Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all 22737 articles
Browse latest View live

Garowe: W,Haweenka Puntland oo loo balaariyey magacii horey loogu aqoon jirrey,Sawiro.

$
0
0

Garoowe: (pp)- Xaflad magaca loogu balaarinayey Wasaarada Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Puntland ayaa lagu qabtey xarunta hay,adda PDRC ee magaalada Garowe, iyadoona ay kasoo qeyb galeen Masuuliyiinta wasaarada oo ay ugu horeyso Wasiirka Wasaarada Haweenka, Masuuliyiin ka tirsan Xukuumada iyo Baarlamanka Puntland, Haween, iyo Marti sharaf kala duwan.

6

Akriso Magaca wasaarada loo bixiyey.

Marwo Xaliimo Xasan Xaaji oo ah wasiirka wasaarada oo ka hadashey magaca wasaarada lagu soo kordhiyey, iyadoona sheegtey in uu ku yimid ka dib dikreeto Madaxweynaha Puntland uu kasoo saarey magaca wasaaradu u guureyso.

3

Wasiirada iyo Haweenka Xaflada soo camirey

Marwo Xaliimo waxay sheegtey in wasaarada hadda ka dib magac ahaan loogu yeeri doono“Wasaarada Haweenka iyo Arrimaha Bulshada ee Qoyska Puntland” halkii uu horey loogu magacaabi jirey “wasaarada haweenka iyo arrimaha qoyska.

Wasiirka Wasaarada Haweenka iyo Arrimaha Bulshada ee Qoyska Puntland Xaliimo Xasan Xaaji waxay intaas ku dartey in la gaarey xilligii wasaarada la balaarin lahaa oo ay sidaas ugu baahatey magacan cusub ee loo bixiyey.

2

Kasoo qeyb galayaasha Xaflada

Intii ay socotey xaflada ayaa lagu soo bandhigey muuqaalo ku saabsanaa xaalada qoysaska Puntland iyo xog uruurin laga soo sameeyey Gobolada, sidoo kalena xaflada lagu daawadey socdaalo dhawaan wasiirada haweenku kusoo martey degmooyinka iyo Gobolada Puntland qeybtood.

Haweenka Xaflada kasoo qeyb galey qaar ka mid ah

Haweenka Xaflada kasoo qeyb galey qaar ka mid ah

Magaca cusub ee loo soo kordhiyey wasaarada haweenka ayaa noqonaya mid xiriir dhow la abuuraya in wasaaradu la yeelato wasaaradaha kale ee Dowlada kuwooda ka shaqeeya arrimaha bulshada sida Waxbarashada, Caafimaadka iyo Cadaalada.

Haweenka Hidaha iyo Dhaqanka ku labisan

Haweenka Hidaha iyo Dhaqanka ku labisan

Xaflada magaca wasaarada lagu balaarinayey ayaa waxaa fadhiyey haween ku labisan dareeska hidaha iyo dhaqanka , kuwaas oo si qurux badan u muujiyey taageerada ay u hayaan balaarinta wasaarada, iyadoona goobta hadalo ay kasoo jeediyeen masuuliyiin ka mid aha kuwii munaasabada lagu casumey .

Sanadkii 2005-tii ayay ahayd markii wasaaradan ay kusoo biirtey

Xubno ka mid ah Madaxdii Xaflada ka hadashey

Xubno ka mid ah Madaxdii Xaflada ka hadashey

wasaaradaha kale ee Puntland, waxaana dad badan qabaan inay ku guuleysatey caawinta haweenka iyo qoysaska , iyadoona sameysay bandhigyo badan oo ay kaga xog warameyso sida looga gudbi lahaa caqabado badan oo ka jirrey arrimaha qoyska iyo haweenka.

Nagala soo xiriir :  Puntlandpost.pp@gmail.com

Puntlandpost.com

Garoowe.


Bosaso: Machadka waxbarashada dadka curyaamiinta oo Bosaso laga furey,Sawiro.

$
0
0

Bosaso: (pp)- Xarun ay ka wax ka baran doonaan dadka naafada ah oo loogu magac darey Gurey Educatiom Center ayaa laga furey magaalada Bosaso.

Magaca Xarunta Boodhkeeda

Magaca Xarunta Boodhkeeda

Ilaa 400 oo qof oo isugu jirra dhalinyaro iyo dadka waaweyn ee curyaamiinta ayaa xarunta loogu talo galey inay wax ku bartaan, iyadoona ay maalgalisey hay,add la yiraahdo Nedsom oo ka mid ah hay,addaha samafalka ee Puntland ka howl gala.

Diiwaan galinta Dadka Naafada

Diiwaan galinta Dadka Naafada

Xarunta waxbarashadeeda oo ah mid lacag la,aan ayaa laga bilaabey isdiiwaan galinta ardayda lagu bilaabi doono, iyadoona ardayda ka socota dadka naafada lagu bari doono xirfado kala duwan oo ka bilaameysa waxbarashada asaasiga ah .

Duruusta iyo Maadooyinka lagu bari doono xaruntan dadka naafada ayaa waxaa ka mid ah .

Gabar la barayo qoraalka iyo Akhrinta

Gabar la barayo qoraalka iyo Akhrinta

Qalabka Farsamada gacanta ee lagu baran doono xarunta

Qalabka Farsamada gacanta ee lagu baran doono xarunta

Qorida iyo Akhrinta Af Somaliga,Barashada maadada xisaabta,barashada diinta Islaamka,barashada luuqada English-ka,iyo madooyin kale oo aad u faro badan, iyadoona ay ku jiraan maadooyinka ardayda la bari doono xirfado farsamada gacanta la xiriira sida barashada habka cilaan saarka iyo qurxinta gabdhaha, barashada harqaanka iyo tolida dharka.

3Jaamac Ciise Hurun oo ah Gudoomiyaha xaruntan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegey inay ka howl gali doonaan xarunta macalimiin rag iyo dumar-ba isugu jira.

2Jaamac waxa uu sheegey inay macalimiinta sidoo kale qeyb ka noqon doonaan kuwo Ajnabi ah oo kasoo jeeda dalka Kenya,

Qeybta Computerada ee Xarunta lagu baran doono

Qeybta Computerada ee Xarunta lagu baran doono

Makiinadaha dharka lagu talo ee naafada la bari doono

Makiinadaha dharka lagu talo ee naafada la bari doono

Xarunta ayaa noqoneysa midii ugu horeysay oo laga hirgaliyo magaalooyinka waaweyn ee Puntland , inkastoo magaalooyinka qeybtood sida Garowe ay horey uga furnaayeen xarumo kale oo ay ka mid yihiin xarunta waxbarashada dadka dhagoolayaasha ah.

Nagala soo xiriir : Puntlandpost.pp@gmail.com

Puntlandpost.com
Boosaaso.

