruhu ka jiraan gaar ahaa goobihii ay sida ba’an u saameeyeen abaaruhu ayaa kusimaha Madaxweynaha uga warbixiyey waxyaabihii ay indhohooda kusoo arkeen.

Guddiga ayaa sheegay in ay soo arkeen dhul ay ka jirto abaar aad u ba’an oo sababtay inay xooluhu maalin walba tarab-tarab u baxaan isla markaana ay guddigu gaadhsiiyeen gurmad dadkii iyo duunyadiiba, balse baahida ka jirta deegaanadaasi ay  weli tahay mid u baahan In lasii laba jibbaaro gurmadka loo fidinayo deegaanadaasi.

Madaxweyne ku-xigeenka dawladda Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha ayaa sheegay in dawladdu ay sii wadayso  ka qayb-qaadashada gurmadka abaaraha isla markaana looga baahan yahay shacabka Puntland in aanay ka daalin gurmadka loo fidinayo shacabka reer Puntland ee ay wax-yeelleeyeen abaaruhu.

Sidoo kale kusimaha Madaxweynaha ayaa sheegay in la galay xilli roobaad isla markaana ay jiraan deegaano ka mid ah gobollada Puntland oo uu ka curtay roobkii Gugu, isla markaana xoolaha intooda ka badbaadey abaaraha ay yihiin kuwo aad u nugul oo aan xamileyn in ay u adkaystaan roobabka, loogana baahan yahay shacabka Puntland in ay u tabaabushaystaan arrintaasi.

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAH IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.
IMG_6565 IMG_6568 IMG_6569 IMG_6571 IMG_6575 IMG_6576

The post Kusimaha Madaxweynaha oo maanta kulan la qaatay guddiga gurmadka Abaaraha Puntland appeared first on Puntland Post.

Gabdhaha Gobalka Nugaal ee dalka iyo dibadda oo biyo dhaamin ka sameeyay tuulooyin Nugaal ka tirsan

$
0
0

Garowe(Puntland Post) Gabadhaha Puntland gaar ahaan Gobalka Nugaal ee jooga gudaha iyo dibadda ayaa bilaabay Olale xooggan oo lagu bad baadinayo qoysaska abaarta iyo biyo la’aantu ku saamaysay qaybo ka mid ah gobalka Nugaal.

Dhaqaale ay soo aruuriyeen gabadhaha Gobalka Nugaal ee dibadda ku maqan ayaa waxaa biyo dhaamin loogu sameeyay wajiga hore in ka badan 10-tuulo oo laga soo sheegay abaaro iyo biyo la’aan xooggan, guddi ay gabadhaasi iska dhex sameeyeen oo ay madax u yahay Barne Ciise ayaa shalay galab biyo dhaaminta ka sameeyay degmada Garowe iyo tuulada Rabaable.

Guddigan gabadhaha ah oo ka kooban lix xubnood ayaa ayaa tan iyo xalay biyo dhaaminta ka waday Gobalka Nugaal, xilli ay warbaahinta kula hadleen tuulada Rabaable ayay sheegeen inay tahay tabarucaad ay ugu talogaleen in lagu samata-bixiyo qoysaska dhibaataysan.

Suhuur Xaashi Hambo ayaa sheegtay biyo dhaanka wajiga koowaad inay ugu talo galeen tuulooyinkan kala ah, Kor-qori,Abaareey, Gol-dheer,Dacarre, Kor-cawood, Tuulo-ooman,Rameeti, Birta-dheer,Berri,cad Ceelwacayseed iyo Sallax-ley.
Gudoomiyaha guddigan Gabadhaha ah ee biyo dhaanka bilaabay oo la yiraahdo Barni Ciise ayaa sheegtay inaysan joojin doonin gurmadkan deg deg ah, waxay cadaysay dhaqaalaha wajiga koowaad inay soo direen qurba joogta haweenka ah ee Gobalka Nugaal, sababta biyo dhaankanna loo sameeyay yay ku sheegtay inay timi markay arkeen muuqaalo naxdin leh oo laga soo duubay qoysaska ay abaartu ku saamaysey qaybo ka mid ah gobalka Nugaal.

