Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all 22737 articles
Browse latest View live

BOOSAASO: Heshiis dhexmaray Jaamacada Bariga Africa(EAU) iyo Wasaarada Caafimaadka Puntland (MoH) (Sawiro)

$
0
0

Boosaaso: (pp)- Jaamacada Bariga Afrika ayaa ah Jaamacada ugu da’da weyn uguna balaaran deeganaada Puntland. Sidoo kale JBA waa jaamacada kaliya eel eh kukliyada Caafimaaadka iyo Cisbitaal u gaar ah (teaching hospital).

SAM_1294Dhawaan ayaa magaalada Garoowe ee caasumada Puntland waxaa heshiis is afgarad ku kala saxiixday Wasaarada Caafimaadka ee Puntland iyo Jaamacaddda Bariga AfriKa. Heshiiskaas oo labada dhinac ay isku raaceen qodobo dhawr ahaa oo ay ka mid ahaayeeen 1) in Wasaarda Caafimaadku u aqoonsato Cissbitaalka JBA uu noqdo Public teaching Hospital. 2)In Wsaaarada Caafimaadku u fududayso sidii ay kuliyada caafimaadku ugu xirmi lahayd hayadaha caalamiga ah.4) in Ardayda dhigata kuliyada caafimaad ee JBA ay ka qayb qaataan dhamaan hawlaha lagu dardar galinaya arimaha caafimaadka ee deegaamada Puntlad. 5) in wasaaradu ay ka caawiso Aradayda wixii aqoon korarsi ah iyo tababarada caafimaadka iyo kuwa kale .

SAM_1291 Heshiisskan ayaa ahaa mid aad loogu baahnaa xili ay kuliyada caafimaadka ee JBA ay dhawaan soo saari doonto dufcadii ugu horaysay ee dhakhaatiir ah. Sidoo kale Wasiirka Caafimaadka Dr. Cali Cabdulaahi Warsame ayaa ku booriyay JBA in ay halkaas kasii wado soo saarida dhakhaatiirta iyadoo uu sheegay in baahi weyn loo qabo in la helo dhalinyaro aqoonta caafimaadka ku takhasustay oo daboosha baahida hada taagan ayadoo ay booska kasii baxayaan dhakhaatiirtii hore ee waaya araga ahayd.Gudoomiya JBA ayaa dhiniciisa uga mahad celiya Guud ahaan Dawlada Puntland gaar ahaan Wasaaradda Caafimaadku sida ay had iyo goor ugu dadaalayso kor u qaadista arimaha caafimaadka.

SAM_1296Hishhiska ayaa dhinaca Wasaarada Caafimaadka waxaa u saxiixay Wasiirka Wasaaradda Dr. Cali Cabdulaaahi warsame hala uu Jaamacada Bariga Africa u saxiixay Gudoomiyaha Jaamacada Dr Cabdirazaaq Hiirad Maxamed.

SAM_1179SAM_1176

Puntlandpost.com


Garowe: 7 qof oo xukun dil ah Maxkamadu ku xukuntey ka dib dilkii Shiikh Abdulqaadir Nuur Faarax.

$
0
0

Garoowe: (pp)- Todobo ka mid ah dadkii ka qeyb qaatey dilkii AUN Shiikh C/qaadir Nuur Faarax ayaa maanta Maxkamada darajada 1-aad ee ciidamada qalabka sida Gobolada Nugaal,Mudug, Sool iyo Cayn ku xukuntey dil toogasho.

C/raxmaan Xuseen Jaamac Bile oo ahaa ninkii dilay Shiikh Abdulqaadir iyo Cabdulaahi Cismaan Axmed oo ahaa qaban qaabiyihii dilka shiikha ayaa maanta la horkeeney maxkamada,waxaana xukunkooda ka hor maxkamada sidoo kale la keeney cadeymo qiraalo ka noqonaya muujinta cadeymaha lagu hayey danbiilayaashan sida ay dilka u geysteen, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen sida Muuqaalo laga duubey, Hubkii shiikha lagu dilay iyo Qaraxyo la sheegey inay goobta ku aaseen .

Inkastoo Saxaafadu banaanka ka joogtey xukunka Maxkamada ayaa shan ka mid ah 7 qof ee la xukumey ay yihiin kuwo maqanayaal ah , balse magacyadooda lagu kala sheegey maqanayaasha sidan :

1-Maxamed Cabdulaahi Ilkacase
2-Mawliid Maxamed
3-Shaqale Xasan Haybe iyo laba nin oo Buni Maxamed iyo Shiine keliya lagu soo koobay magacyadooda.

Maxkamada darajada 1-aad ee ciidamada qalabka sida Puntland ee gobollada Nugaal,Mudug ,Sool iyo Cayn ayaa xukuno dil toogasho ah ku xakuntay 7 dhalinyaro ah oo loo haystay dilkii Shiikh Cabdiqaadir Nuur Faarax.

Xukunka Maxkamada ayaa lagu sheegey inay muddo bil ah dadkan ku haystaan racfaan ay ka qaataan xukunkooda , iyadoona maxkamadu sheegtey in labada xukumanayaal ee hadda gacanta lagu hayo loo qabtey qareemo u doodaya.

Allaha u naxariistee Shiikha ayaa Masjidka Al-Badr ee bartmaha magaalada Garowe lagu diley 15-kii February,2013 xili uu tukanayey Salaada Casar.

Puntlandpost.com
Garoowe.

Dhakhtarad Maraykan ah oo ku islaamtay muslimad ay foolisay!

$
0
0

Waxay ahayd dhakhtarad Maraykan ah oo dumarka iyo dhalmada ku takhasustay. Waxay tiri: haweeney muslin ah oo fool ah ayaa isbitaalka iigu timid. Dhalmada ka hor ayay xanuunsanaysey. Kolkii rawaxaadaydu soo dhawaatay ayaan u sheegay inaan shaqada ka baxayo oo uu foolin doono nin dhakhtar ah. Kolkaas ayay bilowday oohin iyo qaylo. Waxay lahayd ma doonayo nin!.

Akhri: Halkaan ka akhri Warbxinta 

 

Dhakhtarad Maraykan ah oo ku islaamtay muslimad ay foolisay!

Dhakhtarad Maraykan ah oo ku islaamtay muslimad ay foolisay!

Waxay tiri arrinteeda waan la yaabay. Ninkeeda ayaa ii sheegay in aan waligeed wajigeeda nin arag maxaarimteeda mooyee. Dhakhtaradii iyada oo yaaban ayay tiri u malayn maayo inuu jiro nin Amerika jooga oo aan wajigayga arag!.

Waxay tiri waan ka yeelay inaan u baaqdo oo aan ka dhaliyo. Maalintii dambe ayaan soo booqday, waxaana u sheegay in dumar badan ay ku xanuunsadaan galmada xilliga nifaaska, waxaana u sheegay inay lagama maarmaan tahay in ugu yaraan afartan beri aan galmo loo dhawaan!.

Waxaan kale oo u sheegay inay cunto fiican cunto afartankaas beri, iskana ilaaliso shaqada adag. Kolkaas ayay ummushii ii sheegtay in arrintaas islaamku sheegay oo ay xaaraan tahay in 40 beri ummusha loo galmoodo. Tan kale waxay tiri: ummusha waa laga dulqaaday salaadda iyo soonka!.

Dhakhtaraddii waxay tiri: waan la yaabay.Baaritaanadayadii cilmiga ahaa waxaa lagu ogaaay arrimaha islaamku sheegay laakiin waa baaris iyo tijaabooyin farabadan oo dhib ah ka dib.

Dhakhtaraddii carruurta ayaa usoo gashay ummushii; si ay ilmaha u eegto, waxayna ku tiri: waxaa fiican in ilmaha dhinaca midig loo seexiyo si shaqada wadnuhu si wacan ugu socoto, kolkaasaa ninkii ugu jawaabay: annagu dhunaca midig baan u seexinaa; si aan dhaqanka nabigayaga Muaxammad u hirgalino . Waxay tiri: tanna waan la sii yaabay.