Nairobi: Madaxweynayaasha Puntland iyo DF Somalia oo Arbacada soo socota Magaalada Nayroobi kulan uu uga furmi doono.

$
0
0

Nayroobi: (pp)- Madaxweynaha Dowlada Puntland Dr C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole oo ku sugan magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegay inuu arbacada soo socota Nairobi kula kulmi doono Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho rasmiya halkaasi ku tagaya.

Mudane Faroole waxa uu sheegey in balanta Madaxweynaha DF uu la leeyahay ay ahaan doonto mid ay kala hadlayaan dhowr qodob oo ugu horeeyaan Dastuurka wax laga bedalay iyada oo aan la isla ogeyn iyo xal u helida arrimaha Jubaland.

“Madaxweynaha dowladda Somalia waxaan ku boorrin doonaa in gacmo-gacmeynta laga daayo dastuurka ummadda Soomaaliyeed u dagsan ee lagu soo doortay dowladda uu madaxweynaha ka yahay,” ayuu yiri Faroole oo Jimcihii lasoo dhaafey la hadlayey jaaliyadda Soomaaliyeed ee Nairobi ku nool.

Sidoo kale Madaxweynaha Dowlada Puntland waxa uu ugu baaqey DF Somalia inay aqoonsato Maamulka cusub ee Jubaland ee uu Madaxweynaha ka yahay Axmed Maxamed (Islaam)kaasi oo ay soo doorteen dadka gobollada Jubooyinka iyo Gedo ku nool.

Dr Faroole waxa uu ku amaaney jaaliyada Puntland ee Kenya ku nool inay yihiin kuwo kaalin weyn ka geystey horumarka deegaanada ay kasoo jeedaan.

Labada Madaxweyne Xasan Shiikh iyo Faroole waxay arbacadii lasoo dhaafey isku arkeen garoonka diyaaradaha ee Jomo Keynyatta ka dib isla maalintaas oo labadu-ba ay Nayroobi yimaadeen,islamarkaana ay wada yeesheen kulan socdey mudo saacad ah .

Ma noqoneyso markii ugu horeysay oo ay Puntland kala hadasho Madaxweynaha DF Somalia Xasan Shiikh wax ka bedelka Dastuurka lagu sameeyey , iyadoo horey ay u jirtey in Madaxweynaha Puntland uu ka sheegey kulamadii uu Garowe kula yeeshey Xasan Shiikh in wax laga bedelay Dastuurkii rasmiga ahaa ee dhigayey Qodobadii Federalka.

Dad badan ayaa qaba in Madaxweynaha DF Somalia Xasan Shiikh uu ka mid yahay xubnaha sida weyn uga soo horjeeda taabo galinta qodobada dastuurku dhigayo ee la xirira arrimaha Federalism-ka, xilli aysan jirin jawab rasmiya oo ay DF Somalia ka bixisey eedeymaha Puntland dhowr mar usoo jeedisay ee biliqeysiga Dastuurka ku saabsan.

Nagala soo xiriir : Puntlandpost.pp@gmail.com

Puntlandpost.com
Nayroobi.

Garoowe: UNSOM oo maanta kala wareegi doonta Howlihii xafiiska UNPOS Soomalia ka waday.

$
0
0

Garoowe: (pp)- Maalintii shalay oo ahayd 2 June waxaa ku ekeed hawshii uu qaban jiray Xafiiskii Siyaasadda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya UNPOS waxaana la filayaa maanta oo ay taariikhda bishu tahay 03 June 2013 in xafiiskii bedeli lahaa laga furo gobolada dalka Sida magaalooyinka Garowe, Hargeysa iyo Muqdisho.

Mahiga Madaxii Xafiiskii UNPOS

Mahiga Madaxii Xafiiskii UNPOS

UNSOM ayaa waxaa wax qabadkiisa ka mid ah in uu gacan ka geysto abuurida iyo kobcinta siyaasadeed ee lagu heli karo xasilooni iyo nabadeyn isagoona taageeri doona ajandaha Amniga iyo dhismaha qaranka Dowlada Federalka Somalia.

Sidoo kale Xafiiskan wuxuu Taageero Siyaasdeed siinayaa hawlgalka Midowga Afrika oo ay ku jiraan Nabadeynta dib u dhiska Dalka Hay’adaha Dawladda Xagga Maamulka.

Hawl galka Xafiiskan ayaa waxaa kaloo ka mid ah sidii diiradda loo saari lahaa arrimaha ay ka midka yihiin dhex dheexadin taageero loo fidiyo dadaalka dib u heshiisiinta sida is bedel lagu sameeyo laguna dhisayo Hay’adaha Soomaaliya ee Amniga iyo Garsoorka iyagoo la siinayo talooyin Farsamo.

 Nicholas Kay Madaxa Xafiiska UNSOM

Nicholas Kay Madaxa Xafiiska UNSOM

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa 29kii Bishii abril ee Sanadkan Nicholas Kay oo u dhashay Boqortooyada ingiriiska oo ah Dibulumaasi Waaya aragnimo u leh Afrika u magacaabay inuu noqdo Ergeygiisa gaarka ah ee Soomaaliya iyo Madaxa UNSOM kaasoo Hoggaamin doona isku xirka hawlaha Qaramada Midoobay.

Ka sokow la wareegida xafiiska UNSOM howlihii xafiiskii UNPOS ayaa sida Puntlandpost warar ku helayso xaflad la xiriirta loogu qaban doonaa maanta magaalada Garowe qeybta UNSOM Somalia looga furayo.

Puntlandpost.com
Garoowe.

Nairobi: Daawo Sawirada Madaxweynaha Puntland oo lagu soo dhaweeyey Madaxtooyada Dalka Kenya.

$
0
0

Nayrobi: (pp)- Kulan ka dhacay maanta xarunta madaxtooyada Kenya ayaa waxaa uu dhexmaray Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyanta iyo Madaxweynaha Puntland Dr. Abdirahmaan Faroole oo ay wehliyaan Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Dr. Cumar Abdirashiid iyo xildhibaan Prof. Maxamed Abdi Gaandi.

1Madaxweynaha Puntland ayaa Madaxweynaha Kenya warbixin ka siiyey arrimaha Somalia halka ay marayaan, Dastuurka cusub ee Somalia, islamarkaana waxaa u jeediyey Uhuru Kenyatta aragtida Dastuuriga ah Puntland ka qabto dhismaha Jubbaland state.

Madaxweynaha Puntland oo salaamaya Uhuru Kenyatta

Madaxweynaha Puntland oo salaamaya Uhuru Kenyatta

Madaxweynaha Kenya ayaa dhinaciisa warbixin ka bixiyey howlaha dowladiisa ka wado Somalia iyo qaybta ay ciidamadiisa ka qaateen la dagaalanka Al-shabaab.

