Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all 22737 articles
Browse latest View live

OGEYSIIS: Magaalada Oslo oo lagu qabanayo xaflad taageerayo hogaanka cusub ee Jubaland

$
0
0

JAALIYADA JUBALAND EE NORWAY WAXAA DADWEYNAHA KU NOOL OSLO IYO HAREERAHEED LA OGAYSIINAYAA INAY KA SOO QAYB GALAAN XAFLAD LAGU TAAGEERAYO DOORASHADA HOGAANKA CUSUB EE DAWLAD GOBOLEEDKA JUBALAND.

MAALINTA: SABTIDA
TAARIIKHDA: 08/06/2013
SAACADDA: 02: 00 PM
GOOBTA:OSLO CENTRE (Stortingsgate 20)

Calanka Jubbaland State

Calanka Jubbaland State

WIXII FAAHFAAHIN AH KALA XIRIIR:

ABDI IBRAHIM MAGAN (CIRJIIR) MOBILE: 004745803959
CIIRO AXMAD XASAN DR. LIGLE MOBILE: 004745543186
ABDISHAKUR SHUCAYB MURSAL MOBILE: 0047 40143612
MURSAL SALAAD TEL: 0047 90809691

Puntlandpost.com


Xoosh oo loogu wargeliyey in Kismaayo aysan Cayaar oolin , kana dabcay mowqifkiisii hore (Warbixin- Dhegeyso)

$
0
0

Xildhibaan Xoosh Jibriil oo ka mid ah Xildhibaananada ku sugan magaalada Kismaayo oo maalmihii la soo dhaafay qas iyo been abuur ka waday Idaacadaha , isla markaana lagu eedaynayo inuu ka mid ah shaqsiyaadka si hoose wax uga bedelay dastuurkii lagu heshiiyey ayaa wax weyn la sheegayaa inay iska bedeleen kaddib markii uu la kulmay qaar ka mid ah maamulka sare ee Jubbaland.

Dhegeyso Xildhibaan Xoosh

Xildhibaan Xoosh

Xildhibaan Xoosh

Wararka aan helayno ayaa sheegayaa in markii uu Idaacadaha ka hadlay oo uu  ka mid noqday kooxaha lasoo adeegsaday ayaa lagu wargeliyey inuu Kismaayo aysan oolin ciyaar ciyaar loona soo halgamay dhiigna loo soo daadiyey xoreynta magaalada Kismaayo , isagoo loogu baaqay waqtigaas inuu si deg deg ah uu uga baxo magaalada Kismaayo.

Wadahadal dheer kaddib ayaa suuragashay inuu ka xaalmariyo maamulka Jubbaland hadaladii Qadafka ahaa ee uu ka sheegay Idaacada VOA ee taageerta garabka Dowlada ee aan doonayn inay Soomaaliya lagu soo celiyo Amaanka iyo Cadaalada.

Xildhibaan Xoosh ayaa madaxda Jubbaland u sheegay in hada wixii ka danbeeya uu u diyaar yahay inuu si soomaalinimo oo wadanimo ku jirto ay ula shaqaynayaan maamulka Jubbaland, isagoo maamulka Jubbaland ka codsaday in Wadahadalo  ay la furaan DF ee Soomaaliya, waxaana la sheegayaa in Maamulka Jubbaland ay arrinkaas mar kasta taageersanaayeen, laakiin qolada qaska iyo Jubbaland inaan maamul iyo nabad ka imaan aan doonayn ay yihiin Kooxda uu hogaamiyo Xasan Culusow oo dad reer Jubbaland ay aaminsan yihiin 100% inuu ku sifoobay Kaabo Qabiil, isla markaana doonaya  inuu Soomaaliya ku celiyo dagaaladii Sokeeye oo isagu qayb ka ahaa.

Warar hoose ayaa sheegaya in aan la kala gaban oo madaxda maamulka Jubbaland ay si adag ulla doodeen kooxda uu hogaaminayey Xoosh Jibriil  , laguna wargeliye in ay u hogaansamaan wixii Soomaalidu ay ku heshiisay , Jubbalab-na ay tahay maamul dadkeedu soo doortay , kuna dhaqmaya Dastuurka Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Jubbaland  Axmed Islaam madoobe , ayaa la sheegayaa in ku hanjabay ” Wixii Soomaalinimo nala raba waan la rabnaa anaguna , qofkii intaas wixii ka banaanka ah wata isagaa og meeshii uu ku biyo cabayo”.

Sikastaba, shacabka Jubbaland iyo madaxtooda ayaa waxay ka maraysaa meesii ugu danbeysay, iyagoo muujiyey wadajir iyo inay si toos ah isaga difaacaan shaqsiyaadka aan doonayn in ay Soomaaliya degto,  xalka Soomaaliyana iyo qaranimadeeda-na u haysta wax Danbiil lagu sidan karo.

Waxyaalaha Cajiibka ah ee shacabka Jubbaland ay maanta wada aaminsan yihiin ayaa ah hal hadaf, kaas oo ah Jubbaland dadkeedu waa Jubbaland qabiilkuu doono haka soo jeedee , haday isku dayaan dad Jubbaland ka soo jeeda inay kala ridaan maamulka Jubbaland, iyaga ayey keli ku tahay waxaana loola xisaabtamayaa sida qof cadow ah oo qaran dumis ah, taasi waxay keentay  isku duubi iyo inay dadku is aaminaan , qofkii qaladana banaanka loo tuuro, intuu uu Virus uu shacabka dhex dhigi lahaa.

Shacabka Jubbaland ayaa aaminsan , Soomaaliya soomaali baa leh, waxaase loo baahan yahay in qofkii guri dad leeyahay iyo Beerahooda haysta inuu isagu marka hore isa soo xisaabiyo kaddibna uu horyimaado Soomaalida  isagoo xalaal ah oo xaaraan ka caagan.

Puntlandpost, Kismaayo, Jubbaland

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Garowe: Madaxweyne Faroole oo Kenya u duulay

$
0
0

Garowe (PP): Waxaa manta barqanimadii magaalada Garowe ee Xarunta Puntland ka duulay madaxweynaha Puntland Dr. C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole, Wararka ka soo baxaya madaxtooyada Puntland ayaa sheegaya in Dr. Faroole u duulay magaalada Nairobi ee Dalka Kenya.

Safarka madaxweynaha ayaa lala xiriiriyey dadaal uu rabo inuu kula kulmo wakiilada beesha caalamka, iyadii mudadaan ay jireen is maandhaaf siyaasadeed wadanka Soomaaliya, gaar ahaan arimaha Federaalka, maamul goboleedyada iyo dowlada Federaalka oo lagu eedeeyey inay si aan sharciga waafaqsanayn ay dastuurka wax uga bedeshay.

Warar ay Puntlandpost heshay ayaa sheegaya in madaxweyne Faroole iyo Madaxweynaha DF Xasan Sheekh ay ku kulmayaan garoonka diyaaradeed oo Nairobi ku yaal. haddii uu kulankaasi dhacana waxay noqonaysaa mid ay qabanqaabadiisa ay leedahay dowlada Kenya.

Madaxweyne Faroole ayaa la sheegay in uu booqashadiisa Kenya uu uga sii gudbi doona Dalka Imaraadka Carabta.

Wararka safarka madaxweynaha kala soco wararkayaga dambe.

Puntlandpost.com
Garowe, Puntland, Soomaaliya

Garoowe: Puntland oo uga digtey Gen Cade Muuse ololaha uu uga soo horjeedo hanaanka xisbiyada.