Waxay ugu baaqeen shacabka reer Puntland dal iyo dibad inay ka qayb qaataan gurmadka lagu bad baadinayo nolasha qoysaska reer guuraaga ah, waxay gudaha ka fureen akoono si dhaqaale wax loogu qabto qoysaskaasi loogu aruurinayo.
Gabadhaha qurba joogta ee Gobalka Nugaal ayaa horay uga soo qayb qaatay caawinta isbitaalka Garowe, kan lagu xanaaneeyo dadka dhimirka la’a iyo garab istaaga ciidanka difaaca Puntland gaar ahaan kolkii dagaalka lagula jiray kooxda Al-Shabab.

Haddii aad doonayso inaad ka qayb qaadato gurmadka loogu jiro bad baadinta qoyska tabalaysan kusoo dir wixii dhaqaale ee aad awooda Talleefonadan iyo akoomadan.

Acount-GOLIS ah , 460632, number sahal-oo gudaha dalka ah 0907858893. haddii aad dibadda joogto waxaad kusoo diri kartaa Acount- IFTIN- GRW062 iyo AMAL- 812583, waxaad kala xiriiri kartaa, Faaduma Maxamed Aar 252907742928.
10

9

8

12

7

6

5

4

3

2

1
PUNTLAND POST

The post Gabdhaha Gobalka Nugaal ee dalka iyo dibadda oo biyo dhaamin ka sameeyay tuulooyin Nugaal ka tirsan appeared first on Puntland Post.

Wasaaradda Amniga Puntland oo sara u qaaday xiriirka ay la leeday Caalamka

$
0
0

Garowe(Puntland Post)-Wasaaradda Amniga Dawlada Puntland ayaa wayadii danbe wadey arimo la xiriira kor u qaadista xiriirka ay Caalamka la leedahay Wasaaradu si Horumarin iyo Tababaro loogu helo laamaha Amaanka Dawlada Puntland, Sidoo kalena ay Wasaaradu u heli lahayd Taageero Caalami oo la xiriirta Horumarinta nabad galyada Puntland.

Wafti uu Hogaaminaayey Wasiirka Amniga Dawlada Puntland Cabdi Xirsi Cali ayna kamid ahaayeen Taliye Ku-xigeenka Booliska Puntland Cabdiqaadir Shire Faarax Ereg iyo Haashim Axmed Cabbaas oo ah lataliye katirsan Wasarada Amniga ayaa maalmihii u danbeeyey Socdaalo kala duwan ku maraayey Magaalooyinka Nairobi iyo Muqdisho, waxayna halkaas kaga qayb galeen kulano Muhiim u ah Bulshada reer Puntland.

Waftiga intii ay Nairobi ku sugnaayeen Waxay la kulmeen Safiirka Dalka Japan u fadhiya  Kenya, Iyagoo xog kasiiyey Amaanka Guud Soomaaliya iyo gaar’ahaan Puntland, wuxuuna Safiirkaasi balan qaaday inay Dawladiisu taageero ka geysan doonto Horumarinta nabad galyada Puntland.

Sidoo kale Waftiga ayaa la kulmay Safiirka Jarmal u fadhiya Nairobi wuxuuna balan qaaday inay Dawladiisu Puntland ka taageeri doonto arimaha Amaanka, ayna dhawaan wafti kasocda Jarmalka imaan doonaan Puntland, kana dhisi doonaan Goobo lagu dhaqan celiyo Caruurtii lagu soo qabtay Dagaalkii dhex maray Puntland iyo Al-shabaab.

Puntland ayaa kamid ah degaanada ugu amaanka wanaagsan Guud ahaan Dalka Soomaaliya, waxayna arintani soo jiidatay deeq-bixiyayaasha Caalamka oo doonaya inay gacan ka geystaan kor u qaadista amaanka.