Madaxweynaha oo salamaya W, Arrimaha Dibada Kenya

Madaxweynaha oo salamaya W, Arrimaha Dibada Kenya

Uhuru Kenta ayaa aad u soo dhoweyey kaalinta dowlada Puntland iyo shacabkeedu ka qaataan sida Somalia la isugu keeni lahaa iyo xoojinta nidaamka Federaalka ah isaga oo hoosta ka xariiqey iney muqadas tahay ku dhaqanka Dastuurka Somalia.

Labada Madaxweyne oo salaan ka qaadanaya ciidanka Madaxtooyada Kenya

2 Labada Madaxweyne

Xubnaha kulanka kala qeyb galay labada Madaxweyne

Xubnaha kulanka kala qeyb galay labada Madaxweyne

Puntlandpost.com
Nairobi Kenya

PDRC: JOB VACANCY RESEARCHER for the field of the Security Rule of Law (Law & Order)

$
0
0

Puntland Development Research Center (PDRC) which is a local research organization based in Garowe, is seeking to engage 1 researcher for the field of the Security Rule of Law (Law & Order) with the following qualifications:

PDRC Logo

University degree in social sciences and related fields (

  • governance and security)
  • Ample experience in research activities
  • Fluent in English with good, professional writing skills
  • Computer literate
  • Good in public relations and team work
  • Willing to work wherever necessary in Puntland, including remote areas

The successful candidate will implement, among others, the following tasks:

  • Organize and conduct workshops, seminars or forums and discussion meetings

  • Prepare discussion papers for workshop, seminars and forums

  • Produce analytical reports and research papers on assigned tasks

  • Facilitate workshop proceedings and produce outputs

  • Review secondary data and available literature

  • Undertake any other assignment that PDRC Director or Program Coordinator deems necessary

Interested candidates may send or submit their applications with copies of supporting documents to PDRC office, in Garowe or below email: fmuufo@gmail.com

Detailed job description (TOR) will be worked out for successful candidates.

  • Submission of applications expires by 12 a. m. on June 13, 2013
  • Only short listed applicants will be notified
  • The interview will be conducted in English
  • Computer test is a requirement for proceeding with the rest of the interview.
  • Successful candidates will take up job position with a probation period of three (3) months.
  • Qualified women are encouraged to apply.

 

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUN

$
0
0

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUN. Isbitaal ku yaal magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota, USA waxaa ku geeryootey Jannatul Fardowsa Allah aka waraabiye Marxuuma Maryam Muusse Guul (Maryam Mooses) oo ahayd xaaskii Janan Maxammed Abshir Muusse oo ahayd Hooyo Qaranka Soomaaliyeed taariikh balaaran kuleh.

tacsiMarxuumada ayaa ahaydhooyada toddoba ilmihiisa ah: Madiina, Deeqa, Cabdulraxiim, Cabdullaahi, Axmad, Faaduma iyo Khadiija. Qaraabada iyo Ummada Soomaaliyeedna waxay Marxuumadda Eebbe uga baryayaan Jannatul Fardowsa in uu geeyo, Maxammed Abshir Muusse iyo dhammaan ilmaha ay ka tagtay in uu Samir iyo Iimaan ka siiyo. Aamiin:: Aamiin.

Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland, Oo Qaabiley Ururka Iftiimin Lobby

$
0
0

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Gen C/samad Cali Shire ayaa xafiiskiisa Madaxtooyada Bosaso ku qaabiley wakiil ka socda Ururka Iftiimin Lobby oo ah urur dhawaan qurbo joog reer Puntland ah ku dhawaaqeen dhisitaankiisa.

Sakariye Isticmaar oo ah wakiilka Ururka ee Madaxweyne ku xigeenku la kulmey ayaa ugu horeyntii waxa uu gudoonsiiyey Gen C/samad cali shire Profile ama documentiga ururka Iftiimin Lobby ujeedadiisa ka xog waramaya.

Wuxuuna ugu horeyntii sharaxaad kooban ka bixiyey Mudane Sakariye yoolka iyo hadafka ururka Iftiimin, isagoo sheegey in uu yahay mid ku yimid dhismihiisa ka dib markii ay arkeen qurbo joogta Puntland in magaca Somalia caalamka si fowdo ah kooxo ku qaraabanaya ay uga qaraabtaan, iyadoo aanan jirin si xaq ah oo dadka Soomaaliyeed aan loo soo gaarsiin deeqaha beesha caalamka magaca somalia looga soo qaado.

Ururka Iftiimin ayuu sheegey sakariye in uu abaari doono xafiisyo badan oo ku yaal dunida taageerana siiya Somalia, kuwaas oo ay isku xil qaameen inay gaarsiiyaan xog dhabtaa ee wadanka iyo sida ay ku gaaraan deeqaha loo soo marsiiyo Dowlada Federalka.

Sakariye wuxuu sheegey in dadka reer Puntland ku dulman yihiin Dowlada Soomaaliya oo uu sheegey inay ku koobto deeqaha magaca Somalia kusoo qaadato Muqdisho oo kaliya, taasna ay gurmad ku aadan ururkoodu ka sameyn doono sida ugu dhakhsaha badan.

IMG_1082Sakaiye Isticmaar ayaa Madaxweyne Ku xigeen Abdisamad, ka codsadey in dadka Puntland ee Dalka Dibbadisa lagu soo xiro Puntland si maalgashi heer sare ah looga hirgasho Puntland.

Ugu danbeyntiina  Gen Abdisamad, ayaa soo dhoweeyay Ururka Iftiimin, isagoo bogaadiyay doorka Ururka Iyo Waxqabadkooda ey durba bilaabeen, waxana uu xusey Bulshada ay kasoo baxaan dhalinyaro u istaagta danaha wadanka una kacda Bulshada Soomaaliyeed ee aan codka laheyn Iyo kuwa la duud siiyay xuquuqaha faraha badan.

Gen Abdisamad, waxa uu yiri “Soomaaliya Cadaalad baa deeqda waxana loo baahan yahay in laga shaqeeyo sidii loo heli lahaa Nidaam Cadaalad Iyo Sinaan ku dhisan.

IMG_1084 Gen Abdisamad, waxa ugu baaqey dadka Soomaaliyeed gaar ahaan Reer Puntland iney la shaqeeyaan Ururka Iftiimin Lobby oo noqon doona Urur Ummada Soomaaliyeed wax badan u qaban doona, isla markaana laga filayo inuu buuxiyo Baahiyo badan oo jirta.

Puntlandpost.com


TACSI: Ku socota Gen. Maxamed Abshir Muuse ,oo xaaskiisa ay ku geeriyootay dalka Maraykanka

$
0
0

Waxaan halkaan Tacsi murugo leh uga diraynaa Gen. Maxamed Abshir Muuse oo Xaaskiisa Marxuumad Maryam Muusse Guul (Maryam Mooses)  ay  ku geeriyootay dalka Maraykanka , gaar ahaan Minneapolis ee gobolka Minnesota.