Dhakhtaraddii Maraykanka ahayd waxay tiri: cimrigayagii wuxuu ku dhamaaday si aan cilmigaan u gaarno, iyaguna (muslimiinta) diintooda ayay ka barteen. Goortaas ayaan go’aansaday inaan diintaan barto, markaas ayaan fasax bil ah qaatay, waxaana magaalo kale oo uu ku yaal Markaz islaami ah, waqtiga badankiisiina isaga ayaan ku qaatay; si aan muslimiinta carbeed iyo kuwa Maraykanka ahba ula kulmo, waxna u weydiiyo, islaamnimadaydana waan ku dhawaaqay bilo ka dib.

Waxay tiri dhakhtaradii: Alxamdu lillaah.

Halkaan ka akhri warbixinta: http://islamtoday.net/albasheer/artshow-12-184076.htm

Axmed C/samad

alwaqaar@hotmail.com

 

Soo dhoweyntii Prof. Gaas dalka Denmark – Daawo Video)

$
0
0

Danmark- Aarhus: (pp)- Waxaa dalka Denmark , gaar ahaan Caasimada Labaad ee dalka Denmark – Aarshus lagu soo dhoweeyey Dr. C/weli Axmed Cali Gaas, oo booqashooyin ku maraya dalalka Caalamka.

Prof. Gaas oo lagu soo dhoweeyey Denmark

Prof. Gaas oo lagu soo dhoweeyey Denmark

Xafladaas oo aad loo soo agaasimay ayaa waxaa kasoo qayb galay dad badan oo soomaaliyeed , oo halkaas ka soo jeediyey Gabayo, iyo khudabado taariikhiyo.

Prof. Gaas ayaa lagu amaanay hirgelintii Roadmap-ka iyo geesinimadii uu muujiyey waqtigii uu ahaa raiisal wasaaraha DF ee Soomaaliya.

Daawo Video-ga

Puntlandpost.com

Ducaysane, “ Sannadkii tagay ee 2012, dhaqaale gaaraya $6.1 billion, ayay Shirkadaha/Ururada Maraakiibtu iyo Beesha Caalamku ku bixiyeen barnaamijka la dagaallanka Burcad-badeedda.

$
0
0

yon, France, May 23, 2013: Agaasimaha la Dagaalanka Burcad-badeedda Dawladda Puntland , Mudane Abdirizak M. Dirir (Ducaysane) oo maalmahan shaqo u joogay magaalada Lyon ee wadanka Fransiiska, ayaa waraysi uu siiyey warbaahinta, waxa uu shaaca ka qaaday in sannadkii tagaey ee 2012ka dhaqaalaha ku baxay barnaamijka la dagaallanka burcad-badeedda uu ahaa $6.1 billion.

Abdirizak M. Ahmed (Ducaysane)

Eng. Abdirizak M. Ahmed (Ducaysane)

Ducaysane, “ sida aad la socotaan, bishii May 2012 ayaa ugu dambeysey markab la qabsado, sanadkan 2013 oo aynu bishii Shanaad (May) ku jirrona, wali markab la qabsaday ma jiro, taas micnaheedu ma ahan in aanay burcad-badeeddu aanay weeraro qaadin ee waanay ku guulaysan”. Agaasimuhu, isagoo hadalkiisii sii wata, waxa uu yiri, “Way badan yihiin sababaha keenay in aanay burcad-badeeddu ku guulaysan weerarada ay qaadayaan, waxaase ugu muhiimsan, oggolaanshaha maraakiibta loo oggolaaday inay qortaan oo saaraan maraakiibtooda ILAALO U GAAR AH oo ka difaacda weerarada burcadda, waana meesha dhaqaalaha ugu badani ku baxay sannadkii 2012ka ($2.06 billion).

Agaasimuhu, isagoo faah-faahinaya sida dhaqaaluhu u baxay sannadkii tagay 2012, ayuu u kala dhig-dhigay sidan:

  1. Madax-furashada: Sannadkii tagey ee 2012, siddeed markab ayay burcaddu madax-furasho ka qaadatay, lacag dhan $31.75 million. Marka lagu daro, kharshka diyaaradda lacagta keentay, dhaawaca markabka soo gaara xiliga qabsashada, dulaaliinta/ dhexdhexaadiyayaasha, la taliyayaasha iyo qareenada, guud ahaan waxaa ku baxay lacag dhan $63.5 million.

    - Hawl-galka Ciidamada: Waxaa ku baxay, lacag dhan $1.09 billion.
    - Ilaalada iyo Qalabka Amniga: Waxaa ku baxay, $2.06 billion.
    - Jihaynta ama Dib u jihaynta Maraakiibta: waxaa ku baxay lacag dhan $290.5 million
    - Kordhinta Xawaaraha Maraakiibta: waxaa ku baxay $1.53 billion
    - Shaqaalaha Maraakiibta: waxaa ku baxay lacag dhan $471.6 million
    - Xariga iyo dacwo ku oogidda Burcad-badeedda: waxaa ku baxay $14.89 million
    - Caymiska: waxaa sannadkii tagay ku baxay $550.7 million
    - Ururada la dagaallanka burcad-badeedda: waxaa ku baxay lacag dhan $24.08 million.

    Dhaqaalahan ayaa waxaa laga bixiyaa SANDUUQA KAYDKA DHAQAALAHA LA DAGAALLANKA BURCAD BADEEDDA EE QARAMADA MIDOOBAY (UN CP TRUST FUND), oo ay maamulaan guddi ka kooban 10 wadan oo leh awoodda u codaynta, sida: Jermany, Italy, Kenya, Noway, Republic of Korea, Qatar, Seychelles, Somalia, Turkey, iyo UK – iyo ururada IMO, UNODC, iyo UNPOS oo aan codayn Karin. 

    Puntlandpost.com

IGAD oo Kulmaysa iyo Warmurtiyeed khuseeya arrimaha Jubbooyinka oo laga soo saarayo ( Warbixin)

$
0
0

Wadamada ku bahoobay IGAD ayaa maanta shir uga furmay magaalada Addis Ababa, iyadoo shirkaas looga hadlayo arrimaha amaanka dalalka IGAD iyo arrimo khuseeya jubbooyinka.

IGAD oo ka doodaysa Ammaanka Gobolka iyo JubbooyinkaMadaxweyanaha DF ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud Culusow ayaa lagu wadaa inuu shirkaas ka hadlo, isagoo sidda la xaqiijiyey halkaas la shirtegi doona sidda uu arko Maammulka Cusub ee Jubbooyinka.

Masuuliyiin ka socota IGAD oo kormeer kusoo sameeyey hanaankii doorashada Jubbooyinka iyo arrimaha Jubbooyinka ayaa iyaguna halkaas  kaga faalloon doona waxyaalihii ay kusoo arkeen iyo nabadgelyada ka jirta xarrunta kumeel-gaarka ah ee Jubbooyinka ee magaalada Kismaayo oo ay kula kulmeen ergooyinkii doortay Madaxweynaha Jubbaland iyo Kuxigeenkiisa iyo weliba cuqaasha deegaanka Jubbooyinka.

IGAD oo aad u taageeraysay shirkii Jubbooyinka ayaa maanta Cod u qaadaya arrimo badan  oo sharci ahaan loo eegayo , maadaama dalka Soomaaliya uu qaatay hanaanka Federaalka ah ayaa lagu wadaa inay xarrunta shirka uu ka socdo laga soo jeediyo  in shirkii Jubbooyinku uu ahaa mid waafaqsan sharciga federaalka ee Soomaalidu ku heshiisay sanadkii 2oo4-tii , laguna saxiixay dalka Kenya , kaddib 2 sano oo shir Empeghati uga socday qaybaha kala duwan Bulshada Soomaaliyeed.