$
0
0

Garoowe: (pp)- Wasiirka Warfaafinta Dowlada Puntland oo maanta shir jaraa,iid ku qabtey magaalada Garowe ayaa ku eedeyey Gen.Cade Muuse Puntland inuu ka wado qalalaase siyasadeed iyo nabadgelyo xumo.

Eng Maxamud Caydiid Dirir waxa uu sheegey in Madaxweynihii hore Gen Cade uu wado kicinta fowdo iyo xasarad uu doonayo in uu ku oogo xilli Puntland ay ka socoto barnaamijyo lagu horumarinayo Nabadgalyadeeda iyo Mustaqbalkeeda .

Wasiirka Warfaafintu waxa uu si gaar ah u xusey in Gen Cade uu doonayo sidii ku majo xaabin lahaa hanaanka Xisbiyada badan oo si habsami leh uga soconaya Puntland.

Ugu danbeyntii Eng Caydiid waxa uu sheegey in Dowlada Puntland uga digeyso ololaha uu wado Gen Cade, isagoona sheegey wasiirku in uu qaadayo masuuliyadeeda iyo cawaaqib xumada ka timaada hadii uu kusii jiro Gen Cade.

Puntlandpost.pp@gmail.com

Puntlandpost.com
Garoowe.

Muqdisho: Madaxweynaha DF Somalia Xasan Shiikh oo u socdaaley Dalka Jaban, Sawiro.

$
0
0

Muqdisho: (pp)- Wafti uu hogaaminayo Madaxweynaha DF Somalia Xasan Shiikh Maxamed ayaa ka dhoofey garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde International, waxaana sida la sheegey waftiga Madaxweynuhu kusii jeeda Dalka Jaban oo ay uga qeyb gali doonaan shirkii shanaad oo looga hadlayo horumarinta Africa .

Madaxweyne Xasan Shiikh oo diyaarada sii galaya

Madaxweyne Xasan Shiikh oo diyaarada sii galaya

Dowlada Jaban ayaa todobaadka ugu horeeya bisha June qabaneysa shirkan oo loogu yeero Tokyo International Conference on African Development (TICAD) ,Iyadoona ajandayaasha shirka kuwooda ugu waaweyn lagu soo qaadayo arrimaha Somalia .

Madaxweynaha iyo Madaxda Garoonka u dhaweysay.

Madaxweynaha iyo Madaxda Garoonka u dhaweysay.

Xubno ka tirsan Wasiirada DF

Afhayeenka Madaxweynaha DF Eng Yariisow oo saxaafada uga waramey safarka Xasan Shiikh ayaa sheegey in uu la xiriiro caasumaad rasmiya oo uu ka helay Ra,iisal wasaraha Japan Shinzo Abe.

Dalka Jaban ayaa ka mid ah dalalka deeqaha ay bixiyaan si toos ah usoo gaarsiiya Dowlada Federaalka Somalia , iyagoona aan cidna usoo marsiin , sida ay marar badan ka dhawaajisey Madaxda Dowlada Somalia.

Puntlandpost.com
Muqdisho.

Kenya: Madaxweynaha Faroole iyo Wafti uu hogaaminayo oo lagu soo dhaweeyey Nairobi.

$
0
0

Nairobi: (pp)- Madaxweynaha Dowlada Puntland Dr C/raxmaan Shiikh Maxamed Faroole iyo Waftigii uu hogaaminayey oo uu ka mid yahay Wasiirka Arrimaha Gudaha Gen Cabdulaahi Axmed Jaamac (ilko-jiir) ayaa gaarey magaalada Nairobi xarunta wadanka Kenya.

Madaxweynaha iyo Waftigiisa ayaa waxaa garoonka kusoo dhaweeyey Jaaliyada Puntland ee Nairobi iyo Xubno ka tirsan diblumaasiyiinta beesha caalamka ee Nairobi ku sugan, iyadoona loo galbiyey halkii loogu talo galey ee ay degi lahaayeen.

Safarka Madaxweyne Faroole ku tagey Kenya ayaa la xiriir caasumaad uu ka halay Dowlada Kenya sida uu Madaxweynuhu saxaafada ugu sheegey gudaha garoonka diyaaradaha Garowe ka hor intii uusan dhoofin.

Mudane Faroole ayaa sheegey in safarkiisu la xiriiro danaha Puntland iyo siyaasadda cakiran ee ay ku sugan tahay siyaasadda Soomaaliya gaar ahaan arimaha Federaalismka.

Safarka Kenya uu ku tagay Madaxweyne Faroole ayaa noqonaya safarkiisii ugu horeyey ka dib muddo 8 bilood ah oo uusan Madaxweynuhu dalka ka bixin, midaas oo ku micneeyey Faroole inay la xiriirtey siyaasada gudaha, kobcinta dhaqaalaha iyo arrimo kale oo dalka ka jiray.

Socdaalka Madaxweynaha Puntland ee Nairobi oo ahaa mid aan horey loo sii shaacin ayaa noqonaya mid si kedis ah maanta looga war helay , ka dib markii Madaxtooyada Puntland saxaafada uga yeertey garoonka oo uu madaxweynuhu kula hadley, wuxuuna imaanayaa safarka xilli ay siyaasada wadanka qeyb ka mid ah ka jirto kacsanaan iyo is mari waa adag, iyadoona dad badan ku fasirayaan inuu safarka la xiriiro garab istaaga iyo taageerada puntland ee mataanaha Jubaland iyo Puntland.

Puntlandpost.com
Nairobi Kenya.

BOOSAASO: Shir Jubalanad lagu taageerayay oo Bossaso lagu qabtey (Sawiro)

$
0
0

Boosaaso: (pp)-  Shir ey soo qaban-qaabsheen Bulshada Reer Bossaso oo ujeedadiisu aheyd Taageerada loo hayo Jubalanad, Iyo Fariin loo gudbinayay Dowlada Soomaaliyeed/ Madaxweyne Hassan. Ugu horeyn Shirka waxaa furey Sakariye Isticmaar, oo ka warbaxshey Ujeedada shirka isagoo tilmaamey sida ey uuga goan tahay taageerida Maamulka Jubalanad Iyo Madaxda loo doortey Maamulka Jubaland, Sakariye ayaa sidoo kale ka hadley Arrimihii Dowlada Soomaaliya laga sugayay, sida Baahinta Dastuurka, Sugida Amniga, Tayeynta Waxbarashada, Waxqabadka Arrimaha Bulshada, Iyo Dhismayaasha kaabayaasha dhaqaale, nasiib-daro Dowladii waxa ey ku mashquushey Kismaayo oo ey ka dhigatey Agenda qaran, xili baahida dowladnimo loo qabo ey badatay.

Zakariya IsticmaarSakariye waxa kaloo yiri anigu kalsoonida waan kala noqdey dowlada, Xildhibaanada Puntland ee Dowlada Soomaaliya waxaan lee yahay waa inaad Puntland ku soo noqotaan si looga tashto mustaqbalka Soomaaliya. Waxaa hadalka qaatey Caaqil Catoosh, waxana uu caaqilku taageerey maamulka Jubalanad Iyo Madaxda loo doortey, Catoosh ayaa goobta ka sheegey fariin ku socota Dowlada Soomaaliya isagoo yiri waxaa tihiin Dowladii Soomaaliya waxaan idin sheegeynaa inaad Jubalanad dhibka ka deysaan, hadii aad Siyaasada wax ka badali weydaan Soomaali waa kala tashaneysaa.