Inaa Lilaahi Wa inaa Ileyhi raajicuun.

Inaa Lilaahi Wa inaa Ileyhi raajicuun.

Waxaan kale oo halkaan tasci gaar ah uga diraynaa  dhammaan Reer  Abshir Muuse  iyo dhamaan Ilmo  Gen. Maxamed Abshir Muuse , anagoo uga tacsiyeynaynaa geerida ku timi hoooyo  Maryam Muusse Guul (Maryam Mooses), waxaana illaahay uga baryeynaa inuu naxariistii jano ka waraabiyo,   samir iyo Iimaana ka siiyo Aamiin:: Aamiin:: Aamiin.

Waxaa tacsidan diraya dadka kala ah:

1. Faarax Saciid Aw yuusuf

2.  Isniino Saciid Aw yuusuf

3. Faarax Ciise Saciid

4. Nuurto Sheekh Xasan

5. Shamso Sheekh Xasan

6. Cabdi Sheekh Xasan

7. Farxiyo Sheekh Xasan

8.  Shukri Sheekh Xasan

9. Ayaan Sheekh Xasan

10. Ijaabo Sheekh Xasan

9. Canab Faarax  Saciid

11- Shugri Faarax Saciid

12. Maryan Faarax Saciid

13. C/salaan Yuusuf Teetano iyo xaaskiisa Sahro Maxamed Xubeero

14. C/kariin Ciise Ilyare iyo Xaaskiisa Khadiijo Sheekh Maxamuud

15. Jaamac Faarax Cali iyo Xaaskiisa Marwo Xaliimo Maxamuud Xasan Waranweyne

 

Puntlandpost.com

 

 

 

 

 

 

Garoowe: Dhalinyaro shahaadooyin lagu gudoonsiiyey,Sawiro.

$
0
0

Garoowe: (pp)- Munaasabad shahaadooyin lagu gudoonsiinayey arday dhameystay barnaamijyo ku saabsan ganacsiga, kana soo baxay jaamacadaha PSU iyo East Africa ayaa lagu qabtey magaalada Garowe, waxaana kasoo qeyb galay munaasabada masuuliyiin ka socotay, Rugta Ganacsiga ,Ganacsato iyo Xubno ka socdey Ururada.

6Maxamud Axmed Faarax (Qawdhan) oo faahfaahin kooban ka bixiyey barnaamijka ayaa sheegey in uu la xiriiro mid shaqo abuur ah oo dhalinyarada ganacsatada looga raadinayo fursado shaqo.

Mr Qawdhan waxa uu intaas ku darey in barnaamijka lagu tabo barayey ilaa 1000 qof oo ganacsato ah balse ay kusoo bedeleen 300 oo ka mid ah ardayda soo dhameysatey waxbarashada ee kasoo baxay jaamacadaha.

2Qaar ka mid ah dadkii kasoo qeyb galay barnaamijka shaqo abuur oo munaasabada ka hadlay ayaa sheegey inay kusoo barteen ilaa iyo 9 mowduuc.

5Maxamuud Ismaaciil Aw-Cismaan oo ah maamulaha shirkada Golis ee Gobolka Nugaal oo ku hadlay magaca ganacsatada ayaa sheegay inay iyagu ka shirkad ahaan ay soo dhawaynayaan ardaydan ,islamarkaana ay shaqo u raadinayaan waxana uu kula dardaarmay inay la yimaadaan hufnaan,karti.waxqabad iyo dadaal.

1 4 3Nagala soo xiriir : Puntlandpost.pp@gmail.com

Puntlandpost.com

Xafiiska Garowe.

 

Kismaayo: “Axmed Madoobe ma joogo Nairobi, Kismaayo ayuu joogaa” Madaxtooyada Jubaland.

$
0
0

Kismaayo: (pp)- Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa kasoo laabtey sida ay sheegayaan ilo wareedyo ka tirsan Madaxtooyada Kismaayo kulan uu kula galey magaalada Lamu ee dalka Kenya saraakiil sare oo ka tirsan KDF ( Kenyan defence Force) , wuxuuna ka dib kulankaas dib ugu laabtey Kismaayo.

Warbaahinta Somalida ayaa qaarkood waxay soo daabaceen warar ku saabsan in Madaxweynaha Jubaland uu aadey Nairobi, balse Puntlandpost oo xiriiro kala duwan la sameysay saraakiisha madaxtooyada Maamulka Jubaland ayay noo xaqiijiyeen Madaxweyne Axmed maxamed Islaam uu haatan ku sugan yahay Kismaayo.

Horey waxaa u jirtey in Madaxweynaha Jubaland lagu waday inuu gaaro Nairobi, balse lama garan karo qorshihiisii hore in uu ku yimid isbedel iyo in kale , iyadoona warar madax banaan ay sheegayaan laga yaabe maalmaha soo socda oo ay wafti uu hogaaminayo Axmed Madoobe u duulaan Nairobi.

Axmed Madoobe oo loo doortey Madaxweynaha Jubaland ayaa wali maamulkiisu uu yahay mid aan u dhameystirnayn golihii xukuumada iyo Baarlamanka , iyadoona Bulshada degan Gobolada Jubaland ay ka dhur sugayaan dhameystirka maamulka oo xil weyn uu ka saaran yahay odoyaasha beelaha goboladaas oo soo dooran doona xubnaha xillibaanada iyo dhismaha golaha wasiirada oo laga sugayo Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Jubaland .

Puntlandpost.com

 

Maxaa Yuusuf Garaad iska bedelay?? (Warbixin)

$
0
0

Yuusuf Garaad Cumar ayaa horay uga mid ahaan jiray raga soomaalida ah oo hab qabiil uga qayb qaatay siyaasada cakiran ee Soomaaliya,iyo  ku lug lahaanshaha arrimaha siyaasada, ayaa dacwo lagu soo oogay kaddib  uga fariistay Idaacada BBC-da , kaddib markii uu dhumiyey dhex-dhexaadnimadii iyo magacii beri samaadkii lagu yaqiin BBC-da.

UhuroYuusuf Gaarraad  ayaa bog lagu magaaco Somalifederal.blog  ku qoray maqaal yar uu kula talinayo madaxda DF ee Soomaaliya , isagoo yiri “Inta ay goori goor tahay, Madaxweyne Xasan Shiikh iyo Ra’iisal Wasaare Saacid Shirdoon waa in ay gartaan in aanay ku sii socon karin sida ay hadda ku socdaan” Waxaana Yuusuf garaad oo oraahdiisa ku soo qaatay  Sawir State house-ka  Kenya lagu qaabilay Madaxweynaha Puntland iyo Wafdi uu hogaaminayey, waxaana dhicyada ka taagnaa Madaxweynaha Kenya iyo Prof. Gaandi , Wasiirka arrimaha Dibada kenya , Raiisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar C/rashiid iyo Wasiirka arrimaha Guddaha Puntland, Gen. C/laahi Jaamac Ilkajiir.