Qarj 1

Qarj 2

Qarj 3

Qarj 4

 Puntland Post

 

The post Wasaaradda Amniga Puntland oo sara u qaaday xiriirka ay la leeday Caalamka appeared first on Puntland Post.

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Bakool Sare oo Garoowe Lagu Soo dhoweeyey

$
0
0

Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Eng. Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey ayaa maanta 24-April-2016 waxa uu qado sharaf u sameeyey Madaxweynaha maamul goboleedka Bakool Sare  Axmed Maxamed Mashruuc iyo wafti ballaadhan oo uu hoggaaminayey.

Waftiga ayaa waxaa kamid ahaa Ugaaska Guud ee Deenaadana Bakool Sare Ugaas Xuseen Ugaas Cabdi Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif iyo xubno ka tirsan maamulka Bakool Sare, sidoo kale dhinaca Puntland waxaa qado sharfta kasoo qayb galay guuddoomiye ku-xigeenka labaad ee Baarlamaanka Puntland iyo xubno ka tirsan labada gole ee dawladda Puntland.

Ujeedka socdaalka Madaxweynaha Bakool Sare iyo waftigiisa ayaa salka ku haya marti-qaad rasmi ah  ay  ka heleen Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas isla markaana ay doonayaan muddada ya ku sugan yihiin Puntland in ay ka faa’iidaystaan waayo –aragnimada gaamurtey ee dawladda Puntland ee dhinacyada dhismaha hay’adaha dawladda iyo sarraynta sharciga ee ka jirta Puntland.

Madaxweynaha Maamulka Bakool Sare ayaa kusimaha Madaxweynaha Puntland uga mahadcliyey sida qiimaha leh ee ay usoo dhoweeyeen iyo sidoo kale taageeradii ay dawladda Puntland hore ugu fidisay maamulka Bakool Sare xilligii ay u baahnaayeen garab istaagga ee la yagleelay.

Sidoo kale Madaxwyne Axmed Mashruuc waxa uu sheegay in uu doonayo Puntland in ay ka  wadatashadaan qaabkii maamulka Bakool Sare uu uga qayb-qaadan lahaa doorashada 2016-ka iyo qaabka xulista labada aqal ee baarlamaanka dawladda Federaalka Soomaaliyeed.

Ugu dambayntii Madaxweyne Axmed Maxamed Mashruuc ayaa sheegay in maamulka Bakool Sare uu markii hore ka tirsaan maamulka kumeel-gaarka ah ee Koonfur-Galbeed isla markaana ay aayohooda ka tashadeen markii ay maamulkaasi kala kulmeen caddaalad darro iyo gabbood fallo ka dhan ah xuquuqul aadanaha.

Kusimaha Madaxweynaha Puntland Eng. Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji ayaa sheegay inay soo dhoweynayaan Madaxweynaha Bakool Sare iyo waftigiisaba isla markaana ay dawladda Puntland diyaar u tahay inay soo dhoweyso dhammaan ummadda Soomaaliyeed maadaama ay tahay hooyada Federaalka Soomaaliya.

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

IMG_6578 IMG_6582 IMG_6587 IMG_6592 IMG_6594 IMG_6595 IMG_6598 IMG_6603 IMG_6607 IMG_6611

The post Madaxweynaha Maamul Goboleedka Bakool Sare oo Garoowe Lagu Soo dhoweeyey appeared first on Puntland Post.

R/W Somaaliya oo Wasiir cusub u Magacaabay Wasaarada Boostada iyo Isgaarsiinta

$
0
0

Mugdisho-(Puntland Post) Ra’iisulwasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmarke, ayaa xilka qaadis ku sameeyey wasiirkii wasaaradda boostada iyo isgaarsiinta ee xukuumadda Soomaaliya mudane Guuleed Xuseen Qaasim, iyadoo xilkaas loo magacaabay mudane  Maxamed Jaamac Mursal oo noqday wasiirka cusub ee wasaaradda boosatada iyo isgaarsiinta.

Wareegto ka  soo baxday xafiiska ra’iisulwasaaraha dalka ayaa lagu yiri; markii uu arkay qodobka 97 faraqadiis 1aad , 2aad iyo 3 aad ee dastuurka (KMG) jamhuuriyadda federaalka.