Nabadoon XaragoNabadoon Xarago ayaa isna booriyay Maamulka cusub ee Jubaland isagoo sheegey in shacabka Jubalanad ey xor u yihiin iney dhistaan Maamul, Nabadoon Xarago, waxa uu yiri, Dowlada waxaan ka codsaneynaa iney taageerto Jubalanad, Nabadoon Bilaal, ayaa isna goobta ka hadley, isagoo ku dheeraadey sida Soomaali ugu han-weyneyd Dowladan, balse aad moodo iney lumineyso
kalsoonidii shacabka waa sida uu yiri nabadoonka. Nabadoon Cabdi Bashiir Axmed Dheere, ayaa taageerada Jubalanad ku tilmaamey mid mudan tixigalin, isagoo hadalka sii wata waxa uu yiri, Dowladeenu waa Federal waxaa waajib ah in aan ixtiraano waxii aan ku hishiiney, Dowlada Soomaaliya ha tix-galiso waxii lagu hishiiyay.

Beeldaajiye.jpgBeeldaaje Yaasiin Cali Faarax, ayaa isna goobta ka hadley, isagoo amaan Iyo bogaadin ujeedshey Shacabka Jubalanad sida ey u dhisteen Maamulkooda, waxana uu kula dar-daarmey iney midnimo muujiyaan, Beeldaajaha ayaa ka codsadey Dowlada Soomaaliya iney taageerto rabitaanka Shacabka waxa uu yiri Ummada Soomaaliyeed dhibaatada Allah ka dulqaado.

pp.jpgbeeldaajiye1.jpg

Puntlandpost.com

War Saxaafadeed: Dowlad Federaalka Soomaaliyeed oo ku fashilmatay tixgelinta rabitaanka muwaadiniinta Soomaaliyeed ee Goboladda Jubbaland

$
0
0

ixraax: PDF/011154 Taariikh: May 28,2013

www.puntlanddiaspora.org

mediarelations@puntlanddiaspora.org

Dowlada Federaalka Soomaaliya (DFS) waxay ku timid wada-tashi, wada-shaqayn iyo iskaashi dhexmaray Dowladii hore ee kumaalgaarka ahayd iyo maamul goboleedyadii iyo ururadii siyaasadeed ee dalka markaasi ka jiray, taas oo keentay in la qoro lana ansixiyo axdi qarameedka dalka iyo in dalka laga saaro kumeel gaarnimadii loona gudbo dowlad rasmi ah. Sidaa awgeed waxaa masuuliyiinta xukunka dalka maanta haya looga fadhiyay inay wax walba ku dul dhisaan guulahaas, sii xoojiyaan xiriirka u dhexeeya DFS iyo maamuladda kale ee dalka ka jira, tixgaliso oo ilaaliso axdiga qaranka, dardarna geliso hirgelinta qaabka Federaalka ah ee lagu heshiisay inuu noqdo midka dalka lagu dhaqayo.

Goloha Qurbojoogta Punland (PDF), War-saxaafadeed Jubbaland iyo Dawladda

Goloha Qurbojoogta Punland (PDF), War-saxaafadeed Jubbaland iyo Dawladda

Nasiib daro waxaa muuqata in dowladda maanta xukunka haysa ay ku fashilantay, dhinac martayna dhamaan qodabadaas kor ku xusan taas ayaana keentay in dad badan oo Soomaaliyeed ay ku hungoobeen hankii weynaa ee ay u hayeen dowladaan.

Dowlada Federaalka Soomaaliya waxaa looga fadhiyay inay dalka xorayso, midayso, doorashooyin xor ahna u diyaariso dalka. Nasiib darro waxaad moodaa inay juhdi iyo dhaqaale badan ku bixinayso caburinta rabitaanka shacabka, taasna waxaa tusaale ka ah sida ay ula dhaqmayso shacabka Goboladda Jubooyinka.

Maamul Goboleedka Jubooyinku waa mid ku yimid rabitaanka shacabka Jubooyinka, waafaqsanna Axdi Qarameedka Federaalka Soomaaliyeed, sidaa awgeed, waxay ahayd in dowlada Federaalku soo dhawayso maamulkaas cusub si markaasi kalsooni iyo jawi wada shaqayn loo helo.

Waxaa Gollaha PDF Masuuliyiinta dowladda Federaalka ah ku waaninayaa inay saxaan khaladkooda siyaasadeed ee ku wajaha Maamulka curdinka ah ee u dhashay reer Jubbaland, kaas oo uu hadii uu hano qaado saamixi doona in gobolada Jubooyinka laga xoreeyo Al-Shabaab, la sugo nabadda iyo horumarka deegaamadaasi, taasoo u saamixi doonta boqolaalka kun ee reer Jubbaland ah ee 22 sano ka badan ku xanibnaa xeryaha qaxooti ee Ifo, Dhadhaab, iyo Xagar dheer inag guryahoodii si nabad ah ugu soo noqdaan.

Waxaa Gollaha PDF dowladda Federaalka Soomaaliyeed uga digayaa inay kalsooni badan ku wayn doonto hadii aysan ka waantoobin kala qaybinta, isku dirka iyo hurinta khilaafaadka aan lagu xamdin doonin ee ay ka wado Gobolladda Jubooyinka. Waa in Masuuliyiinta Dowladda Federaalku la fariistaan is afgaradna ku dhameeyaan wixii iyaga iyo maamulka cusub ee Jubbaland dhex yaal, ogaadaanna in dowladda iyo dalkuba uu dadka Soomaaliyeed ka dhexeeyo sidaa awgeed, aysan socon Karin dowlad aan haysan kalsoonida shacabka iyo wada shaqaynta maamul goboleedyada dalka ka jira.

Gollaha PDF wuxuu ugu hambalyaynayaa Madaxda Maamulka Dowlad Goboleedka Jubbaland sida deganaanta iyo masuulnimadu ku jirto ee ay uga jawaabeen, welina diyaar ugu yihiin wada hadal iyo wadashaqayn dhexmarta maamulkooda iyo kan dowlada Fedraalka Soomaaliya ee ay xubinta ka yihiin.

Guddiga Xiriirka Bulshada iyo Saxaafada ee Ururka Qurbo Joogta Puntland (PDF)

mediarelations@puntlanddiaspora.org

Puntlandpost.com


Madaxweynaha Puntland oo si diiran loogu dhoweeyey Nairobi (Daawo Video)

$
0
0

Nairobi: (pp)-  Madaxweynaha Puntland Dr, C/raxmaan Faroole, ayaa si diiran loogu soo dhoweeyey magaalada Nairobi, isagoo waqti aad u dheer  ay ku sugayeen guddaha Airporka Jomo Kenyata Airport, Madaxweynaha DF ee Soomaaliya iyo Wasiiro ka tirsan Dowladiisa , Yuusuf Garaad oo aan la aqoon dowlada Xasan Sheekh meesha uu kaga jiro, Safiirka Nairobi u fadhiya Soomaaliya Kenya Cali Ameerika iyo masuuliyiin ka tirsan dowlada Kenya.