IGAD ayaa loo badinayaa inay difaaci doonto wixii Soomaalidu ay ku heshiisay, maadaama caalamka dhamaantiis uu maanta usoo jeedo in Soomaaliya Cagaha loo dhigo , iyadoo loo raacayo sharciga federaalka ee ay ku heshiiyeen Soomaalidu iyo siddii ay u kala degaan jireen, sidaasna lagu xaliyo arrimaha Soomaaliya , halka Madaxweynaha DF ee Soomaaliya iyo rag la siyaasad ahi ay doonayaan in ay hanaankaas carqaladeeyaan , si aysan soomaaliya u degan , isla markaasna aan loo helin Daawo ay soomaaliya ku degto.

Sikastaba, aan dhowrno Warmurtiyeedka laga sugayo IGAD oo maanta shir uu uga socdo xarrunta dalka Ethiopia ee Addis Ababa.

Puntlandpost, Addis Ababa, Ethiopia

Garoowe: 8,515 Arday oo maanta Puntland u fariistey itixaanada shahaadiga ee Dugsiyada Sarre iyo Dhexe

$
0
0

Garoowe: (pp)- Gobollada Puntland maanta ka bilaamay Imtixaanaadka Shihaadiga ah ee fasalada 8-aadka iyo 12-aadka ee sanadkaan,waxana ku dhawaaqay in la gali karo Imtixaanka Madaxwaynaha Dowlada Puntland Cabdiraxmaan Shiikh Maxamad (Faroole).

Munaasabada lagu furayay imtixaanaadka shihaadiga ah ayaa lagu qabtay dugsiga sare ee Gambool,waxana kasoo qayb galay madaxwaynaha Puntland,labada gole ee xukumada,iyo masuuliyiin kale.

Dr Juxa Wasiirka waxbarashada Puntland oo bilowgii munaasibadaani ka hadlay ayaa sheegay saakay inay imtixaanka u fadhiyaan arday ka badan 8500-oo arday,wuxuna sheegay 190-iskuul inuu ka dhacayo imtixaanka lagana mamulayo 66-xarumood.

Madaxwaynaha Puntland Cabdiraxmaan Faroole oo si rasmiya ugu dhawaaqay furitaanka Imtixaanka shihaadiga ah ayaa sheegay inay guul taariikhi ah tahay in saakay guud ahaan Puntland looga fadhiga imtixaanka Shihaadiga ah,wuxuna madaxda wasaaradda waxbarashada ku amaanay howl-karnimada iyo dadaalka ay u muujiyaan midaynta manaahijta iyo qaadista imtixaanka.

”Aad baan uga ammaanayaa dadaalka ay madaxda wasaarada waxbarashada u muujiyeen midaynta imtixaanka,sidoo kale wasaarada waxbashada waxaa amman usoo jeediyay madaxda dowlada Soomaaliya xiligii ay noogu yimaadeen magalada Garowe”Faroole.

Fasalada 8-aadka Sanadkan waxaa imtixaanka u fariisanaya 3.502-wiilal iyo 2,641-gabdho,halka fasalada 12-aadna lagu sheegay inay u fariisanayaan 1,726-wiilal ah iyo 645-gabdho ah,waxaana sidaan noo sheegay masuul sare oo ka tirsan wasaarada waxbarashada Puntland.

Waxbarashada Puntland ayaa laga dareemayaa shaqo balaaran oo ka soconaysay maalmihii lasoo dhaafey,iyadoona dadaal ugu jirtey sidii loo dhiiri galin lahaa ardeyda.

Nagala soo xiriir : Puntlandpost.pp@gmail.com

Puntlandpost.com
Garoowe.

KISMAAYO: Maamulka Jubbaland oo amray in Kismaayo isaga baaxaan saraakiil ka socotay DF oo ku sugnaa Magaalada Kismaayo (Warbixin)

$
0
0

Wararka naga soo gaaraya  Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa sheegaya,  in Dowlad goboleédka Maamulka Jubbaland uu istaagiyey imaanshaha  Wasiiro ka socda DF ee Soomaaliya oo Kismaayo kusoo fool lahaa , isla markaasna loogu baaqay Saraakiil booqasho ku joogay Magaalada Kismaayo oo ka socday DF ee Soomaaliya inay isaga baxaan guddaha magaalada Kismaayo

Masuuliyiinta Jubbaland oo shir deg deg ku yeeshay magaalada Kismaayo ayaa si deg deg uga baaqay kooxaha ka socdaý DF ee Soomaaliya ee ku sugan magaalada Kismaayo  inay isaga baxaan magaalada Kismaayo kaddib markii laga warhelay inay kala furfurayaan Ciidamada Jubbooyinka.

Maamulka Cusub ee Jubbooyinka oo beryihii la soo dhaafay dulqaad u muujiyey masuuliyiin ka socotay DF ee Soomaaliya oo Kismaayo ku sugnaa ayaa hadda loo maleeyo inay go’aan wanaagsan ka qaateen Masuuliyiinta sheeganaya DF ee Soomaaliya ee qaska ka waday guddaha magaalada Kismaayo.

Shacabka Jubbooyinka ayaa aad usoo dhaweeyey go’aanka wanaagsan ee ay qaateen Maamulka cusub ee Jubbaland, kuwaas oo talaabada ay qaadeen Maamulka Jubbaland ku tilmaamay arrin wanaagsan oo mudan in la soo dhoweeyo.

Puntlandpost, Kismaayo, Jubbaland


Statement from Jubbaland State of Somalia

$
0
0

Despite the IGAD Summit communique of the 22nd Extra-ordinary session on the  situation in Somalia, Mogadishu is still provoking the Jubbaland Administration to  catalyze insecurity, hostility and animosity among the clans, which will eventually result  in the Jubbaland community give up in shielding Al-Shabaab from Jubbaland regions.

JubbalandlogoThis gives the impression that Mogadishu is willingly departing out its focus from AlShabab and other community healing process. It’s unfortunate that all the energy and  resources of Mogadishu given by the international donors for the last 6 months are focused on contesting Jubbaland community achievements.

It’s regrettable that Mogadishu is not observing the agreement reached in Addis Ababa,  which its party to. Jubaland State Administration appeals IGAD and other peace loving  International Community enforce Mogadishu to refrain from further inflaming the delicate  situation until the political process is completed.

The people of Jubbaland through their traditional and political leaders, decided to  establish their Regional Federal State in accordance with the Provisional Federal  constitution of Somalia. The decision to establish Jubbaland State was reached after  years long all inclusive, transparent and democratic process, which was supported by  IGAD.

Therefore, under the circumstances, Jubaland State will ensure to safeguard its own security and the delicate process achieved through IGAD grand stabilization process  and local community participation. We also urge speedy implementation of IGADs
communique issued yesterday.

The new Jubbaland Administration welcomes the IGAD’s proposal for peace and  reconciliation dialogue among the Jubbaland State and Mogadishu facilitated by IGAD.  However, such dialogue should take place in a neutral venue accepted to all the parties
concern.

The Jubbaland Administration urges the Mogadishu, IGAD, AU and the International  Community to devote all efforts and energies to the war against Al-Shabaab terrorism in  Somalia, instead of wasting time and resources on non-existence conflict in Jubbaland.

 

Source: Jubbaland State of Somalia

Muqdisho: Mooshin Ciidamada Kenya Kismayo lagaga saarayo Kismaayo oo DF u gudbisey Barlamanka.

$
0
0

Afhayeenkii Maamulka KMG Kismayo ka hor intii aan la dooran Madaxweynaha Jubaland C/naasir Seeraar oo warbaahinta gudaha ay wax ka weydiisay dhaq dhaqaaqa siyaasadeed ee Jubaland ka soconaya ayaa sheegey in uu jiro qorshe DF Somalia ku dooneyso inay ciidamada Kenya kaga saarto magaalada Kismaayo.