Markii uu arkay; xeer madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka oo lambarkeeddu yahay 72, kuna taarikheysan 17/12/2014 kuna saabsaneyd magacaabisteyda ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya.

Markii uu arkay ; baahida loo qabo tayeynta joogtada ah ee golaha wasiirada ayuu go’aansaday in uu sameeyo magacaabis iyo xil ka qaadis.

Dhanka kale Wasiirka Cusub ee la magaacay ayaa ah nin aad ugu dhaw Madaxweyaha Maamulka Jubbaland Sheekh Axmed Madoobe, waxaana xil ka qaadasta Wasiirkii hore iyo magacaabista Wasiirkan cusub la sheegay in uu kaalin ku lahaa Axmed Madoobe.

Wasiirkii hore ee Wasaarada Isgaariinta iyo Boostada Guuleed Xuseen, ayaa lagu eedeeyay in uusan wax muuqda ka qaban wasaarada intii uu joogay, waxa ayna Wasaaradan kamid aheed Wasaaradaha ugu shaqada yar Xukuumada federaalka  Soomaaliya.

PUNTLAND POST

The post R/W Somaaliya oo Wasiir cusub u Magacaabay Wasaarada Boostada iyo Isgaarsiinta appeared first on Puntland Post.

Guddiga doorashooyinka Puntland oo Axmed Kismaayo u doortey Gudoomiye

$
0
0
Axmed-Kismaayo
Gudoomiyaha Cusub ee TPEC – Axmed Kismaayo

Garowe(Puntland Post) Guddiga doorashooyinka KMG ah ee Puntland oo maanta markii ugu horaysay shirkoodii koowaad isagu yimi xarunta PDRC ee magalada Garowe,waxayna ku doorteen gudoomiye iyo ku xigeen.

Guddiga ayaa gudoomiye u doortey Axmed Maxamed Cali (Kismaya) oo horay usoo noqday agaasimaha guud ee Puntland sidoo kalena guddiga waxay gudoomiye ku xigeen u doorteen Maxamuud Soofe Xassan oo sidoo kale guddigii hore ee doorashada gudoomiye ku xigeen kasoo noqday.

Gudoomiyaha cusub ee TPEC Axmed Kismaayo ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay sida ay xubnaha kale ee guddiga ugu aamineen masuuliyadaan oo aad u culus, waxa kale uu sheegay inuu sida ugu wanaagsan uga soo bixi doono waajibaadka saaran.

Axmed Kismaayo ayaa mudo dheer kasoo mid ahaa shaqaalaha BBC, waxa uu sidoo kale kasoo shaqeeyay Raadiyow Muqdisho.

Ka hor doorashada gudoomiyaha iyo ku xigeenka,waxaa lagu soo dhaariyay xarunta madaxtooyadda, waxaana goobjoog dhaarinta guddiga goobjoog ka ahaa madaxwayne ku xigeenka iyo Afhayeenka Baarlamaanka.

PUNTLAND POST

The post Guddiga doorashooyinka Puntland oo Axmed Kismaayo u doortey Gudoomiye appeared first on Puntland Post.

Madaxweyne Gaas oo Sacuudiga kula kulmay Sheekh Shariif

$
0
0
Gaas iyo Sheekh Shariif oo kulmay
Gaas iyo Sheekh Shariif oo kulmay

Riyadh(Puntland Post)-Madaxweynaha Dawlada Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali ayaa Magaalaa Riyadh ee Caasimada Sacuudi Carabiya kulan gaar ah kula qaatay Madaxweynihii hore ee Dawladii KMG ahayd Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo isna Maalmihii u danbeeyey ku sugnaa Sacuudiga.

Cabdiweli Gaas oo ahaa Raisul Wasaarihii Sheekh Shariif xiligii uu isna ahaa Madaxweynaha ayey Wararka soo baaxaya Shegayaan inay kawada hadleen Marxaladda ka jirta Soomaaliya iyo Doorashooyinka Qaranka ee Sanadkan 2016 ka dhacaaya Dalka.