Daawo Video

FarooleMadaxweynaha ayaa u muuqday soo dhoweyntiisa mid aad u saraysa, waxaana banaanka garoomka markii usoo baxay si farxad leh u gacan qaaday muwaadiniin  reer Jubbaland ah  oo u arka inuu taageero xoogan siiyey , waxaana soo dhoweyntiisa ka qayb qaatay ganacsata Puntland , Xildhibaano Puntland ugu jira Dowlada dhexe ee Soomaaliya, jaaliyada Puntland ee ku shaqan Nairobi.

Madaxweynaha Puntland ayaa shacabkii Reer Jubbaland iyo Puntland ee soo dhoweeyey ayaa wuxuu ku salaamay ” Soomaaliya ha noolaato, Puntland hanoolaato, Jubbaland ha noolaato”

Soo dhoweynta Faroole ee magaalada Nairobi iyo sida loo soo dhoweeyey ayaa laga garan karaa miisaankiisa siyaasadeed ee Soomaaliya iyo Puntland-na uu ku leeyahay, waxaana madaxweynaha wejigiisa laga dheehan karaayey farxad iyo sida taageerayaashiisa ay ugu soo dhoweeyeen Nairobi.

Safarka madaxweynaha Puntland ayaa qaadanaya maalmo, isagoo la kulmaya safaaradaha shisheeyey ee caalamka oo ay ku jiraan  dowladaha Kenya iyo Ethiopia, wuxuuna  halgan adag ugu jiraa Dacwad ka dhan ah DF ee Soomaaliya , kaddib markii ay bedeshay Axdigii Qaranka Soomaaliya ee Qalinka  horay loogu duugay  iyo DF ee Soomaaliya oo Xasan hogaaminayo oo is hor istaagtay Maamulka  Cusub ee Jubbaland  State,   isla markaana lagu doortay Madaxweyne Axmed Islaam iyo Gen. Farataag.

Puntlandpost, Nairobi, Kenya

NAIROBI: Madaxweynha Puntland oo Nairobi kula kulmay Diblumaasiyiinta shisheeye (Sawiro)

$
0
0

Nairobi: (pp)-Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. C/raxmaan  Maxamed Faroole ayaa soo dhoweyn diiran kaddib kula kulmay Caasimada dalka Kenya ee Nairobi  masuuliyiin isugu jira dublumaasiyiinta dalalka caalamka  u fadhiya  magaalada Nairobi , waxaana kulamadaas madaxweynaha uu la yeeshay diblumaasiyiinta ku weheliya Wasiirka arrimaha guddaha Puntland Gen. Abdullahi Axmed Jaamac (Ilkajir).

8Y1A1968Madaxweynaha Puntland ayaa diblunaasiyiinta uu kula kulmay magaalada Nairobi waxaa ka mid ahaa Ergayga USA u qaabilsan Soomaaylia Ambassador James Swan, iyagoo ka wada hadlay arrimaha dimoqraadiyada Puntland iyo arrimaha Soomaaliya oo ay ugu horeeyaan arrimaha dastuurka Federaalka iyo arrimo kale.

8Y1A2031Madaxweyne Faroole ayaa la kulmay oo kale  safiirada  dalalka reer galbeedka iyo Afrika u jooga dalka Kenya , kuwaas oo gaaraya illaa 15 Duplamaasiin , waxaana safiirada reer Yurub ee uu la kulmay Madaxweynuhu  hogaaminayey  safiirka EU- u qaabilsan Soomaaliya Michele Cervone,wuxuu kaloo madaxweyne faroole la kulmay wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Maxamed Saalax Al-Nadiif.

8Y1A2036Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa Kulankaan kulamada xiga uu kulamo gaar ah uu  la yeelanayaa  Safiirada dalalka Ingiriiska, Safiirka Austaralia oo caasimada Puntland ay isku arkeen asbuuc iyo bar ka hor iyo Masuuliyiin ka socota IGAD iyo dalalka Carabta.

8Y1A2037Sikastaba, kulanka uu Madaxweynaha Puntland uu Nairobi kula leeyahay saraakiisha beesha Caalamka ayaa khuseeya sida aan soo xiganayno arrimaha Dastuurka Federaalka iyo arrimaha siyaasada iyo Dimoqraadiyeyna ee laga hirgeliyey deegaanada Puntland.

8Y1A2040Beesha Caalamka ayaa indhaha ku haysa arrimaha Puntland ay ugu guurayso dimoqraadiyada ayna uga baxayso habkii qabiilka ee lagu soo dooran jiray baarlamaanka Puntland iyo madaxda Puntland , waxaana dalalka caalamka ay horay ugu balanqaadeen Puntland inay ku bixinayaan dhaqaale  hanaanka cusub ee Dimoqraadiyada ee Puntland laga hirgelinayo 15 sano kaddib.

Sawiro Kale

8Y1A1813 8Y1A1832 8Y1A1869 8Y1A1925 8Y1A1968 8Y1A2036 8Y1A1814 8Y1A1841 8Y1A1883 8Y1A1945 8Y1A1977 8Y1A2050 8Y1A1815 8Y1A1864 8Y1A1888 8Y1A1957 8Y1A1984 8Y1A2059 8Y1A1817 8Y1A1867 8Y1A1904 8Y1A1963 8Y1A2034

Puntlandpost.com

Faallo: Siyaasada Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud- Bur-bur mise Barwaaqo?

$
0
0

Horddhac

Ilaa iyo wakhtigii la yagleelay waxaa ay dowlada federaalka soomaaliya ka dhamaan la`dahay dood mar walba sii dheeraaneysa oo ku saabsan qaabka uu dhismaha qaranku yeelan doono. Waxaana la isku hayaa, oo ay doodu ku salaysan tahay nidaam ka awood qaybsiga wadaaga ah ( federalism). Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh. Maxamuud ayaa waxaa uu dadaal ugu jiraa in dowlada dhexe ay awooda yeelato, iyaduna ay go`aamiso dhamaan arimaha muhiimka ah. Inta badan gobolada Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada haatan dhisan ayaa waxaa ay qabaan in sida tastuurku oranaayo ay laba gobol iyo waxii ka badanba dhistaan dowlad goboleed, awooduna ay u kala qaybsanaato dowlada dhexe iyo dowlad goboleedyada. Haddaba qormadaan ayaan kaga faalloon doonaa arimahaas iyo qaabka uu madaxweynuhu doonaayo in fikirkiisu ku hirgalo.

Qorshaha madaxweynaha ee nidaamka federaalka

Xasan Sheekh Culusow

Xasan Sheekh Culusow

Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud waxaa uu doonayaa inuu hirgeliyo nidaamka loo yaqaan ” Centralized federalism”. Taas oo macnaheedu yahay in goboladu ismaamuli karaan balse awoodu ay mar walba ka timaado dowlada dhexe. Qaabkaasi waa midka ay inta badan ku dhaqmaan dowladaha milateriga ah ee xukunka awooda ku qabsada. Goboladu magac ahaan maamul xor ah ayey leeyihiin balse go`aamada muhiimka ah waxaa mar walba gacanta ku haysa dowlada dhexe. Nidaamkan uu madaxweynuhu doonaayo ma aha midka uu qeexaayo tastuurka jamhuuriyada federaalka Soomaaliyeed. Tastuurku waxaa uu leeyahay waa in nidaamka federaalku noqdaa mid dowlad goboleedyadu ay awood badan leeyihiin, ayna go`aansan karaan arimaha gobolka quseeya intooda badan.