Yuusuf Garaad

Yuusuf Garaad

Yuusuf Garaad ayaa talada u siiyey Saacid iyo Xasan ay tahay in inta aysan la tegin dabaylaha siyaasadeed ee geeska Afrikada Bari,  in ay toobad keenaan oo ay shacabka Soomaaliyeed ugu shaqeeyaan si wanaagsan ayna cadaalada ay dhowrayaan.

Siyaasada madaxweyne Xasan ee qariban ayaa waxay keentay in madaxweynaha Puntland uu  geed gaaban iyo mid dheer u fuulo ka hortaga siyaasada qarigan uu Xasan Sheekh uga soo horjeedo Siyaasada federaalka ee dalka Soomaaliya loo dejiyey, wuxuuna Madaxweyne Faroole arrinkaas ku helay taageero buuxda , kaddib markii qoraalo cadayn ah uu u gudbiyey Beesha Caaalamka.

Sikastaba, Yuusuf Garaad ayaa loo maleeyaa inuu ka aragti dheer yahay Xasan Sheekh Maxamuud Culusow , waxaana maqaalka Yuusuf Garaad  laga dha-dhansan karaa in Madaxda DF ee Soomaaliya ay soo de dedejiyeen in laga horyimaado , taas oo keentay is xulufaysi siyaasadeed oo adag oo ka yimi Dhinacyadii uu fogeynayey ee Puntland iyo Jubbaland  oo uu isku dayey inuu qaribo, isagoo u maraya Baarlamaan aan garan shaqadooda waxa ay tahay iyo kooxo kale oo aragti yar oo aan waxba kala socon Saaxada siyaasada Caalamka iyo Soomaaliya sida ay u wada shaqayn karaan  iyo baahida ay shacabka Soomaaliyeed ay u qabaan dowlad qaran oo soo celisa qaranimnadii laga boordigey QAIILKA.

Maxamed Jaanac

Nairibim Kenya

Aragtida dadweynaha Puntlandppost masuul kama aha

Muqdisho: DF Somalia oo soo bandhigtey Meydadka 10 qof oo ay sheegtey inay ka tirsan yihiin Alshabaab,Sawiro.

$
0
0

Muqdisho: (pp)- Saraakiisha Ciidamada DF Somalia ayaa soo bandhigey Sawiro iyo Muuqaalo muujinaya meydka niman ku labisan dareeska ciidamada oo ay sheegeen saraakiisha DF Somalia inay ka tirsanaayeen Kooxda Alshabab oo lagu laayey howl galo ciidamada Dowlada Somalia ka sameeyeen wadada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo.

 

4Saraakiisha soo bandhigay sawirada meydadka la sheegey Alshabab inay ka tirsan yihiin ayaa sheegey in howlgalka ciidanku sameeyey uu ahaa mid maalmihii lasoo dhaafey u soconayey si is dabo joog ah, iyagoona guulo ka sheegtey saraakiisha dowlada federaalku inay kasoo hooyeen maleeshiyaad ka tirsan ururka Alshabab oo intii howl-galku socdey isku faro saareen ciidamada dowlada.

2Saraakiishu waxay intaas ku dareen inay gaarayaan ilaa 10 ruux dadka sawiradooda ay soo bandhigeen , kuwaas oo ay sheegeen in lagu laayey intii uu socdey howl-galka ay sameynayeen ciidamada DF Somalia kula dagaalamayeen ururka Alshabab maalmihii lasoo dhaafey.

7“Kooxda Argagixisadu sida aad u jeedaan-ba waxay xiran yihiin dareeskii ciidanka lagu yaqaaney, waxayna taasi uga gol leeyihiin isku ekeysiinta ciidamada qalabka si ay shacabka ugu dhibaateeyaan dareeska, ka dibna eeda ay u saaraan ciidamada suga amaanka dadkooda , islamarkaana difaaca ciidooda, lana yaabi meyno taas waa dhaqan lagu qayaan argagixisadu inay isaga horkeento bulshada iyo dowladooda” ayuu yiri mid ka mid ah saraakiishii howlgalka ka warbixineysay.

5Howl-galka ciidamada DF Somalia ka wadaan deegaano ku yaal bali doogle iyo yaaqbari weyne ayay sheegeen saraakiisha hogaamineysa inuu wali socdo oo ay kaga gun gaari doonaan soo afjarida kooxda alshabab , iyagoona intaas ku darey intii howl-galku socdey in uu jirey hub iyo saanado ay ciidamadu kooxdaasi kala wareegeen.

Mudooyinkii ugu danbeeyey ayaa dadka shacabka ee u kala safra wadada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo waxay ka cabanayeen dhibaatooyin ay kala kulmayeen kooxdo ku labisan dareeska ciidamada Dowlada.

6 1 3Puntlandpost.com

 

TACSI: Ku socota, Gen. Maxamed Abshir Muuse

$
0
0

Annagoo ah dadka hoos ku qoaran waxaan tacsi u direynaa General Mohamed Abshir Muuse , caruurtisa iyo Reer Moses geerida Ku timi Marxuumad Maryam Moses Guul oo ahyad xaaska Generaalka kun geeriyootey Minesota , USA. Waxaan ilaahay uga baryeynaa inuu Maryam Jannadii ka waraabiyo Samir na ka siiyo GeneraL Abshir, caruurtiisa iyo dhamman ehelada dhinac kasta.

Inaa Lilaahi Wa inaa Ileyhi raajicuun.

Inaa Lilaahi Wa inaa Ileyhi raajicuun.

1. Diiriye Musse Mataan
2. Yusuf Cilm Mataan
3. Eng . Mohamed Diiriye Laalac
4. Ali Hayaan Mohamed Cabdirahmaan iyo Xaasikiisa Zaynab Cali-Birjig
5. Dr. Nasir Cuuke iyo xaaskiisa Istanbul Abbaas
6. Hassan Ciise Cali-ilyare iyo xaasikisa Amaal Cali-Hayaan
7. Abdiftaah Yusuf Cilmi Mataan iyo Xaaskisa Samira Osman Gureye
8. Ali Cisman Cuuke iyo Xaasliisa Haboon Said Ahmd
9. Osman Said Jibrill iyo Xaaskiisa Dahabo Diiriye Muse Mataan
10. Burhan Cisman Cuuke iyo Xaaskiisa Ayan Cabdullahi Sh Nur
11. Mohamed Hassan Cabdirahman Iyo Xaaskiisa Hodan Cuuke
12.Abdullahi Isse Cali Iyo Xaaskiisa Aamina Ahmed
13. Abdirisaq Mohamed Elmi iyo Xaaskiisa Shurkri Ciise Muse
14. Muuse Hassan Draman iyo Xaskiisa Luul Feerayare
15. Bshiir Mohamed Cabdullahi iyo Xaaskiisa Maryam Abshir Farah
16. Cali Xaaji Cabdulle iyo Xaaskiisa Maymun Ahmed