Mudane Seeraar ayaa sheegey in Madaxweyne Xasan Shiikh uu dacwad ciidamada Kenya meel walba ka dhigey islamarkaana uu hadafka madaxweynuhu yahay sidii uu uga hor imaan lahaa howshii wanaagsaneyd ee ciidankaasi u qabteen shacabka Soomaaliyeed ee Jubooyinka.

“Ciidamada Kenya waxay gobolada ka saareen Alshabab iyo Argagixisadii haysatey, Xasan Shiikh-na midaas ayuu kasoo horjeeda, taasna waa mid fool xun in Madaxweyne Somalia uu argagixiso garabsiiyo” ayuu yiri Sareer.

C/naasir Seeraar waxa uu intaas ku darey in mowqifka maamulka Jubaland uu yahay hadii ciidanka Kenya wadanka laga saaro ay midaas bedelkeeda iyana si la mid ah dalka uga baxayaan ciidamada Ugandha iyo Burundi .

“Kenya waxay ka mid tahay Howl-galka ciidamada AMISOM, kaligeed-na biximeyso hadii laga shaqeynayo in Kismayo laga bixiyo, waxa la baxaya ciidamada Ugandha iyo Brundi oo ay ka wada tirsan AMISOM, taas ayaan u sheegayaa dadka is leh Kenya dacwad laga gudbiyo ku baxaysaa” ayuu yiri mar kale Seeraar.

Mooshin Baarlamanka DF loo gudbiyey.

Dhanka kale warar Puntland Post ka helayso xubno ka tirsan baarlamanka Muqdisho ayaa sheegaya in xukuumadu soo gudbisey mowshin ay ku dooneyso in ay cod baarlamanku ugu qaadaan ciidamada Kenya oo laga saaro Kismaayo.

Mooshinkan ayaa imanaya , xilli maalmo ka hor uu jirey mooshin baarlamanka lagala noqdey kaas oo sida la sheegey dhicisoobey, balse badelkiisa xukuumadu u adeegsatey baarlamanku in uu ansixiyo ciidamada Kenya oo Kismayo laga saaro.

Mooshinka baarlamanka loo gudbiyey ayaa ahaa mid maalmaha DF Somalia ka fekeraysay, iyadoona kusoo beegtey markii uu soo baxay Go,aankii Urur goboleedka IGAD oo Madaxda Dowlada Somalia ku doonayaan inay ku carqaladeeyaan dhismaha Maamulka Jubaland.

Ilo wareedyada la hadley Puntlandpost ayaa sheegey in xukuumada iyo Madaxweyne Xasan Shiikh dagaal ugu jiraan sidii ay u fashilin lahaayeen maamulka Jubaland lagaga dhawaaqey.

Lama Oga Mooshinka baarlamanka loo gudbiyey ee kasoo horjeeda joogitaanka ciidanka Kenya ee Kismaayo go,aanka barlamanku ka qaadan doonaan iyo xilliga si rasmiya Dowlada Federalku u shaacin doonto jiritaanka mooshinkan, iyo sababaha ay ku hindistey mooshinkan, iyadoo Magaca Amisom ay ku howl galaan ciidamo kala duwan oo ka kala socday wadamo dhowr ah oo ka tirsan Africa.

Puntlandpost.com
Muqdisho.

NAIROBI: Dowladda Kenya oo Qorshaynaysa, siddii ay Xiriirka siyaasadeed ugu jari lahayd Dowlada Xasan Sh. Maxamuud Culusow (Warbixin)

$
0
0

Nairobi: (pp)-  Wararka naga soo  gaaraya Caasimada dalka Kenya ee Nairobi ayaa tibaaxaya in Dowladda Kenya ay qorshanayso in ay xiriirka u jarto  Dowladda uu hogaanka u hayo Xasan Sheekh Maxamuud Culusow , kaddib markii dowlada Kenya u aragtay inuu yahay nin ku tuntay kana soo horjeedo hanaanka xiriirka Caalamiga ee kala dhaxeeya  dalalka bariga Afrika, khaasatan dowlada Kenya.

Kenya oo tala jirta in xiriirka u jarto Dowlada Xasan Sheekh Maxamuud Culusow

Kenya oo ku tala jirta in xiriirka u jarto Dowlada Xasan Sheekh Maxamuud Culusow

Dowladda Kenya,   ayaa isu aragta inay Xoog iyo Maal gelisay ka xoreynta deegaanada Jubbooyinka iyo Gedo xoogagii Al-shabaab ee gacanta ku hayey deegaanadaas, waxayna Kenya u aragtaa  in Madaxweynaha dowlada Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud siyaasada uu ku dhaqmayaa ay dhiirigelinayso  Xoogaga al-shabaab, isla markaasna u fududeynaya Al-shabaab ee dib u qabsadaan deegaanadii  horay looga xoreeyey.

Wararka Puntlandpost soo gaaraya ayaa intaas ku daraya, in Dowladda Ethiopia nafteeda ay aad u saluugsan tahaysiyaasada Madaxweyne Xasan Sheekh , isla markaana si deg deg ah uga  ka fakarayso  go’aanka ay ka qaadanayaan.

Dhanka kale,  ayaa waxaa sii kordhaya Saluuga ay Puntland ka qabto Madaxweynaha DF ee Soomaaliya , iyagoo u arka inuu yahay nin ku dhaqmaya siyaasado la mid ah wixii Soomaaliya bur-buriyey 1991-dii, waxaana la sheegayaa in Puntland ay ku talo jirto kana fakirayso sidii ay  xiriirka ugu jari lahayd  Maamulka dhexe ee DF ee Soomaaliya , haddii aysan la imaan siyaasad wanaagsan oo ka duwan tan ay hadda ay ku dhaqmayso.

Shacabka Jubbaland,  oo maanta mudaaharaadyo ka sameeyey inta badan deegaanada Jubbooyinka , ayaa  iyaguna Madaxweynaha iyo M/kuxigeenka Jubbland , ugu baaqay isla markaana  ka codsaday Dowladda Jubbaland   inay il-gaar isaga illaaliyaan Dowladda  uu hogaanka u hayo Xasan Sheekh ,waxayna shacabka Jubbooyinku ay ugu baaqeen Dowladda Jubbalanf  in ay kalsonidii kala noqdaan Maamulka Dowladda Dhexe ee Soomaaliya, maadaama ay ka soo horjeedaan Wanaaga iyo horrumarka shacabka Jubbaland  iyo dowladoodda intaba.

Sikastaba, Waxaa soo badanaya saluuga iyo niyad jabka ay  shacabka Soomaaliyeed ka qabaan siyaasadeed  Xasan Sh. Maxamuud Culusow uu ku hogaaminayo Dowladda dhexe ee  Federaalka  Soomaaliya, waxaana dad badan ayka  cabsi qabaan inuu kula kufo Mansabka Dowladda dhexe ee Soomaaliya ee la soo waday tan iyo sanadkii 2004-ta meel maran oo aan  dib looga soo qaban karin.

Puntlandpost, Jubbaland State, Soomaaliya

Kismaayo: Waftigii DF ee Wasiirada oo Muqdisho lagu celinayo, iyaga oo aan kismayo gudaha u galin.

$
0
0

Kismaayo:(pp)- Wafti Kismaayo gaarey 26 May ayaa ku guul dareystey inay gudaha kismaayo u galaan, kuwaas oo garoonka kula kulmey Madaxweyne ku xigeenka Jubaland Gen Ismacil Fartaag oo uu u sheegey inaysan u ogoleyn gudaha magalada oo ay usoo gudbaan.

Waftiga oo ka koobnaa saddex wasiiro ah oo ka tirsan Xukuumada Federalka Somalia ayaa muqdisho kasoo duuley waxaana hogaaminaya Wasiirka Gaashaandhiga DF, lamana garanayo ujeedada Kismayo u aadeen , midaas oo ahayd mid aan horey looga warqabin ambabixitaankooda iyo qorshaha socdaalkooda.