Labbadan nin oo u tartamay Doorashadii 2012 waxaa ka dhex dhashay Khilaaf ba’an dabaayaqadii Dawladoodii, lamana oga inay mawqif midaysan ka yeelan doonaan Doorashada Sanadkan ka dhici doonta Dalka, Waxaana siweyn loo hadal hayaa in Sheekh Shariif Sheekh Axmed yahay Murashax u carari doona Doorashada.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaan ka hadlin Siyaasada Soomaaliya tan iyo markii uu xilka ku wareejiyey Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud.

Puntland Post

 

 

 

The post Madaxweyne Gaas oo Sacuudiga kula kulmay Sheekh Shariif appeared first on Puntland Post.


Maraykanka oo 250 Askari u diraaya Dalka Suuriya

$
0
0
Obama iyo Angela Merkel
Obama iyo Angela Merkel

Hanover(Puntland Post)-Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa si rasmi ah u shaaciyey inuu go’aansaday inay 250 Askri oo si gaar ah u tababaran ay u diraan Dalka Suuriya si ay ula dagaalamaan Kooxda la baxday Dawlada Islaamka.

“Waxaan go’aansaday inaan 250 askari oo ay ku jiraan Ciidamada gaarka ah aan u diro Dalka Suuriya si ay usii kordhiyaan taageerada Maraykanka ee lagula Dagaalamaayo Kooxda Daacish” ayuu Yiri Madaxweyne Obama, oo hadalkan Ka jeediyey Magaalada Hanover ee Dalka Jarmalka halkaas oo ay Shir jaraaid wadajir ugu qabteen Hogaamiyaha Jarmalka Angela Merkel.

Ciidamada ayaa xoojinaaya ku dhawaad 300 oo askari oo horay Maraykanka uga joogay Dalka Suuriya, kuwaas oo dagaal adag kula jira Kooxda Dawlada Islaamiga ah ee Ciraaq ama Daacish.

Kooxda Daacish ayaa Gacanta ku haysa dhawr Magaalo oo ku yaal Dalalka Suuriya iyo Ciraaq waxayna dagaallo ba’an kula jirtaa Dawladaha tabarta yar ee ka taliya Dalalkaas iyo weliba Wadamo kale oo reer Galbeedka iyo Bariga Dhexe ah.

Lama oga waxa ay soo kordhin doonaan Ciidamada Cusub ee uu Maraykanku u diraayo Suuriya, waxaase muuqata inay wakhti badan qaadan doonto in laga adkaado Kooxdan la baxday Dawlada Islaamka.

Puntland Post

The post Maraykanka oo 250 Askari u diraaya Dalka Suuriya appeared first on Puntland Post.

Kusimaha Madaxweyna dawladda Puntland oo Xafiiskiisa ku qaabilay Arday Tartanka Qur’aanka muqdisho kaga qayb gashay

$
0
0

Madaxweyne ku-xigeenka dawladda Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Eng. Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey ayaa maanta 25-April-2016 xafiiskiisa ku qaabilay ardaydii reer Puntland ee  dhowaan Tartanka Qur’aanka Kariimka ah kaga qayb gashay Magaalada Muqdisho oo uu kujiro ardaygii  Soomaaliya oo dhan kaalinta koobaad u galay Tartanka Qur’aanka Cumar Cismaan Cali.

Kulanka ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa sheekh Cabdiqani Qorane oo kamid ah culumada iyo Ismada Puntland, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caddaaladda Maxamed Cali Faarax iyo Ardaydii Puntland uga qayb-gashay Tartankaasi.

Tartanka Qur’aanka Kariimka ah oo sannadkiiba mar lagu qabto magaalada Muqdisho ayaa waxaa sannad walba kasoo qayb gala Arday ka kala socota 18-ka Gobol ee Soomaaliya, iyadoo kaalinta koobaad uu galay arday ka socda gobolka Bari-Boosaaso, kaalinta labaadna Jubbada Hoose-Kismaayo, Kaalinta saddexaadna Woqooyi-Galbeed Hargaysa, Kaalinta Afraadna Togdheer-Burco halka kaalinta shanaadna uu galay arday ka socda gobolka Banaadir-Muqdisho.

