Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Wasiiru Dawlaha Madaxtooyada Soomaliya, Faarax, Waa maxey Shaqadiisu??

$
0
0

Akhristayaal Qormadan kooban waxaan ku eegayaa Wasiirka Madaxtooyada Soomaaliya Faarax Cabdulqaadir, Iyo Shaqada Wasaaradaas.

Faarax Sakiin oo garab fadhiya, Madaxweyne Xasan

Faarax Sakiin oo garab fadhiya, Madaxweyne Xasan

Dowladaha Dunida intooda badan waxa ey lee yihiin Wasaarada Madaxtooyada taasoo leh shaqo cayiman Iyo Qorshe howaleed waafqsan Nidaamka Wasaarahada Madaxtooyada ee dunida  ka jira. Hadaba waa maxey shaqada Wasaarada Madaxtooyada?? Walow uu khilaaf ka jiro balse Xeeldheerayaasha ka faalooda maamulada Dowlada waxa ey ku cayimaan Shaqada Wasaarada Madaxtooyada habab kala duwan balse waxa ey isku raaceen sidan.

A)  Wasiirka Madaxtooyada, Shaqadiisu waa inuu, Nidaamiyo Shaqada Madaxtooyada, Iyo inuu Madaxweynaha la socod siiyo Wafuuda imaneysa Qasriga Iyo xiliyada ey imanayaan, Sidoo kale, Wasiirka ayaa leh shaqada Wasaarada Iyo inuu eego amase ilaasho shaqada Wasaarada Iyo isku xirka Wasaarahada Dowlada Iyo Madaxtooyada hadii qorshe uu soo galo  Madaxweynaha dalka.
 Hadaba waa Maxey Shaqada Wasiir Faarax Cabdulqaadir ee uu hayo??

Wasiir Faarax Cabdulqaadir, tan Iyo markii loo igmadey Wasaarada uu imka hayo waxa uu qabtaa Shaqooyinkii Wasiirka Arrimaha Dibbada Iyo Wasaarada kale, waxa uu ka qeyb-galaa shirar caalami ah Iyo isagoo matalaya Soomaaliya, Mudane Faarax, ma laha Khibrad Dipulomaasiyadeed waana mida ka yaabisey Ummada Soomaaliyeed ee aadka uu la socota Siyaasada dalka.  Waxaan sidoo kale ku arkey mudane Faarax, inuu yahay Ninka sida weyn u haga Siyaasada Madaxweynaha Soomaaliya oo ey doorteen 192-Xildhibaan hadaan khaldamin, Madaxweynaha ayaa looga fadhiyay inuu talada dalka ka qaato dad leh khibrad dowladeed oo durugsan Iyo maamul, xili looga baahnaa Madaxweynaha inuu Ummada Soomaaliyeed u ahaado dhex-dhaxaad. Wasiir Faarax Cabdulqaadir, ayaa sidoo kale si-toos ah u maamula Wasaaradaha dalka isagoo booqda Wasaarahadaas Isla-markaana Wasiirada ku amra iney soo gudbiyaan qorshe howaleedkooda Iyo shaqada Wasaarada ka socota.

             Hadaba Maxey tahay Awooda siisey Mudane Faarax Awoodahan aan xusey??

Wasiir Faarax, waa hormuudka kooxda Damul-Jadiid ee imka Hogaanka u heysa Madaxtooyada Iyo Dowlada Soomaaliya, waana kooxdii sida hoose u abaabushey Ololihii Madaxweyne Hassan ee uu ku galey Doorashadii dalka. Mudane Faarax waxa uu sidoo kale saaxiib dhow la ahaa Madaxweyne Hassan muddo fog waana maskaxda ka danbeysa sida dad yaqaana ii sheegeen inuu Madaxweyne Hassan uu soo galo Saaxada Siyaasada Dalka Isla markaana si-weyn isugu howaley in kooxdiisa Damul-jadiid ka gado Hassan.

 Maxaa Xal ah Sideena Wasiir Faarax loo wiiqi karaa Awoodahan uu Isticmaalayo.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa looga fadhiyaa inuu Dowladiisa ka dhigo mid Soomaaliyeed isla-markaana ka dhigo Dowlad kasbata kalsoonida ummada, isagoo dhinac iska dhigaya Siyaasada ku dhisan kooxeysiga Iyo Saaxiibtinimada.

Madaxweynaha ayaa laga doonayaa inuu Wasiiradiisa Damul-Jadiidka, u sheego iney faraha kala baxaan Shaqooyinka Wasaaradaha kale, waxaana haboon inuu siiyo dariiq ey raacaa  (Guideline)

Wasiir Faarax, waxaa la gudboon inuu ku ikaado Madaxtooyada Iyo Nidaaminta Shaqada Madaxtooyada isagoo xurmeynaya Wasiirada Iyo shaqaalaha kale ee loo igmadey shaqooyinka uu imka gacanta kula jiro. Wasiir Faarax,  Waa inuu ogaadaa habka Iyo Nidaamka ku dhisan ku takari falka Awooda dowladeed ineysan faaido Iyo horumar u laheyn Ummada Soomaaliyeed Iyo Ummad walba una horseedo kacdoon Shacab Iyo kalsooni daro siyaasado.

Wasiir Faarax Sakiin oo noqday ninka Dawlada ugu awooda badan

Wasiir Faarax Sakiin oo noqday ninka Dawlada ugu awooda badan

Fiiro-Gaar ah, Wasiir Faarax oo kaliya ma aha Raga Iyagu isku haya Shaqooyinkii Wasaaradaha kale ey qaban lahaayeen, waxaana kamid ah, Wasiirka Arrimaha guddaha Iyo Wasiiru Dowlaha Arrimaha dibbada Gacal, oo ka tirsan Kooxda Damul-jadiid, isla markaana ah Wasiirada imka lagu arko Masraxa Siyaasada Dalka ee u baahan isbadelka Siyaasadeed.

W/Q: Sakariye Isticmaar


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>