Muddo ka badan 20 saacadood ayay garoonka ku sugan yihiin, xilli diyaaradii sidey waftiga ay dib ugu laabatey Muqdisho, waxaana hadda sida muuqda ay noqon doontaa in dib loogu soo celinayo halkii safarkoodu kasoo bilowday oo ahayd Muqdisho.

“Waxay tani u muuqaneysaa ceeb iyo feexad Madaxda DF ay ku doonayaan inay ku wajahaan khilaafka u dhexeeya iyaga iyo Jubaland, halkii ay ka aabri lahaayeen wada hadal dhexmara ” ayuu yiri mid ka mid ilo wareedyada aanu la hadalney.

Ma ahan markii ugu horeysay oo dib Muqdisho loogu celiyo wafuud laga soo direy Madaxtooyada Villa Somalia, taasi oo uu maamulka Kismaayo sabab uga dhigay inay ku timid madaxda DF oo inkirsan jiritaanka Jubaland iyo cidda gacanta ku haysa Kismaayo oo ay ka meer meereyso DF lasoo socodsiinta wafuud Kismayo loo soo dirayo.

Xaalada magaalada Kismaayo ayaa ah mid degan , walow uu jiro dhaq dhaqaaq siyaasadeed oo ka dhex socda Maamulka Jubaland iyo Dhinacyo kala duwan oo Madaxda DF Somalia daaha gadaashiisa ka maamulayaan.

Kala soco Puntlandpost wararka waftigaas iyo xaalada Kismaayo.

Bosaso: Urur la yiraahdo Iftiimin oo Bosaso, Washiton iyo London jaaliyada Puntland kaga dhawaaqeen.

$
0
0

Bosaso: (pp)- Urur muddo la sugayay oo looga dhawaaqey London Iyo Washinton/ Bossaso. Ururkan oo hadafkiisu yahay u Ololeynta Qadiyada Puntland ee Aduunka, Iyo Abaabulka Jaaliyadaha Puntland ee Dalka Dibbadiisa ku nool.

Aasaasida Ururkan ayay ka danbeysay kadib markii dadka Reer Puntland xuquuqdoodi ey ka heli waayeen Dowlada Soomaaliya, Iyo Dowladaha Soomaaliya Deeqaha kala duwan siiya, ayaa la isla qaatay in la helo Urur ka shaqeeya la-xisaabtanka Dowladaha Soomaaliya deeqaha siiya Iyo sidoo Qurbajoogta Puntland ey u noqon lahaayeen kuwa la xisaabtama Dowladaha ey ku nool yihiin.

Ururkan ayaa sidoo kale diirada saari doona Abaabulka Iyo Mideynta Jaaliyadaha Puntland ee ku nool Shanta Qaaradood isagoo adeegsan doona Raga Iyo Haweenka hormuudka u ah Jaaliyadaha Puntland.

Ururka Iftiimin waxa uu sidoo kale diirada saari doonaa sidii Qurbajoogta Reer Puntland ey dalka dibb ugu soo noqon lahaayeen, taasoo abuuri karta Maalgashi Iyo shaqo abuur.

Ururka Iftiimin waxa uu dar-dar galin doonaa ka mira dhalinta hishiisyadii Puntland loo balan qaadey isagoo booqan doona Dalalka deeqahaas sameeyay. Ugu danbeyn Ururka Iftiimin, waxa uu Olole weyn u gali doonaa sidii Reer Puntland u heli lahaayeen, xuquuqda Scholarships amase Deeqaha Waxbarasho Iyo Mashaariicda Caafimaad ee Soomaaliya lasiiyo balse lagu qeybsado Mogadishu oo kaliya.

Ugu danbeyn Guddoomiyaha Ururka Iftiimin, Mudane Ismaaciil Aadan Diiriye Iyo Sakariye Isticmaar, oo kamid ah Hogaanka Ururkaas waxa ey Shacabka Puntland Dal Iyo Dibbad ka codsanayaan wadashaqeyn, Taageero Dhaqaale Iyo Mid maskax, waxana ey lee yihiin shaqo ayaa noo taala, waxaan idin ka rajeyneynaa Garab Iyo Gaashaan.

Gacmo-wadajir bey wax ku gooyaan.

Fadlan ku Tabaruc waxii aad awoodo ee dhaqaale.

Xawaalada Amal Express. Ururka Iftiimin, Acc, 070204-5465501
Xawaalada Dahabshiil, Ururka Iftiimin, Acc, BSSD004031

Mahadsanidin

Daabacaada : Puntlandpost.com
Boosaaso.

Deg Deg : Madaxweyne Faroole oo goor dhow ka hadli doona xiriirka Puntland iyo DF Somalia.

$
0
0

Garoowe: (pp)- Madaxweynaha Dowlada Puntland Dr C/raxmaan Maxamed Faroole ayaa sida lagu wado galinka danbe ee manta waxa uu ka hadli doona mowqifka Puntland ee ku aadan arrimaha gobolada Jubooyinka oo ay DF madaxdeedu si cad u sheegtey inay diidan tahay ogolaanshiyaha maamulka Jubaland oo ka mid noqdey mid kusoo biira Dowlad goboleedyada Dastuurka Federaalku dhigayo.

Inkastoo wali uusan ka hadlin Madaxweyne C/raxmaan Faroole tan iyo intii Urur goboleedka IGAD war murtiyeed kazoo saareen arrimaha Jubaland ayaa haddana waxa horey u jirtey Puntland inay horey u cadeysay mowqifkeeda ku aadan taageerada ay u hayso dhismaha Jubaland.

Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Garoowe ayaa u sheegey Puntlandpost in Madaxweyne Faroole shirkiisa jaraa,iid ee galabta uu si weyn uga hadli doono dhacdooyinka siyaasadeed ee maalmihii lasoo dhaafey ka dhex soconayey Jubaland iyo DF .

Ilo wareedyada qaarkood waxay tilmaamayaan in Madaxweyne Faroole cadeyn doono mowqifka Puntland ee ku aadan xiriirka wada shaqeynayd ee u dhexeeya Puntland iyo DF Somalia in uu noqon doono mid sii shaqeeya in kale oo ay Puntland kalsoonida kala noqoto Madaxda Dowlada Federaalka.

Kala soco goor dhow shirka jaraa,iid ee Madaxweyne Faroole ku qaban doono saacadaha soo socda Garowe.

Faahfaahin : Khudbadii Madaxweynaha Puntland uu kaga hadley siyaasada Puntland iyo Somalia, Sawiro.

$
0
0

Garoowe: (pp)- Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxman Maxamed Farole ayaa galabta 27 May,2013 xarunta PDRC ee magaalada Garowe uga qaybgalay banaamij xogwaran ah oo ku saabsan Puntand iyo Somalia.

IMG_0738Xafiiska warfaafinta ee Madaxtoyada Puntland ayaa soo qaban-qaabiyey barnaamijkan looga hadlay Amaanka ,Geedi socodka Dimoqraadiyada Puntland ,Dhaqaalaha ,Dhalinyarada iyo Arrimaha Federaalka Somalia.

IMG_0880Wasiirka arrimaha gudaha Gen.Cabdulaahi Axmed Ilkajir ,wasiirka waxbarashada Cabdi Faarax Juxa,wasiir ku xigeenka xaanaanada Cabdiweli Xirsi Nuur ,La-taliyaha madaxweynaha ee saxaafada Maxamed Cabdiraxman Maxamed ,Xildhibaano ,saraakiisha kala duwan ee Dowladda ,culimo ,odayaasha dhaqanka ,waxgarad ,dhalinyaro ,aqoonyahano ,haween iyo marti sharaf shisheeya ayaa ka soo qaybgalay.

IMG_0862Barnaamijkan ayaa bilowgii waxa daahfuray Dr.Farole oo ka soo jeediyay khudbad dheer uu kaga hadlay xaaladaha Puntland iyo guud ahaan siyaasada Somalia.