Puntlandpost.com

WAR DEG DEG AH: Jubbaland oo uga baaqday C/xakiin Xaaji Max’uud Fiqi in 48 saacadood gudahood uu uga baxo magaalada Kismaayo (Warbixin)

$
0
0

Kismaayo: (pp)-  Warar sugan oo naga soo gaaraya Madaxtooyada Jubbaland ayaa sheegaya in  Wasiirka gaashaandhiga DF ee Soomaaliya C/xakiin Xaaji Max’uud Fiqi loogu baaqay in 48 saacadood guddahood uu uga baxo magaalada Kismaayo. Waqtiga loo qabtay inuu Wasiirku uu uga baxo magaalada Kismaayo iyo sababta keenaysa ayaa la sheegayaa kaddib markii la ogaaday in uu ka wado magaalada Kismaayo qas iyo kala fur-fur , kaddibna loogu qaabay inuu magaalada uga baxo 48 saacadood gudahood.

Fiqi oo laga musaafurinayo Kismaayo

Fiqi oo laga musaafurinayo Kismaayo

Wararka naga soo gaaraya madaxtooyada Jubbaland ayaa intaas ku daraya in Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Jubbaland ay ku howlan yihiin soo saarida baaq cadayna sababaha keentay in Wasiir gaashaandhiga dib loogu celiyo magaalada Muqdisho, iyagoo dhanka kale faah-haahin doona Waraysi uu siiyey dhowr casho ka hor laanta Warfaafinta VOA oo uu ka sheegay Warar been abuur ah oo sheegaya in Dowlada Federaalka, shacabka Kismaayo ay aad uga taageersan yihiin , iyadoo wasiirku uu ogyahay in shacabka Jubbooyinka ay kalsoonida kala noqdeen DF ee Soomaaliya , kaddib markii ay u muujisay nacab, kuna diidan yihiin rabitaankooda.

Sikastaba, waxaa laga wardhowrayaa fulitaanka amarka la siiyey Wasiir Fiqi iyo inuu magaalada Kismaayo uga baxo 48 saacadood gudahood.

Puntlandpost, Kismaayo, Jubbaland


OGEYSIIS: jaaliyadda puntland community organisation ee Gothenburg – Sweden oo qabanaysa bandhigga buugaagta iyo dhaqanka codka halabuurka.

$
0
0

Ogeysiis: (pp)-  Jaaliyadda Puntland Community Organisation ee Gothenburg, ayaa waxay qabanaysaa bandhigga buugaagta iyo dhaqanka codka halabuurka , waxaana lagu qabanayaa magaalada Gothenburg, taariikhdu marka ay tahay 7-9 juni 2013-ka .

Codka Hal-abuurka 2013

Puntlandpost.com

Sirta kadambeysa in Madaxweynaha, Wasiiru-Dowlaha Madaxtooyada & Wasiirka Arrimaha Gudaha ay kasoo horjeestaan Jubba-Land (Warbixin)

$
0
0

Inta ugu badan shacabka Soomaaliyeed waxay u heystaan in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Wasiirka ArrimahaGudaha & Amniga Qaranka Mudane C/kariim Xuseen Guuleed & Wasiirka ugu awooda badan Dalka islamarkaana ah Hogaamiyaha Ruuxiga ee Xarakada Damul-Jadiid waa Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada Mudane Faarax C/qaadir, in ay u diidayaan maamulka looga dhawaaqey Kismaayo iyagoo iska dhigaya in ay ilaalinayaan Dastuurka & Qaran-nimada Soomaaliyeed, laakiin Xaalku sidaas maahee , waxaa la diidayaa in deegaanada Sh/hoose ee la doonayo in la dhaxlo in lagu qariyo, sababtoo ah haddii ay dowladu aqbasho maamul goboleedka Jubbaland, waxaa bilaabmaya isla markiiba in shacabka Sh/hoose ay dhistaan iyagana maamul ay u madax banaan yihiin sida Jubbaland, marka si taas looga hortago , una sii jiitamo dhul balaarsiga Sh/hoose waa in la furin jidka maamul goboleedka Jubbaland lagu aqoonsanayo.

3_APR_2013 copy


Sirta dhabta ah ee ka dambeysa in la diido Jubbaland ayaa ah inaan shabeelada hoose aysan daba-gelin Jubbaland,  hadaba maxaa kala socotaa in Salaadiinta, waxgaradka, Xildhibaanada, Siyaasiyiinta, Culumaa’udiinka & Haweenka Sh/hoose ay soo dhisteen Maamul ka tarjumaya Dadka Deegaanka islamarkaana u geeyeen Wasiirka Arrimaha Gudaha & Kusimaha Madaxweynaha Gudoomiye Jawaari, waxaana jirta oo shaacbaxaysa in guddoomiye jawaari loogu baaqay  inuu arrimahan faraha kala baxo , loona caga-jugleeyey, isaga iyo C/xakiin Fiqi laguna wargeliyey inay faraha kala baxaan arrinta Sh/hoose , arrimahan waxay uur ku taalo ku noqotey Bulshoweynta ku dhaqan Shabeelada hoose oo ogaadey in la rabo inaan wax maamul oo xor ah aan laga  dhisin Deegaankooda ayaan waxaa jecelnahay inaan dadka usoo gudbino  inta Degmo oo iyo dad matala toona uu Gobalku ka ko, inta Dowlada ka joogto, inta Al-shabaab joogto, Gobalka Sh/hoose wuxuu ka koobanyahay 8 Degmo oo kala ah

- Afgooy

- Wanleweyn

- Marko

- Awdheegle

- Qoryooley

- Baraawe

- Kurtunwaarey

- Sablaale

Afarta Degmo ee kore waxaa heysta Dowlada, Afarta Dambe-na waxaa jooga Al-Shabaab, hadaba Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah maxaa looga dhisi waayey maamul ku meel-gaar ah , sida kan Bay, iyo kan Hiiraan oo kale? waxaa kaloo la isweydiinayaa maxaa loo tixgelin la’yahay rabitaanka  Salaadiinta, Waxgaradka, Xildhibaanada, Siyaasiyiinta, Culumaa’udiinka & Haweenka Sh/hoose ay soo dhisteen Maamul ka tarjumaya Dadka Deegaanka? Hadaba hoos ka akhriso xubnaha Maamulka oo sida ugu Cadaalada xun Aduunka loo dhisey Casrigaan waa dhanka Sadbursiga’e, uuna difaacayo C/kariim Xuseen Guuleed oo Shabeelaha Hoose looga yaqaan labo naaneys oo cajiib ah “New Jeneraal Ceydiid” ama “Kadare”!