Dadka ku nool gobolada ku midoobey dowlad goboleedka ayaa xor u ah iney doortaan ama ay magacaabaan maamulkii xakumi lahaa. Nidaamka federaalka ee noocaan ah waxaa lagu magacaabaa ” decentralized federalism” oo loola jeedo in awoodu u qaysan tahay gobolada uu dalku ka kooban yahay.

Haddaba herdanka siyaasadeed ee Soomaaliya ka socdaa waxaa uu salka ku hayaa labada nidaam ee federaalka ah ee aan kor kusoo sheegnay. Madaxweynaha iyo xulufadiisu waxaa ay doonayaan in saldhiga awoodu ahaado dowlada dhexe, iyadana looga dameeyo dhamaan go`aamada muhiimka ah ee la doonaayo in dalka lagu maamulo. Dadka ku nool gobolada soomaaliya intooda
badan iyo dowlad goboleedyada haatan jira waxaa ay qabaan in fikirka madaxweynuhu aanu wax taageero ah ka haysan tastuurka qaranka. Qaabka uu madaxweynuhu doonaayo inuu dalka ku maamulo ayaa ah mid aan waafaqsanayn qaab-qarameedka lagu heshiiyey ee uu tastuurku qeexaayo ayey kooxahaani qabaan.

Dagaal siyaasadeed oo kulul

Madaxweynaha dowalada federaalka Soomaaliya ayaa waxaa uu dadaal dheer ugu jiraa in qaabka federaalka ee isagu doonaayo uu hirgalo.Waxaana ay siyaasada madaxweynuhu maalinba maalinta ka damaysa ay lugaha la sii geleysaa siyaasad qaab xun oo aan
waxba laga xishooneynin (dirty politics). Madaxweynaha iyo xulufadiisu waxaa ay ku kacayaan wax walba oo rabitaankooda siyaasadeed ku meel mari karo. Si aan loo dhisin dowlad goboleedyo waxaa uu madaxweynuhu si xoogan ugu howlan yahay inuu taageerayaan siyaasadiisa fuliya uu ku yeesho gobolo badan oo dalka ah.Qorshaha madaxweynuhu waxaa weeyaan in aan awooda laga wareejin Villa-soomaaliya oo uu goàan walbaa halkaas kasoo baxo.

Halkudhigu waxaa weeyaan in xulufo iyo iskaashi lala samaysto cid walba oo kasoo horjeeda nidaamka dowlad goboleedyada iyo in awooda lagu baahiyo dalka oo dhan ( decentralizes system). Waxaa kaloo madaxweynaha iyo kooxdiisu isticmaalayaan nidaamka ah qaybi oo xukun. Qabiilooyinka ku dhaqan gobolada ayaa qaar lala xulufoobayaa oo la soo dhoweynayaa halka qaarka kalena la faquuqaayo , loona bixinaayo magacyo kala duwan.

Arinkaas waxaa caddeyn buuxda u ah dhaq-dhaqaaqa madaxweynaha iyo kooxdiisu ka wadaan gobolada jubooyinka iyo gedo ee ku midoobey- Jubbaland. Dowlada federaalku waxaa ay kharash badan iyo dagaal siyaasadeedba ay gelisey in aan marna
goboladaas laga hirgelin dowlad goboleed. Kolkii rabitanka shacabku hirgalay ee jubbaland la dhisayna waxaa ay dowlada federaalku dadaal xoogan u gashay in la abuuro fawdo iyo qalalaase. Dowladu waxaa ay si toos ah lug ugu leedahay, maalgelina ku bixisay madaxweynayaasha dhowka ah ee iskood isu magacaabay ee warbaahinta laga maqlaayey.kolkii qorshahaasi hirgeli waayey waxaa ay dowladu iska soo daba- dirtay hufuud kala duwan oo xambaarsan qorshooyin badan oo aan la qeexin, balse saldhigoodu yahay in aan dowlad goboleedka jubbaland shaqaynin.

Siyaasada madaxweyne xasan sh. Maxamuud ee ku dhisan kala qaybinta iyo kala qoqobka waxaa ay saamaysay gobolo badan oo soomaaliya ka mid ah. Waxaa beryahaan la maqlaayey beelo badan oo leh ” kalsoonidii ayaan dowlada kala noqonay”. Waxaa kaloo meelo badan qalalaasi, khilaaf iyo iska hor imaad ka abuuray maamul iyo gudoomiyayaal laga soo magacaabay Villa-soomaaliya, Kuwaas oo aan wax taageero ah ka haysan dadka degan gobolada loo soo magacaabay.

Arinkaasi halka uu ka dhacay waxaa ka mid ah gobolka Bay. Xagee ka baxeen shaqooyinkii kale ee dowlada?

Sida isku raacsan yihiin inta badan dadka soomaaliyeed, dowladaha deriska ah, kuwa ciidanku ka joogaan soomaaliya, kuwa deeqda bixiya , waxaa siyaasadii madaxweyne xasan sheekh ay kusoo ururtay dagaalka loogu jiro in aan la dhisin dowlad goboleedyo, awooduna ay mar walba ahaato mid salkeedu yahay Villa-soomaaliya iyo magaalada Muqdisho. Waxaa meesha ka maqan dhamaan arimihii kale ee dadka iyo dalka muhiimka u ahaa sida:

- Waditaanka dadaalka dib-u heshiisiinta iyo isu soo celinta hantida

- Dhisitaanka ciidan loo dhan yahay

- La dagaalanka xarkada al-shabaab

- Wax ka qabashada arimaha bulshada sida caafimaadka iyo waxbarashada

- Dhib u dhiska guud ahaan dalka soomaaliya

- Wax ka qabashada iyo soocelinta qaxootiga soomaaliyeed ee ku dhibaataysan wadamada deriska ah

- Kasbashada kalsoonida shacabka soomaaliyeed.

Wakhtigaan xaadirka ah dowlada, baarlamaanka iyo madaxweynuba waxaa ay awoodooda dhinac walba ah iskugu geeyeen hal arin ( only one question). Waa arinka maamul ka loo sameeyey gobolada jubooyinka iyo gedo- Jubaland. Shirkii IGAD, waxaa ay madaxda dowlada dhamaan ay ka hadlayeen arinka jubaland, iyagoo haystey fursad qaali ah oo ay arimo kale oo badan uga hadlaan.

Kolkii madaxweynuhu soo laabtay ee uu muqdisho yimid waxaa uu qabtay shir jaraa`id, waxaa keliya oo uu ka hadlay arinka jubooyinka. Dhamaan wasiiradii sida wasiirka gaashaan dhiga iyo arimaha gudaha waxaa wakhtigoodii qaatay arimaha jubbaland. Aaway arimihii dalka intiisa kale.

Gebagebo iyo gunaanad

Siyaasada madaxweyne xasan sh. Maxamuud waa mid aan ku wajahnayn wakhtiga fog. Waa mid ay ku dheehan tahay , kana muuqato nidaamka kala qaybinta. Waa mid ay ka muuqato khibrad la`aan aad u balaaddhan. Waa mid salka ku haysa xulufaysi iyo kala
qaybin. Waa mid horseedi karta bur-bur iyo dalka oo mar kale dagaal sokeeye lugaha la gala. Ilaahow soomaaliya dhibaato ka bad-baadi. Mustaqbalkuna waa mid aan la hubin halka uu weliga saari doono. Madaxweyne xasan sheekh waxaan leeyahay. Hamigii dowladnimo waa lagu hungoobey. siyaasada madaxweyne xasan sh maxamuudna waa mid guuldaro ku damayn doonta

C/risaq Maxamed Xuseen- dheere
E-mail: habdirisak@hotmail.com
Eskilstuna,
Sweden

NAIROBI: Dowlada Kenya oo la xisaabtamaysa rag siyaasiyiin ah, oo dhalashadeeda haysta

$
0
0

Warar sugan oo Puntlandpost soo gaaraya ayaa sheegaya in dowlada Kenya ay  sirdoonkeedu ogaadeen in niman siyaasiyiin ah oo dhalashadeeda hayta ay Muqdisho ay ka wadaan qas ka dhan ah howlaha  ay ciidamadoodu ka wadaan deegaanada Jubbooyinka.