Amaaanka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dunida oo idil la tacaalayaan arimaha amaanka ,isagoona xusay in Puntland ay ku guuleysatay adkeynta amaankeeda sida dib u habaynta ciidamada ,tababarkooda ,dagaal ay ku qaadeen Al-shabaab buuralayda Galgala iyo kooxaha burcad badeeda ah.

IMG_0800”Kooxaha argagixisada ah waxay doonayaan inay abuuraan colaad aan dhamaad lahayn ,meelna nabad uma rabaa ,waxaan ugu yeerayaa dadweynaha reer Puntland inay midoobaan ,lana shaqeeyaan dowladda sidoo loola dagaalami lahaa argagixisada” Ayuu yiri Farole.

Ciidamada amaanka Puntland ayuu ku amaanay dadaalka ay u galeen xoojinta xasiloonida iyo geesinimada ay muujiyeen ,waxana uu raaciyey in Muqdisho ciidanka deeq-bixiyaashu mushaharkooda bixiyaan halka Puntland ay dowladeedu siiso ciidanka xuquuqdiisa.

IMG_0713Tahriibta dhalinyarada ayuu ka hadlay madaxweynuhu oo sheegay in shaqo yaraani ka jirto Puntland balse la abuuri karo fursado shaqo isagoona ku booriyey dhalinta inay waxbarashadooda dhamaystaan ka dibna shaqo raadsadaan.

Waxa uu soo dhoweyey qodobadii ka soo baxay Shirkii London ee lagu taageeray dadaalada Puntland ee la-dagaalanba burcad badeeda iyo doorashooyinka deegaanka ee dhowaan dhici doona.

Geedi socodka Dimoqraadiyada.

Geedi socodkan ayuu ku tilmaamay madaxweyne Farole wadadii Puntland horey ugu dhaqaaqi lahayd ,waxana uu ku booriyay dadweynaha inay si isku mid ah uga qayb qaataan doorashooyinka deegaanka ee bartamaha July si Puntland mustaqbal wanaagsan u hesho.

IMG_0857IMG_0936”Waxaan ”Xukuumadda” ka shaqaynaynaa sidii aan dib ugu celin lahayn talada shacabka si ay u codeeyaan oo u doortaan cidii hogaamin lahayd,hadii nalaga guuleysto si nabadgelyo ah ayaanu u wareejin doona xilka” ayuu yiri Dr.Farole.

Dhaqaalaaha.

Madaxweynuhu waxa uu ka hadlay hoosu dhaca ku yimid Shilinka Somaliga oo saamayn ku yeeshay bixin mushaharaadka shaqaalaha iyo ciidanka,islamarkaasina keentay in Doolar lagu qaado cashuurta laguna bixiyo kharashaadka dowladda sida ay samaysey DF Somalia.

Heshiiskii DF iyo Puntland galeen March 2013 oo qayb ka ahayd soo daabicida Shilin Somali ayuu sheegay inaan ilaa iyo hadda wax talaabo ah laga qaadin,isagoona raaciyay in Puntland ay ka tashan doonto xalka lacagahaasi.

Arrimaha Federaalka.

Dhismihii Puntland 1998 ayuu dib u jaleecay Dr.Farole oo sheegay in xiligaasi la isla qaatay in Dowladda Soomaliyeed ay qayb ka noqoneyso,islamarkaasina ay dadaalo badan ku bixiyeen sidii dib loogu soo celin lahaa nidaamkii dowladnimo dalka.

IMG_0784Waxa uu ka digay Dastuurka DF ee June 2012 saxiixayashii geedi socodka nabada Somalia ku heshiiyeen Nairobi in wax laga badalay ,isagoona gacanta ku hayay nuqul ka mida ayuu yiri: ”Dastuurka waa kan keliya oo midayn kara Somalia ,yaa masuul ka ah khiyaanada wayn iyo isdaba marinta lagu sameeyay?.

Ahlu-suna iyo Galmudug oo ka mida saxiixayaashii RoadMapka ayuu ugu baaqay inay u istaagaan difaacida sharciyada Dastuurka.

Arinta dastuurka ayay Puntland kala hadashay Madaxweynaha Somalia Xasan Shiikh, Ergayga UN-ka ee Somalia ,Midowga Yurub ,USA ,Britain iyo Xogayaha Guud ee QM ,waxana uu ku baaqay in baaritaan caalami ah lagu sameeyo dastuurka qodobo 30 gaaraya wax laga badalay.

IMG_0719Walaac ayuu ka muujiyay dhismaha aqalka sare ee Barlamanka Somalia oo aan weli wax laga qaban ,sida uu sheegayna horey loogu heshiiyay inay qayb ka noqdaan doorashadii Septemer2012 ee madaxtinimada Somalia.

Waxa uu soo dhoweeyey dhismaha Jubaland iyo doorashada madaxweyne Shiikh Axmed Madoobe iyo madaxweyne ku xigeenka Gen.Fartaaq ,isagoona u hanbalyeeyey dadweynaha Jubaland kuna booriyay gobolada kale inay dhistaan maamulo u gaar ah.

”Waxaan ka digayaa dalka inaan dib loogu celin dagaalkii sokeeye,waxa haboon in la dhaqan geliyo dastuurka dalka u yaal.colaad inaan laga dhex hurin beelaha ,DF waxay leedahay hogaamin malahan farogelin ,waa in dadka loo ogolaadaa inay dhistaan maamulo ay leeyihiin” ayuu yiri madaxweynuhu.

IMG_0792Ugu danbeyntii ayuu amaanay doorka AMISOM ay ka qaatay nabadgelyada Somalia ,sidoo kale u mahaceliyey dalalka martigeliyay Somalida sida Kenya ,Ethiopia ,Yemen ,Ugandha iyo dalalka reer Galbeedka ah.

Dadweynihii ka soo qaybgalay barnaamijkan ayaa su’aalo waydiiyay madaxweynaha oo ku saabsanaa nidaamka axsaabta ,dhaqaalaha ,Jubaland iyo tahriibata dhalinyarada.

Daawo Sawiro kale isla madasha barnaamijka lagu qabtey ee PDRC Garowe.

IMG_0817 IMG_0804 IMG_0783 IMG_0789 IMG_0729 IMG_0724 IMG_0714 IMG_0939 IMG_0841 IMG_0843 IMG_0857 IMG_0896 IMG_0893 IMG_0903 IMG_0930 IMG_0898Nagala soo xiriir : Puntlandpost.pp@gmail.com

Puntlandpost.com
Garoowe.


Somalia: Puntland President Praises Jubaland Election, Condemns ‘False’ Federal Constitution

$
0
0

PRESS RELEASE
May 27, 2013

The President of Puntland State of Somalia H.E. Abdirahman Mohamed Mohamud (Farole) held a Public Symposium to address important issues and engage in Question and Answer session with the Puntland public. The two-hour event, held at Puntland Development and Research Center (PDRC) in Garowe, was attended by over 100 people representing different sectors of Puntland society, including elders, religious scholars, women and youth, businesspeople, Diaspora, students and academics.

IMG_0939President Farole gave a 40-minute speech, touching on key topics of security, economy, democratization process, and federal affairs. The President was joined by Interior Minister H.E. Abdullahi Ahmed Jama (Ilkajir), Education Minister H.E. Abdi Farah Saeed (Juha), State Minister for Good Governance H.E. Mohamed Farah Issa (Gashan), and Deputy Livestock Minister H.E. Abdiweli Hersi Nur. Sheikh Mohamud Haji Yusuf, an Islamic scholar with the East Africa University in Puntland, opened the event with an Islamic sermon.

Security President Farole said the entire world is struggling with security issues and Puntland has made remarkable achievements in strengthening its own security, by reforming the security forces, providing training initiatives, waging war against Al Shabaab terrorists in Golis Mountains and in urban centers, fighting piracy criminals on land and in the high seas.