F.g: inkastoo ay ku jiraan kuwo waxbartey oo u qalma jagooyin ka sareeya kuwa ay hayaan, laakiin kuwaas waa fara kutiris, waana kuwa culeyska & Mooryaan-nimada lagu hayo.

Hadal kaan daliil loo helayn waa dufiyo beene”

4_MAY_2013

Magaca Qabiilka Degmada

  1. C/qaadir Sh. Max’dNuur (Garre/ Digil&Mirifle) Qoryooley Guddoomiyaha Gobalka

  2. C/laahi Muuse Abuukar (Biimaal/Dir Marka Guddoomiye kuxigeenka Siyaasadda

  3. Axmad CumarMax’d (Ceyr, H/gidir, Hawie) Guriceel Guddoomiye kuxigeenka Nabadgelyada

  4. C/fataax C/lahi Yuusuf (5-ta Calemood/Digil&Mirifle) Wanleweyn Guddoomiye kuxigeenka Dhaqaalaha

  5. Cumar Max’ud Cilmi (Murusade/ Hawie) Ceelbuur Guddoomiye kuxigeenka arrimaha Bulshada

  6. Yuusuf Max’d Cabdi (Ceyr,H/gidir/ Hawie) Dhuusamareeb Guddoomiyaha Samafalka Gobalka

  7. Cusmaan Maxamuud (Abgaal/Hawie) Biyo cade Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Samafalka Gobalka

  8. C/laahi Daahir (Murusade/Hawie) Wabxo Guddoomiye kuxigeenka 2aad ee Samafalka Gobalka

  9. C/laahi Cabdi Cumar (Wacdaan/ Hawie) Lafoole Xoghayaha Gobalka

  10. C/laahi Cabdi Faarax (Ceyr, H/gidir, Hawie) Dhuusamareeb Agaasimaha Dhulbixinta Gobalka

  11. Ikraam Axmad Gacal (Murusade/Hawie) Galhareeri Guddoomiyaha Ururka Haweenka Gobalka

  12. C/naasir Diini Raage (Ceyr, H/gidir, Hawie) Guriceel isuduwaha Wasaarada Maaliyadda ee Gobalka Sh/hoose,

F.G: ninkaan hadda waxaa lagu badaley xaaska nin Majeerteeen, maadaama wasiirka cusub ee maaliyadda ay yihiin qaraabo sokeeye, Magaceeda waa Salaado Max’ed Cusmaan, waana Murusade/Hawiye.

  1. Max’d Cali Muumin (Salemaan, H/gidir, Hawie) Cadaado Xisaabiyaha guud eeGobalka

  2. C/qaadir Faarax (Ceyr, H/gidir, Hawie) Guriceel isuduwaha wasaaradda Beeraha

  3. Cabdi Yare (Ceyr, H/gidir, Hawie) Guriceel Maareeyaha Dhulbixinta Gobalka.

Title-da badan kood waa kuwo aan sax aheyn balse lagu doonayo in lagu dhaco hantida Dadka Masaakiinta ah, badankood waxay wataan Maleeshiyo Beeshooda waxaana jidadka ay dhigtaan isbaarooyin, Dumarkana waa Kufsadaan marka ay rabaan , arrinkaas oo ka soo horjeeda Shareecada Islaamka , kuwaasna ay yihiin (Qaadicil-dariiq).

Isweydii imisa qof ayaa mataleysa Degmooyinkii aan kor kusoo sheegey? Kuwa kalena xagee matalaan?? waxaa la yaab leh in dowlada Madaxweynaha aysan ka hadlin dhibaatooyinka rasmiga ah iyo sida dadka dhulkoodii loo boobay, waxayna ku qarinayaan arrinta jubbooyinka, saan looga hadlin deegaanada boobka lagu haysto.

Waxaana maqaalkan kusoo xiraynaa xattaa haday doonayaan inay maamulo iyaga tageersan ay soo dhisaan , ma dhisi karaa , oo goobaha qaarkood iyo degmooyinka qaarkood waa sidii loo qabsaday 1991-dii, waxaana u taliya maleeshiyooyinkii Caydiid iyo wixii ka danbeeyey.

Filo, maqaalo kale oo ka hadlaaya dhacdooyinka foosha xun ee ka jira Sh/hoose.

Puntlandpost waa u xor dadka soomaaliyeed ee tirsanaya dhibaatada  iyo cadaalad darada, in ay kusoo gudbiyaan ra’yigooda iyo dhibaatooyinka ka jira deegaanadooda.

Puntlandpost.com

WAR DEG DEG AH: Madaxweynaha Jubbaland oo Nairobi u duulaya Mardhow, lana kulmaya Xasan Sheekh & Madaxweynaha Puntland(Warbixin)

$
0
0

War deg deg ah: (pp)- Warar hordhac oo naga soo gaaray gudaha magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in hada Garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo uu ku sugan yahay Madaxweynaha Jubbaland State iyo Wafdi uu hogaaminayo, iyagoo saacadaha soo socda gaaraya Caasimada dalka Kenya ee Nairobi.

Madaxweynaha Jubbaland iyo Wefdi uu hogaaminayo oo mardhow u dhoofaya Nairobi

Madaxweynaha Jubbaland iyo Wefdi uu hogaaminayo oo mardhow u dhoofaya Nairobi

Wararka ayaa intaas ku daraya in Xasan Sheekh Madaxweynaha Puntland iyo dowlada Kenya uu ka socday inay dhex dhexaadiyaan Madaxda Jubbaland State iyo isaga , kaddib markii uu ka soo horjeestay dhismaha maamulka Jubbaland oo dhidibada loo taagay 15 may 2013-ka.

Safarka Madaxweynaha Jubbaland ee ku aadan Nairobi , kala soco Puntlandpost.com, waqti waba .

Garoowe: Idaacadda Dowlada Puntland oo la howl galinayo Sabtida soo socota,Sawiro.

$
0
0

Xarunta PDRC ee magaalada Garowe ayaa maanta 06 June,2013 lagu qabtay kulan lagu daahfurayay Idaacada Puntland oo dhowaan madaxweynuhu si rasmi ah u furay.waxana ka soo qaybgalay Maamulka warbaahinta Puntland ,suxufiyiin kala duwan iyo marti sharaf kale.

 

Masuuliyiinta kasoo qeyb gashey furitanka Idaacada

Masuuliyiinta kasoo qeyb gashey furitanka Idaacada

Bilowgii kulanka ayaa waxa ka hadlay Agaasimaha guud ee warbaahinta dowlada Puntland Axmad Maxamed Cali ”Kismayo” oo sheegay inay maalmihii ugu danbeeyay ku hawlanaayeen diyaarinta iyo qoriska jadwalka idaacada iyo nidaamkii loo howl gali lahaa.