Sidoo kale sannadka soo socda ayaa tartankaasi waxaa lagu qaban doonaa Puntland haddii Eebbe idmo, iyadoo looga golleeyahay xoojinta midnimada iyo isdhex-galka ummadda Soomaaliyeed ayaa sannadba waxaa lagu qaban doono mid ka mid ah xarumaha dawladaha xubnaha ka ah dawladda federaalka Soomaaliyeed.

Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland ayaa bogaadiyey ardaydii yaryarayd ee dedaalka dheeriga ah ku bixisay sidii ay guulo wax ku ool ah uga soo hoyn lahaayeen tartanka Qur’aanka Kariimka ah, sidoo kale waxa uu xusay In Qur’aanku uu yahay wax la barto waxa ugu khayrka badan, isagoona ammaan iyo bogaadin hawada u mariyey waalidiintii ku ku barbaariyey  ubadkooda barashada Qawlka Eebbe.

Ugu dambayn, Kusimaha Madaxweynaha ayaa ku boorriyey ardayda in ay dedaalkooda sii laba jibbaaraan isla markaana ay ka fogaan fikrada khaldan ee ay baahiyaan kooxaha liddiga ku ah caqiidada saxda ah iyo guud ahaan barashada diinta Islaamka.

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

IMG_6675 IMG_6676 IMG_6678 IMG_6679 IMG_6680 IMG_6682 IMG_6684 IMG_6687

The post Kusimaha Madaxweyna dawladda Puntland oo Xafiiskiisa ku qaabilay Arday Tartanka Qur’aanka muqdisho kaga qayb gashay appeared first on Puntland Post.

Wasiirka Amniga Puntland oo laamaha amaanka ku dhaliilay wax ka qabasho la’aanta bedel bedelka

$
0
0

Garowe(Puntland Post) Wasiirka Amniga Puntland Cabdi Xirsi Cali (Qarjab) oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa magalada Garowe ayaa dhaliilay laamaha ammaanka oo uu sheegay inaysan waxba ka hir galin amaro ay soo saareen oo ay xilli hore ku war galiyeen laamaha ammaanka, mamulka gobalka iyo kan degmada.

Wuxuu sheegay amarkii ugu danbeeyay ee ahaa in Puntland mamnuuc ka yahay ganacsiga Itoobiyaanka ee loo yaqaan Bedel bedel kaasoo kusii xoogaysanaya deegaanada Puntland, amarkaasi ayuu tilmaamay inuusan weli fulin, wuxuuna sheegay qof kasta in shaqadiisa lagu dabo galayo lagunala xisaabtamayo xafiiska ay fadhiyo.

”Qoraal baan waxaan kasoo saarney dadka wareejiyaasha ah wasaradda amniga iyo wasaradda arrimaha gudaha ayaa soo saartay, anigoo gurigayga kasoo baxaya oo aan xafiiska tagina yaa waxaa iigu soo horeeyay wareejiyaha Bedel bedel, waxaan lee nahay qof kasta shaqada uu lee yahay waa lagu dabo galayaa”.

Qarjab ayaa horay u sheegay inay mamnuuc tahay ganacsiga Bedel bedel oo ay sameeyeen dad Itoobiyaan ah, waxa uu sheegay ganacsigaasi inuusan wax faa’iido ah u lahayn maadama uu ka hor imaanaya kii muwaadinka ee fadhiga ku ganacsanayay.

Su’aasha la is-waydiinayo ayaa ah sababta uu u dhaqan gali la yahay go’aanka ay wada-jirka usoo wada saareen wasaradaha Amniga iyo Arrimaha gudaha.

PUNTLAND POST

The post Wasiirka Amniga Puntland oo laamaha amaanka ku dhaliilay wax ka qabasho la’aanta bedel bedelka appeared first on Puntland Post.