“Terrorist groups want to create endless conflict. They do not want any place of peace. They kill people even inside the mosques. Terrorism is the worst kind of evil and I call upon the Puntland people to unite and to work with the Government to fight the terrorists,” said the President.

“We commend the effort, hard work, courage and sacrifice of Puntland security forces. In Mogadishu, the Somali Federal Government troops receive payments from donor countries, while Puntland Government pays its own security forces,” President Farole said.

He discouraged Somali youth from joining “dangerous human smuggling attempts and risking their lives in new countries. Here in Puntland, there is a new phenomenon of working youth or youth from families with money, who take the dangerous journey of human smuggling. There is limited job opportunity in Puntland, but there is not a lack of jobs. I encourage the youth to complete their education and to get jobs,” said President Farole.

“London Conference for Somalia, held on May 7, 2013, praised Puntland Government’s anti-piracy efforts and encouraged support for the upcoming multiparty Local Elections in Puntland,” said the President. Democratization Process President Farole described the democratization process as “the way forward for Puntland. We [the Government] are working to restore power back to the hands of the people, so the people may vote and elect their leaders. If we lose the election, we will transfer power democratically.”

Continuing, the President said: “The last democratic elections in Somalia took place over 45 years ago. The youth were not present so they know little about democratic elections. I am encouraged by the progress of the democratization process. The Registered Political Associations have submitted their Candidate Lists for the upcoming Local Elections scheduled for July 15. I encourage the Puntland people, the youth and the elders alike, to participate in the Local Elections and help to decide a better future for Puntland.”Economy President Farole described the currency situation in the country, explaining that the Somali Shilling to U.S. dollar exchange rate changed and that has impacted the Government’s ability to pay salaries and government expenses on time.

“A nine-member Committee consisting of three Cabinet ministers, along with businesspeople and academics, was appointed to find a solution for the currency crisis. The Committee decided that the Puntland Government should base payment of salaries and expenses on the U.S. dollar, whilst ensuring the continued use of Somali Shilling banknotes,” the President said.

“This currency crisis is a common problem throughout Somalia. For example, the Somali Federal Government in Mogadishu has based its entire budget on the U.S. dollar. The Federal Government-Puntland Agreement of March 11, 2013, called on the Federal Government to print new Somali Shilling banknotes, so the country can recover from this currency crisis. It has now been over two months and half without any action from the Federal Government, and so Puntland will engage in consultations on what steps to take next, because we cannot continue in this present situation,” President Farole warned.

Federal Affairs The Puntland President said that, in 1998 when Puntland State was formed, the Puntland people faced the question: “Should we secede from Somalia, like ‘Somaliland’, or be part of a Federal Republic of Somalia?” President Farole said that the Puntland people opted to be part of a federal Somalia and have made significant sacrifices in efforts to rebuild a new Somalia. But President Farole warned “some people have tampered with the legitimate Provisional Federal Constitution (PFC) of Somalia, signed in Nairobi on June 22, 2012 by the Somali Roadmap Signatories, and co-signed by the U.N. as a guarantor.”

“The Federal Constitution is the document that unites Somalia, so who will be held responsible for this great crime of tampering with the Constitution? We have written and shared our grave concerns with Somali President H.E. Hassan Sheikh Mohamud, the U.N. Secretary-General’s Special Representative to Somalia, I.G.A.D., the European Union, the U.S.A., and the U.K., calling for an international inquiry on the tampering with the Provisional Federal Constitution of Somalia. So far, Puntland legal experts have found 30 Articles and Clauses in the Constitution that have been tampered with,” President Farole declared.

President Farole also called on the other Roadmap Signatories, namely Ahlu Sunna group and Galmudug administration, to defend the country’s legitimate Provisional Federal Constitution. The President expressed his concern that the Upper House of Federal Parliament, which protects the rights of Federated States at the national level, has not been established yet “even though the Constitution says that the Upper House of Federal Parliament should be established and should have taken part of the election for the Somali President in 2012.”

The Puntland President criticized the Somali Federal Government’s policy on Jubaland State: “Jubaland State formation process has been underway for the past four years, long before the current Federal Government leadership came to office. The Federal Government says that it plans to build what it calls ‘Federal Units’ – what is a ‘Federal Unit’? Certainly, it is not in the Constitution because the Constitution calls for the establishment of Federated States, such as Jubaland.” Continuing, President Farole said: “I congratulate the Jubaland people and their elected legitimate leadership – Jubaland President Ahmed Mohamed Islam and Jubaland Vice President Abdullahi Sheikh Ismail Fartaag – on the Jubaland election. Have you witnessed the events in different corners of the world supporting Jubaland? This is the people’s will.

I encourage the other regions, such as Bay and Bakool and the central regions, to establish Federated States so that the Somali federal system may be completed.” President Farole warned the Somali Federal Government against “returning Somalia back to the civil war era.

The Federal Government should adhere to the legitimate Provisional Federal Constitution and should avoid inciting clans against each other. The Federal Government should not interfere, should not attempt to impose itself, and should allow the communities to voluntarily establish Federated States.” President Farole praised the role of African Union peacekeeping force in Somalia (AMISOM) and thanked all the countries that host Somali refugees, including Kenya, Ethiopia, Djibouti, Yemen, Uganda, as well as Western
countries. Members of the Puntland public in attendance at the event asked President Farole more than 20 direct and relevant questions, mostly focused on the Puntland democratization process, Jubaland situation, the impact of human smuggling, and the economy

Source: Puntland Government

Muxuu ka yiri Ilka-jiir arrimaha Jubbaland (Warbixin)

$
0
0

Waiirka arrimaha guddaha ee Dowlad goboleedka Puntland Gen. C/laahi Axmed Jaamac Ilkajiir oo isagana maanta kala qayb galay Madaxweynaha Puntland   barnaamij Su’aalo lagu weydiinayey ayaa dhankiisa sheegay in dowlad goboleedka Jubbaland ay buuxisay shuruudihii sharciga Federaalka , wuxuuna ku booriyey Dowlada Federaalka, kol haddii maamulka Jubbaland ay buuxisay shuruudihii sharciga Federaalka in la aqoonsado.

Wasiirka arrimaha gudahaPuntland ,

Wasiirka arrimaha gudahaPuntland ,

Wasiirka ayaa ku goodiyey ” haddii la hareer maro sharciga Federaalka ee Soomaalidu ku heshiisay , Puntland waxay kala noqanaysa dowlada Federaalka ee Soomaaliya kalsoonida “. ayuu Gen. Ilkajiir.

Sikastaba, Puntland ayaa tan iyo intii sida sharciga waafaqsan lagu doortay Madaxweynaha iyo Kuxigeenkiisa dowlada Jubbaland hiil iyo hooba  la garabtaagnayd Maamulka uu hogaaminayo Madaxweyne Axmed Maxamed Islaan oo 15-kii May lagu  doortay Gudaha magaalada Kismaayo.

Puntlandpost, Kismaayo, Jubbaland

 

Wararkii ugu danbeeyey ee Jubbooyinka (Warbixin)

$
0
0

Abaarihii Totobadii Fiidnimo ee Caawa (07:00) ee Saacada Afrikada bari, ayaa waxaa weerar madaafiic ah kusoo qaaday  Garoonka diyaaraahaee magaalada Kismaayo  kooxaha Al-shabaab, waxaana weerarkani madaafiicda ah uu imaanayaa Xilli ay  Garoonka Diyaaradaha ay ku suga yihiin Wasiiro ka tirsan DF ee Soomaaliya oo Labadii maalmood ee lasoo dhaafay ku xayirnaa Garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo.

Garoonka Diyaaradaha Kismaayo oo la duqeeyey

Garoonka Diyaaradaha Kismaayo oo la duqeeyey

Lama garan karro khasaaraha dhabta ah ee meeshaas ka dhashay , waxaase weerarkaas madaafiicda ah,  si toos uga jawaabay Ciidamada AMISOM ee Kenya ee ku sugan garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo.