Faarax C/qaadir, Wasiirul dowlaha madaxtooyada.

Faarax C/qaadir, Wasiirul dowlaha madaxtooyada.

Joornaalada Kenya ayaa lagu shaaciyey inuu ragaas uu ka mid yahay Faarax C/qaadir oo  ka mid ah ragga ka tirsan xafiiska madaxtooyada , waxaya joornaaladaasi ay qoreen  inuu ka mid yahay raga wax ka qasaya magaalada Muqdisho, dabadana ka riixaya mooshin la sheegay in laga keenay ciidamada Kenya ee Ku sugan deegaanada Jubbooyinka.

Faarax C/qaadir, ayaa markii uu maqlay Warbixinta  lagu qoray Joornaalada Kenya ayaa markii ugu horaysay warsaxaafadeed ku qabtay magaalada Muqdisho , isagoo sheegay in dowladaha Kenya iyo Ethiopia ay u aqoosan yihiin Dalal Soomaaliya taageeray ayna uga mahadcelinayaan garabka ay siiyeen Soomaaliya, wuxuuna Faarax C/qaadir iska fogeeyey in arrimahaas aysan wax lug ku lahayn.

Faarax ayaa sheegay in Idaacado ka jira Muqdisho lagu faafiyey in  Warar aan jirin oo sheegaya in Kenya ay ugu baxdo dalka Soomaaliya mudo gaaraysa 48 saacadood, arrinkaas oo uu sheegay inuusan waxba ka jirin.

Hadalka isdifaaca ah ee ka soo yeeray Faarax C/qaadir ayaa ah mid uu isaga berriyeelayo Warbixinta lagu shaaciyey Jaraa’idda Kenya.

Sikastaba, waxaaa Soo baxaya in dowlada Kenya ay Talaabo la xisaabtan ah ay ka qaadayso rag badan oo siyaasiyiin ah oo Baasaboorkeeda haysta, waxaana la sheegayaa inay jiraan rag  badan oo hantiilayaal ah oo siyaasada Soomaaliya ku jira inay Kenya ogaatay in ay lugo ku leeyihiin Siyaasada cakiran ee Soomaaliya.

Ma aha markii ugu horaysay ee ay Dowlada Kenya ay ogaato in rag jinsiyadeeda hayta ay wax ka qasayaan Soomaaliya, waxaana horay u jiray Waqti dowlada Kenya ay la xisaabtantay Shariif Xasan (Shariif Sakiin) oo isagana haysta Baasaboorka Kenya , waqti uu Soomaaliya uu ka waday siyaasado ka soo horjeeday nabada Soomaaliya , waxaana wararku sheegayaa in Kenya markii ay la xisaabtantay uu ka waantoobay siyaasado cakiran oo uu markaas lugaha kula jiray.

Dowlada Kenya ayaa la sheegayaa in Survey ku samaynayo dadka Soomaalida ah ee qaatay Jinsiyadeeda , wixii ka danbeeyey 1991-dii oo ay soomaaliya ka bur-burtay dowladii dhexe , iyadoo Soomaali badan ay qaateen Baasaboorada Ethiopia , Jabuuti iyo Kenya.

Puntlandpost, Nairobi, Kenya

 

NAIROBI: Wasiirka arrimaha guddaha Puntland oo sheegay in Kenya hadii ay baxdo AMISOM oo dhan ay Baxayso

$
0
0

Nairobi: (pp)- Wasiirka arrimaha Guddaha dowlada Puntland Gen. C/laahi  Ilkajiir oo xalay magaalada Nairobi ugu waramay shacabka  iyo aqoonyahanka , kasoo jeeda Puntland iyo Jubbaland ayaa ku hanjabay , ” Hadii Kenya la yiri waa baxaysaa , dhammaan AMISOM oo dhan waa baxaysaa , kuli waa baxauaan waana la arki doonaa meesha Alshabaab laga gelayo” oo ula jeediyey ciidamada Shisheeye ee dalka kusugan in ay yihiin  kuwo caawinaya Soomaalida isla markaana dagaal kula jira Al-shabaab.

Wasiirka arrimaha gudahaPuntland ,

Wasiirka arrimaha gudahaPuntland ,

Mudanahan , ayaa ku dhaliilay DF ee Soomaaliya inay shaqadii looga fadhiyey in ay dalka u qabtaan ay ka weecdeen oo ay Jubbaland iyo Kismaayo shaqo ka dhigteen, wuxuuna sheegay in taasi aysan macquul ahayn.

Ciidamada Shisheeye ee dalka Nabad ilaalinta u jooga ayuu sheegay in dhammaantood ay isku mid yihiin oo aysan jirin wax ay ku kala duwan yihiin.

Generaal Jaamac Ilkajiir ayaa   ku celceliyey oo yiri ” Iminka waxaa la leeyahay Kenya waa baxaysaa , Ugandhana waa baxaysaa, dhammaan waa baxayaan” ayuu hadalkiisa kusoo xiray.

Wasiirka oo ay hadalkiisa ay u riyaaqeen wadaniyiintii Soomaaliyeed oo xalay dhegaysanaayey Khudbadiisa , ayaa wuxuu khudbadiisa  kusoo qaatay howlaha horramarineed ee dalka ka socda, isagoo Jaaliyada ugu baaqay in dalkooda dhistaan , kana qayb qaataan horrumarinta ka jirtan dalka .

Generaalka ayaa  dadkii dhegaysanayey niyada ugu dhisay oo yiri ” Jubbaland,  ma guul-daranayso Inshaa’alah , waana guulaysanaysaa” ayuu hadalkiisa kusoo xiray.

Wasiirka ayaa ka mid ah wafdiga madaxweynaha Puntland oo howlo shaqo u jooga Magaalada Nairobi, iyagoo maalmihii la soo dhaafay la kulmay Beesha Caalamka , kalana hadlay Xaalada Soomaaliya iyo Puntland.

Puntlandpost, Nairobi, Kenya

 

 

 

 

 

Yokohama: Japan oo soo xirtey shirkii lagaga hadlayey Arrimaha Somalia, Sawiro.

$
0
0

Yokohama: (pp)- Shirkii gaarka ahaa ee looga hadlayey arimaha Soomaaliya ayaa lagu soo gabagabeeyey magaalada Yokohama ee dalka Japan.

5Dowlada jaban ayaa shirka qabashadiisa door muhiim ah ka siisey kaga hadlida taageero la siiyo Dowlada Somalia , iyadoona mar uu hadal kasoo jeedinayey madasha shirka Madaxweynaha DF Somaliya Xasan Shiikh uu si weyn uga mahadceliyey qabashada shirkan Ra’iisul Wasaaraha sida quruxda badan ee Hormuudka uga noqday shirkan Qaaska ah ee Soomaaliya ku saabsan.