Hay’adda nabad sugida Dawlada Soomaaliya oo sheegtay inay qabatay sarkaal Alshabaaba oo ay raadinaayeen

$
0
0

Muqdisho(Puntland Post)-Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Dawlada Federaalka Soomaaliya ee loyaqaan NISSA ayaa sheegtay inay ku guulaysatay qabashada sarkaal katirsan kooxda Al-shabaab oo lagu Magacaabo Xassan Fanax kaas oo ay si aada u goobaysay Dawlada Soomaaliya, sida lagu sheegay qoraal ay Warbaahinta ku faafisay NISSA.

NISSA ayaa sheegtay in Ninkan soo qabashadiisa horay loo dul dhigay lacag lagu abaal marin doono cidii soo sheegta, Balse xalay ayey Ciidamada nabad sugidda Soomaaliya oo hawl-gal gaar ah ka sameeyey Degmada Kaxda ee Magaalada Muqdisho waxay kasoo qabteen Xassan Fanax oo guri halkaas ku yaal ku jiray.

Wararka kasoo baxaaya hawlgalka ay Ciidamada nabad sugida Soomaaliya ka sameeyeen Magaalada Muqdisho laguna qabtay Sarkaalkan sare oo katirsan Al-shabaab ayaa sheegaaya inay weheliyeen 12 kale oo katirsan dagaal-yahanada Kooxdaas oo iyagana isla goobta lagu qabtay.

Xassan Fanax ayaa la rumaysan yahay inuu abaabulay qaraxyo dhawr ah oo ay wax yeelo kasoo gaartay Saraakiil katirsan Dawlada Soomaaliya iyo Ciidamada AMISOM.

Puntland Post

 

The post Hay’adda nabad sugida Dawlada Soomaaliya oo sheegtay inay qabatay sarkaal Alshabaaba oo ay raadinaayeen appeared first on Puntland Post.

Puntland oo iska fogaysay ku lug lahaanshaha dagaalkii Degaanka Daac-dheer

$
0
0

Garowe(Puntland Post)-Wasiirka Amniga Dawlada Puntland Cabdi Xirsi Qarjab oo maanta saxaafada kula hadlaayey Magaalada Garowe ayaa si aada iskaga fogeeyey inay wax lug ah Dawladiisu ku lahayd dagaalkii dhawaan ka dhacay degaanka Daac-dheer oo ah xuduuda uu Gobalka Galgaduuda ee Soomaaliya la wadaago Dawlad Degaanka Soomaalida Itoobiya, kaas oo dhex maray Ciidamada Dawlad degaanka Soomaalida Itoobiya ee loyaqaan Liyuu Boolis iyo Maleeshiyaad taabacsan Maamulka Galmudug.

Wasiir Qarjab ayaa sheegay inuu Maamulka Galmudug si aan ka fiirsasho lahayn ugu eedeeyey Dawlada Puntland inay ku lug lahayd dagaalkii halkaas ka dhacay, wuxuuna tilmaamay inuusan sinaba u khusayn karin dagaalka ka dhacay Daac-dheer maadama aysan ahayn dhulka Puntland, xuduudna la wadaagin degaankaas.

Wasiir Qarjab ayaa intaas ku daray inaysan Puntland daandasan dariskeeda, Balse ay jiraan Dad mar walba fidmo ka dhex abuura Dadka deriska, wuxuuna sheegay inay mar walba diyaar u yihiin in nabad lagu wada noolaado balse ay iska difaacayaan Cidii xuduudaha Puntland kusoo xad gudubta.

Hadalka Wasiirka ayaa kusoo aadaya xili qaar kamid ah Masuuliyiinta Maamul Gobaleedka Galmudug ay kasoo baxeen hadalo ay ku sheegeen inay Puntland gadaal ka taaganayd dagaalkii Daac-dheer.

Puntland Post

The post Puntland oo iska fogaysay ku lug lahaanshaha dagaalkii Degaanka Daac-dheer appeared first on Puntland Post.

Viewing all 23196 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>