Wararka aanu helayno Kismaayo  ayaa sheegaya in cabsi ba’an ay soo foodsaartay Wasiirada DF ka socday,  isla markaana  ay codsadeen in masuuliyiinta AMISOM ay amaankooda sugaan , waxayna ciidamada Kenya usoo kaxeeyeen meel garoonka u dhow oo ay yaalaan Containaro , halkaas oo ay  Caawa ku baryi-doonaan , maadaama ay u baqeen amaankooda.

Wasiiradan,  oo ay madaxda Jubbaland ay u diideen inay gudaha u galaan magaalada Kismaayo , ayaa tan iyo maalinkii shalay ku xayirnaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo, iyadoo lala sugayo diyaarad dib ugu celisa magaalada Muqdisho ee ay markii horeba ka yimaadeen.

Wixii soo kordha, kala soco wararkeena danbe inshaa’alah.

Warbixin/Sawiro : Gudoomiyaha Gobolka Mudug sow bilad ma mudna ama ku dayasho.

$
0
0

Roox: (pp)- Gudoomiyaha Gobolka Mudug Maxamed Yuusuf (Tigey) ayaa booqasho ku tagey deegaanka beeraha ee la yiraahdo roox oo ka tirsan Gobolka Mudug, iyadoona uu sheegey gudoomiyuhu inay booqashadiisan tahay mid ku saleysan dhiiri galinta beeraleyda ku howlan wax soo saarka kheyraadka dalka.

1Maxamed Yuusuf Jaama Gudoomiyaha Gobolka Mudug ayaa sheegey in uu dirayo baaq uu u jeedinayo bulshada qeybaheeda kala duwan oo ku aadan ka qeyb qaadashada horumarka Puntland si loo gaaro baraaro iyo barwaaqo buuxda.

Hanaanka Dowladnimo ee uu muujiyey Gudoomiyaha Gobolka Mudug.

Magacaabistii GudomiyahaGudoomiyaha Gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Jaama ayuu Madaxweynaha Puntland Dr C.raxman Faroole u magacaabey Xafiiska maamulka gobolka Taariikhdu markey ahayd Aug 24, 2011, Waxaana laga dareemey gobolka mudug isbedel balaaran oo aan horey loogu arki jirin marka laga eego dhanka haykalka dowladnimo ee gobolka, Amaanka, Horumarka iyo Isku xirnaanta Dowlada iyo Shacabka .

4Mr Tigey waxa sida ka muuqaneysa howl maalmeedkiisa shaqo uu u qeybsan yahay dhinacyo kala duwan oo la oran karo waa talaabo mudan inay kaga deydaan maamulada gobolada Puntland iyo Somalia, kuwaas oo qaabka ay u howl galaan mid ka bedelan uu Gudoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland uu kusoo kordhiyey xafiiskiisa ee dowladnimo.

56Sida idinka muuqaneysa sawirada muuqaalka ah Tigey waxa ka muuqaneysa fur furnaan iyo dabeecad macaan oo uu had iyo goor bulshada maamulkiisu wax kula qeybsado, waxayna taasi ka markhaati kaceysaa in uu yahay gudoomiyahani wadani ku qanacsan shaqada maamul ee wadankiisa, marka loo eego taariikhda maamuladii soo marey gobolka Mudug.

Ka hor intii aan la magacaabey Tigey iyo laamaha kale ee Maamulka Gobolka Mudug ee Puntlnd waxaa gobolka ka jiray arrimo ay ka mid yihiin, Amaan xumo, sida Dilal qorsheysan , Qaraxyo, Burcad badeed iyo Dagaalo qaba,iil oo kusoo noq noqdey gobolka, walow arrimahaas oo dhan aan la oran karin waa kuwo istaagey intii uu shaqada hayey , balse uu jiro isbedel dhaama midkii hore oo ay kusoo kordhiyeen maamulka gobolka  iyo laamaha amniga Punland.

Puntlandpost oo diirada ku saareysa mowduucan ayaa bulshada ugu soo gudbineysa qaabka qurxoon ee sawirada uga muuqanayo Gudoomiyaha Gobolka Mudug ka dib booqashadiisii uu ku tagey 27 May maalintii isniinta deegaanka beeraha caanka ku ah ee Roox oo ka mid ah tuulooyinka hoos yimaada Degmada Bacaadweyn ee Gobolka Mudug.

7Muuqaalka Sawiradani ma ahan kuwo ka turjumaya kuwii ugu horeeyey ee Gudoomiyaha Mudug ku muujiyo dareen dadka farxad galiya , waxaa horey warbaahintu u baahisey muuqaalo kala duwan gudoomiyuhu uu ku dhex mushaaxayo bulshada miyaga ku nool, wuxuuna tigey jecel yahay sida ka muuqata mar walba sawiradiisa kolka uu booqanayo dhulka miyiga in uu ku labisto dareeska hidaha iyo dhaqanka ee Somalida , waxayna taasi farxad galineysaa dadka reer guuraagaa oo inta badan qaabkan u labista kuwaas oo uu kasoo jeedo dhaqanka Somalida.

8Tigey wuxuu noqonayaa Masuulkii ugu horeeyey ee Puntland iyo Somaliba intii burburka ka danbeysay oo si cad ugu faana xirashada dareeska hidaha iyo dhaqanka, kolka uu safaro ku gaaro dhulka miyiga ee xoolo dhaqatadu ku nool yihiin, waana mid calaamad u noqoneysa jeceylka wadankaaga hooyo

 

3 2Nagala soo xiriir : Puntlandpost.pp@gmail.com

Puntlandpost.com
Roox – Bacaadweyn

Birmingham. Taageero go’aanka dawlada Puntland ee Jubaland.

$
0
0

Golaha Qurba-joogta Puntland ee caasimada labaad ee UK Birmingham. ( Puntland Diasporo Association) waxay aad ugu faraxsanyihiim go aankii dawlada Puntland ka qaadatay arimaha maamul usamaynta dalka somalia gaar ahaan hagar daamada lagu hayo dhismaha dawlada Jubaland.

Calanka-Puntland11-300x244
Anagoo ah golaha fulinta ee Puntland Diasporo Association ee magaalada Birmingham waxaan aad ugu faraxanahay siyaasada dawlada Puntland ee ku aadan maamul usamaynta gobolada dalka somalia iyo hadalkii madaxwayne Abdirahman mohamed mohamud ( faroole ) uu umada soomaaliyeed ugu soo bandhigay qaabka dastuurkii dalka somalia sida aan sharciga waafaqsanayn wax looga badaley

Waxaan ugu baaqaynaa dhamaan walaaha reer Puntland meel kasta oo ay joogaan in ay garab istaagaan dhismaha dawlada Jubaland ee uu hogaamiyo Ahmed Mohamed Islaam iyo General Abdullahi shiekh ismail, sida ay dawlada Puntland ba u muujisay taageeradooda.

Sidoo kale dhamaan umada soomaaliyeed waxaan ugu baaqaynaa in ay taageeraan dhismaha Jubaland si aan u dhiiri galino maamulada kale ee soo socda, maanta waa jubaland, bari na waa bay iyo bakool, saadambana waa Hiiraan iyo Shabeelada Shexe. Horay baan u soconaynaa yaan umada gadaal loo celin.

Ugu dambayn waxaan ugu baaqaynaa madaxda iyo wax garadka Jubaland in ay dadajiyaan dhamaystirka dawlada jubaland gacmanaha is qabsadaan, maanta shacabka soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan taageeradooda waad aragteen waad ogaateen in aydan kaligiin ahayn ee reer Puntland iyo dhamaan shacabkeed soomaaliyeed ba idin taageersan yihiin, waan idin garab taaganahay ee horay u socda ha ku hab saamina kuwa marin habaabinta wada..

Puntland Diasporo Association

Birminghan UK

 

Viewing all 22737 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>