Xasan Shiikh ayaa sheegey in shirka uu yahay mid kaabi doona shirkii London oo la isku afgartay in Soomaaliya laga saacido dhanka amniga, garsoorka iyo maareynta maaliyadda.

1Madaxweyne Xasan Shiikh oo hadal dheer gabo gabadii shirka ka jeediyey ayaa ka codsaday in shirkan ay Japan iyo beesha caalamkuba xoogga ku saaraan arrimaha dib u dhiska hay’adaha dalka iyo shaqaalahooda, dib u dhiska waddooyinka, dekedaha iyo dhammaan goobaha ilaha dhaqaalaha laga heli koro iyo isagoo si gaar ah u xusay in Soomaaliya ay dhalinyarada ay muhiim tahay in loo helo xirfado iyo shaqo si ay bulshada iyo dalkaba wax u taraan.

3Madaxda shirka kasoo qeyb gashey oo ka kala socdey wadamo badan oo ka tirsan Dunida iyo Africa ayaa sidoo kale Madaxdii kasoo qeyb gashey waxaa ka mid ahaa Xoghayaha guud ee Q.M Ban Ki Moon, Madaxweynaha Dalka Tanzaniya Jakaye Kikwete ,ra,iisul wasaaraha Ethopiya Hailemariam Desalegn, Madaxweynaha Koofurta Suudaan Salva Kiir iyo Madaxweyne ku Xigeenka Kenya William Ruto.

2R/wasaaraha dalka Japan Shinzo Abe oo khudbad kasoo jeediyey xiritaankii shirka ayaa ku dhawaaqay in dalkiisu uu Soomaaliya siin doono taageero buuxda oo dhan walba leh,wuxuuna ballan qaaday iney dowladda Soomaaliya ula shaqayn doonaan si wanaagsan.

6Dowlada Japan waxay ka mid tahay dowladaha sida toos ah usoo gaarsiiya kaalmada beesha caalamka DF ka hesho sida ay marar badan warbaahinta ka sheegeen Madaxda Dowlada Somalia.

Nagala soo xiriir : Puntlandpost.pp@gmail.com

Puntlandpost.com
Yokohama Japan.

Jaamacadaha Bosaso University iyo Galkaacyo University oo xaflado sagootin ah arday u sameeyey,Sawiro.

$
0
0

Jaamacadaha Bosaso University iyo Gaalkacyo International University ayaa maanta xaflado kala duwan oo qalin jabin ah ugu sameeyey magaalooyinka Bosaso iyo Gaalkacyo arday dhameysatey heerka kowaad ee shahaada jaamacadeed.

3Magaalada Bosaso xaflad uu maamulka jaamacadda Bosaaso ayaa ugu sameeyey arday dhamaystay kuliyadda arimaha bulshada iyo horumarinta ayaa lagu qabtey hotel Juba,waxaana goob-joog ka ahaa xafladaas maamulka Jaamacadda Bosaaso,Macalimiinta,ardey ka qalin-jabisay jaamacadda iyo weliba marti sharaf kale.

Ugu horayntii xafladda, waxaa madasha ka hadley Maxamed Mahad oo ah xubin ka tirsan maamulka jaamacadda isla markaana u qaabilsan jaamacadda xiriirka dadweynaha.

4Wuxuu Mahad sheegay in jaamacaddu ay ku faraxsantahay qalin-jabinta ardey in muddo ah wax ka baranayey.

Mahad wuxuu si gaar ah u tilmaamey muhimadda gaarka ah ee ay wadato kuliyadda arimaha bulshadada, isagoo si gaar ah u xusey in takhasuskaas uu yahay mid jaamacadda Bosaaso kaliya bixiso.

2Waxaa sidoo kale xafladda sagootinta ka hadley qaar ka mid macalimiintii wax u dhigtay ardeyda, iyagoo dhammaantood xusey in loo baahanyahay hor-u-socod hanaaqaad leh, iyo weliba in kobcin lagu sameeyo aqoonta, la ilaaliyana anshaxa iyo edebta suuban.

Dr:Maxamed Cali Faarax Guddomiyaha Jaamacadda Bosaaso University oo ka hadley xaflada ayaa sheegey ugu danbeyntii in maamulka jaamacaddu si aan la qiyaasi Karin ugu faraxsanyihiin qalin-jabinta dufcadii ugu horeeysay ee ka qalin-jabisa jaamacadda.

1Jaamacadda Bosaaso waxay ka mid tahay jaamacadaha ahliga ah ee ka hawl gala gobolada Puntland,waxayna jaamacaddu ka koobantahay lix kuliyadood iyo labo machad,waxaana jaamacadda la asaasey sanadii 2006.

Gaalkacyo iyo Xaflada Ardayda qalin qabisey.

Tiro dhan 50 Arday oo wax ka baraneysay Jaamacada Gaalkacyo International University ayaa maanta iyana xaflad qalin jabin ah loogu sameeyey schoolk cumar samatar ee magaalada Gaalkacyo.

Digital CameraArdayda dhameysatey waxbarashada jaamacada Gaalkacyo University ayaa bartey kuliyadaha kala ah xisaabaadka & maamulka & maareynta.

Digital CameraMasuuliyiinta Jaamacada iyo Maamulka Gobolka ayaa kasoo qeyb galay xafladii qalin jabinta arday Gaalkacyo University, waxayna si isku mid ah dhamaantood u sheegeen inay farxad weyn u tahay horumarka ay naftooda ka sameeyeen ardaydan iyagoona mahad celin u jeediyey maamulka ,macalimiinta iyo shaqaalaha Jaamacada.

Digital CameraPuntland ayaa ka mid ah Gobolada nabadu ka jirto Somalia waxaana ku yaal magaalooyinka Puntland jaamacado laga barto inta badan heerka kowaad ee waxbarashada Becholar-ka loo yaqaan.

Digital Camera

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Nagala soo xiriir” Puntlandpost.pp@gmail.com

Puntlandpost.com
Editorial


Kismaayo : Ciidamo ka socda wadanka Sierra Leone oo Kismaayo tagey.

$
0
0

Kismaayo: (pp)-Wararka aanu ka helayno magaalada Kismaayo Xarunta KMG ee maamulka Jubaland ayaa sheegaya in Ciidamo ka socda dalka Sierra Leone oo qayb ka ah howgalka Midowga Afrika ee AMISOM ay gaareen halkaasi , iyadoona horeyo ay kismaayo u joogeen ciidamo Kenyan ah.

Ciidamadan ayaa lagu sheegey tiradoodu inay gaareyso 100 askari, waxaana markii hore ay kasoo degeen magaalada Muqdisho oo ay ka dib uga gudbeen Kismaayo oo ay fariisimo ka sameysteen garoonka diyaaradaha iyo waqooyiga magaalada sida ay Puntlandpost u xaqiijiyeen dad goob joogayaal ah .

Dalka Sierra Leone oo ku yaal galbeedka Afrika ayaa waxa uu ka mid yahay dalalka Afrika ee sheegey inay Somalia ciidamada nabad ilaalinta ee jooga ay qeyb ka qaadan doonaan,iyadoona horey Gobolada Koonfurta Somalia u joogeen ciidamo ka socda wadamada Uganda, Burundi, Jabuuti iyo Kenya.

Ma ahan ciidankii ugu horeeyey oo ka socda wadanka Sierra Leone oo gaara Gobolka Jubada hoose waxaa horey u jirtey ciidamo kale oo isla wadankaas ka socda oo todobaad ka hor soo gaarey deegaanada dhoobley iyo qooqaani oo ka tirsan Gobolka Jubada hoose.