Irbad , Sooyaal Wariyaasha Idaacadda

Irbad , Sooyaal Wariyaasha Idaacadda

Wuxuna shaaca ka qaaday Axmad Kismayo in 08 June,2013 bilaabi doonaan si toos ah baahinta barnaamijyada idaacadda ,isagoona raaciyay inay diyaarsanyihin wariyaashii ka howl gali lahaa. ”Mowjada Radio Puntland laga dhagaysanayo maalintii waa SW1 24.4 Mitra-Band habeenkiina waxa laga dhagaysanayaa SW2 49 Mitra-Band,raadiyahaan waxa uu ku howlgalayaa siyaasada Puntland ,wuxuuna dhowrayaa amaanka,horumarka iyo danta guud ee shacabka Puntland”Ayuu yiri Kismayo.

Gudoomiyaha Machadka Gateway Tarabi Jaamac oo ka mid ahaa dadkii ka soo qayb galay munaasibada ayaa sheegay inay farxad galinayso in Puntland warbaahinteda si toos ah hawada u gasho,wuxuna sidoo kale kula dardaarmay mamulka iyo wariyaasha raadiyaha inay xogta si dhab ah oo dhamaystiran umadda ugu soo jeediyaan islamarkaassna aysan dhinac u xaglin.

Abshir Abdulahi iyo Abdifatah Yusuf Dheere

Abshir Abdulahi iyo Abdifatah Yusuf Dheere

Shacabka Puntland ayaa soo dhaweeyay warbaahinta ay dowlada Puntland yeelatay,sida uu sheegayna Agaasimaha warbaahinta waxaa lagu rajo waynyahay bil ka dib in hawada uu soo gali doono Telefishinka Puntland.

Daawo Sawiro Kale.

Wariyaasha iyo Maamulka Warbaahinta Puntland iyo Masuuliyiin Xaflada kala soo qeyb gashey

Wariyaasha iyo Maamulka Warbaahinta Puntland iyo Masuuliyiin Xaflada kala soo qeyb gashey

Mahad Gudal, Daarood Ismaciil,Sucdi iyo Cqafaar

Mahad Gudal, Daarood Ismaciil,Sucdi iyo Cqafaar

Ibraahim Wadani

Ibraahim Wadani

Axmed Kismayo Agaasimaha Warbaahinta

Axmed Kismayo Agaasimaha Warbaahinta

Puntlandpost.com

Garoowe.

Hay’ada USAID oo Dawlada Hoose ee Degmada Baargaal iyo Bulshada Deegaanka Ku wareejisay Dhismayaal Cusub iyo Qalab Xafiisyo (Sawiro)

$
0
0

Hay’ada dawlada maraykanka u qaabilsan kaalmada dibadda ee USAID ayaa maantay Dhismayaal iyo xafiisyo qalabaysan ku wareejisay maamulka Dawlada Hoose ee Degmada Baargaal iyo Bulshaada Deegaanka kuwaasi oo ay maal gelisay hay’ada USAID isla markaana ay fulisay hay’ada DAI.

DSC04117Munaasabad loo sameeyay wareejinta iyo Furitaanka dhismayaasha cusub iyo Qalabka kala duwan ee xafiisyada oo lagu qabtay xarunta Dhismaha Cusub ee Dawlada Hoose ayaa waxaa ka soo qayb gaalay Gudoomiyaha Degmada Baargaal Axmed Maxamuud Yuusuf ( Axmed Guray ) ,Nabadoon Axmed Salaad C/raxmaan , ururka Hooyooyina , Ururka Dhaliyarada , ganacsato , Culamaaudiin iyo masuuliyiin ka kala socday hay’adaha DIA, USAID, iyo marti sharaf kale.
DSC03942Gudoomiyaha Degmada Baargaal Axmed Maxamuud Yuusuf ( Axmed Guray ) oo munaasabadaasi hadal ka jeediyay ayaa u mahad naqay hay’ada USAID wax-qabadka kala duwan ee ay soo gaarsiisay Bulshada Deegaanka , waxaanu tilmaamay in hay’ada USAID ay tahay hay’adii waxqabadka ugu badanaa soo gaarsiisa Bulshada Deegaanka

DSC03943Waxaanu intaasi ku daray gudoomiyuhu in hawlahan ay hay’ada USAID ka wado deegaanka ay wax badan ka caawin doonaan Bulshada Deegaanka dhinacyada aminiga , waxbarashada iyo caafimaadka maadaama ay mashaariicdan ay ku jiraan iskuulo , xarumo caafimaad ,xarumo dawladeed ,Wadooyin , iyo dhismayaal kale oo bulshadu u baahantahay waxaanu shaqaalaha Dawlada Hoose kula dar-daarmay in ay ilaaliyaan qalabkan loogu deeqay isla markaana ay sida loogu talo galay uga faa’iidaystaan.

DSC03964Waxaa kale oo Isna Kahadlay Munaasabadaas Mudane Axmed siciid Aw Nuur oo ka socday Hay’ada DIA , Asagoo warbixin Dheer oo ku saabsan Mashaariicdaas ka jeediyay madasha.

DSC03970Mudane Axmed siciid Nuur ayaa intaas ku daray in ay dadaal dheer u galeen sidii loo fulin lahaa mashaaricdaas , tan iyo markii looga dhawaaqay shirkii jabuuti ,ayadoo ay soo wajaheen caqabooyin badan sidii burcadii deegaanka ka jirtay iyo kuwo kale oo badan

DSC03973Waxaa Kale oo madasha lagu soo bandhigay barnaamajyo lagu wacyigalinaayo dhalinyarada deegaanka oo loogu muujinaayo ahamiyada ay leedahay aqoonta , anshaxa , iyo dhawritaanka sharciyada iyo dawladnimada iyo kala danbaynta , loogana digaayo dhibaatooyinka ay leedahay burcadbadeednimadu , oo halkudhigoodu ahaa “ qoriga dhig , qalinka qaado “

DSC03976Mashaariicda maantay lagu wareejiyay Bulshada Degmada Baargaal ayaa waxay ka koobnaayeen Dhisme cusub oo loo dhisay Dawlada Hoose iyo xafiisyadiisii oo si casri ah u qalabaysan , iyo sidoo kale iskuul sare iyo agabkiisii oo loo dhisay degmada baargaal , mid hoose dhexe oo loo dhisay qoraxaad iyo dayactir lagu sameeyay wadada Hoosi gaabo

Daawo Sawiro Kale

DSC03983 DSC03993 DSC04099 DSC04105 DSC04106 DSC04109 DSC04117 DSC04118 DSC04119 DSC04121 DSC04127

Maxamed ibraahim Axmed
Baargaal

Viewing all 22737 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>