Maamulka Jubaland ayaa sheegey inay soo dhaweynayaan ciidanka nabad ilaalinta ee kusoo biirey ciidankii horey Kismaayo ugu sugnaa , iyaga oo sheegey masuuliyiinta maamulku inay si buuxda uga wada shaqeyn doonaan iskaashiga dhanka nabad kusoo dabaalida deegaanada Jubaland.

Puntlandpost.com
Kismaayo.

Nairobi: Xaflad balaaran oo Nayroobi loogu sameeyey Madaxweynaha Puntland iyo waftigiisa, Sawiro.

$
0
0

Nayrobi: (pp)- Jaaliyada Somalida ee ku nool wadanka Kenya ayaa maanta xaflad soo dhaweyn ah u sameeyey Madaxweynaha Dowlada Puntland Dr C/raxmaan Shiikh Maxamed iyo wafti Puntland oo uu hogaaminayo oo jooga magaalada Nairobi.

9Xaflada oo ahayd mid si weyn loo soo agaasimey ayna soo qaban qaabisey rugta Ganacsiga Jubaland ayaa waxaa kasoo qeyb galey shacab faro badan oo ka mid ah jaaliyada Kenya ee Soomaalida, masuuliyiin ka tirsan dowlada Kenya, Jubaland,Xillibaano DF Somalia, Diblumaasiyiin beesha caalamka iyo waftiga Puntland ee uu hogaaminayo Mudane Faroole.

Masuuliyiin ay ka mid yihiin Madaxweynaha Dowlada Puntland, Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland oo ka mid ahaa xubnihii Puntland ee xaflada loo qabtey ayaa khudbado goobta kasoo jeediyey , kuwaas oo si qoto dheer oo faahfaahsan uga hadley xaalada Somalia.

3Madaxweynaha Puntland Dr C/raxmaan Shiikh Maxamed oo isagu soo xirey munaasabad ayaa khudbadiisa kaga hadlay Jubaland oo uu sheegey in taageeradeedu wadnaha uga taal Puntland madax iyo shacab.

2Dr Faroole ayaa hoosta ka xariiqey in wadada loo marayo dib u heshiisiin Somalia ka dhacda ay noqoneyso iyada oo la raaco nidaamka wadanka loo dejiyey ee Federalism-ka, kaas oo baneynaya in gobolada dalku sameystaan maamulo.

Mudane C/raxmaan Shiikh maxamed Madaxweynaha Puntland waxa uu sheegey in uu fariin u dirayo Kumanaanka qof ee qaxootiga ku ah Kenya iyo Ethiopia inay sameeyaan fikrad cusub oo ku saabsan sidii ay mustaqbalkooda ay dib ugu dhisan lahaayeen.

7Waftiga uu hogaaminayo Madaxweynaha Puntland ayaa maalmahan joogey wadanka Kenya waxaana la filayaa ka dib kulamada halkaasi ku leeyihiin inay usii gudbaan dalal kale oo ku yaal Gobolka iyo Khaliijka Carbeed.

5Dhinaca kale xubnihii Madaxda ee Xafladu intii ay socotey ka hadlay waxaa ka mid ahaa Gudoomiyaha rugta ganacsiga Jubaland Yaasiin Jaamac oo Madaxweynaha Puntland uga mahadceliyey Dadaalka uu ugu jiro Soomaaliya gaar ahaan Jubaland, wuxuuna ka codsadey Puntland iney Jubaland ka caawiyaan dhinaca khibrada Maamul goboleednimada.

8146Puntlandpost.com
Nayroobi, Kenya.

War Deg Deg ah: Kismaayo oo la weerarayo (Warbixin)

$
0
0

Warar sugan oo si sir ah lagu helay ayaa sheegaya in Wafdigii Kismaayo ka tegay ay ahaayeen kuwo u shaqaynayey si sirdoon ah , waxaana wararku aan helayno ay sheegayaan in raga Wasiirada ahaa ee Kismaayo ka tegay ay qiimayn ay halkaas u joogeen, si weeraro qorshaysan ay dowladu ugu qaado magaalada Kismaayo.

Lama garanayo in qorshahaan weerarka ah ay ka warqabaan Dowlada cusub ee Jubbaland iyo inkale.

War bixintaan ayey Puntlandpost ka heshay rag siyaasiyiin ah oo arrinkaas wax ka ogaa.

Warar Faah faahfaahsan kala soco mardhor Puntlandpost.com

Laascaanood: Waraabe Wiil 4 sano jir ah ku cuney Gobolka Sool.

$
0
0

Laas-caanood: (pp)- Wiil yar oo afar sano jir ah ayaa xalay dhurwaa uu ku cuney tuulada la yiraahdo Adhi-cadeeye oo 30-Km dhanka waqooyi kaga beegan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool .

Puntlandpost oo xiriiro la sameysay Dadka deegaanka Adhi-cadeeye ayaa dhacdan u xaqiijiyeen , iyagoona xusey in weerar waraabuhu uu kusoo qaaday wiilka yar xilli ay la joogtey ayeeyadiis deegaan ku yaal miyiga.

qaar ka mid ah dadka aanu la xiriirney ayaa sheegey in waraabuhu uu dhaawac sidoo kale soo gaarsiiyey ayeeyada ilmaha uu cuney ka dib markii ay isku qabsadeen cunuga waraabaha oo ay ayeeyadu rabtey inay ka badbaadiso, balse nasiib daro oodo iyo geedo uu kala dulboodey.

Wali dhacdadan waxaa si aad ah u hadal haya dadka deegaanka , kuwaas oo su,aalo kala duwan iska weydiinaya dhacdadan oo ah mid ugub ku ah dhulka miyigaa oo inta badan aan looga baran cunista waraabaha ee dadka oo saameyn ku lahayn reer guuraaga.

Balse sida la og yahay waraabaha qudhiisa deegaano badan oo ka mid ah dhulka Somalida ayaa laga cunaa, ka dib markii culimada qeybtood shaaciyeen in uu xalaal hilibkiisu yahay halka qeyb kale oo culimada ka mid ahna ay xaaraantinimeeyeen.

Puntlandpost.com
Laas-caanood.

Warsaxaafadeed;- Beenin Warsaxaafadeed lagu soo saarey Magaca PDF-Demark

$
0
0

Ururka Qurba Joogta Puntland ee Demark waxay iyagoo ka xun ka raaligalinayaan Bulshada iyo Dowlada Puntland warsaxaafadeed lagu been abuurtey Magaca Ururka oo uu soo qorey Shaqsi gaara oo ka been abuurtey Magaca Ururka Iyo Jaaliyada Puntland ee Denmark.

Warsaxaafadeed PDF Danmark

Warsaxaafadeed PDF Danmark

Waxaan halkaan ku cadeyneynaa in Warsaxaafadeedkaas uusan ururku wax shoqo ah ku lahayn. Warsaxaafadeedka been abuurka ah waxaa lagu daabacay qaar ka mid ah saxaafada waxaana lagu dhaleeceeyey Wasiirka Warfaafinta Puntland hadalkii uu ka yiri mowqifka Dowlada Puntland ee ku aadan Madaxweynihii hore ee Puntland Mudane Cade Muuse. Sii Akhri Warsaxaafadeedka PDF- Denmark

Puntlandpost.com

Viewing all 22737 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>