Kismaayo(pp) Suxufiyiinta ka howlgala magalada Kismaayo xarunta mamulka Jubba ayaa maalinkii shalay qabtay kulan ay kusoo dhawaynayaan wasiirka cusub ee wasaradda warfaafinta mamulkaasi Mudane Ibraahim Cabdi Xassan Baajuun.
Waxaa kasoo qayb galay munaasibadaan soo dhawaynta ah masuuliyiin ka tirsan Mamulka Juba,wariyaal iyo qaybaha kala duwan ee shacabka.
Suxufiyiinta oo khudbado kala duwan soo jeediyay ayaa marka hore wasiir Baajuun soo dhaweeyay,waxayna tilmaameen inay ku faraxsan yihiin xilka culus ee loo igmaday,ayna si hufan ula shaqayn doonaan.
Waxayna suxufiyiintu sheegeen inay baahiyo badan qabaan warbaahinta Jubba ayna muhiim tahay mamulka inuu taageero siiyo xili kastana uu ka war qabo xaalada ay wariyaashu ku sugan yihiin.
Afhayeenka mamulka Jubba Cabdinaasir Seeraar Maax oo ka mid ahaa masuuliyiintii kulanka ka hadlay ayaa kolka hore bogaadiyay howlaha baaxada leh ee ay suxufiyiintu gobalka ka hayaan,wuxuna ku tilmaamay inaan doorka warbaahinta la xaqiri karan ayna taageero u hayaan.
Wasiirka cusub ee warfaafinta mamulka Jubba Mudane Baajuun ayaa ka mahad celiyay xafladda soo dhawaynta ah ee ay suxufiyiinta Jubbooyinka u sameeyeen,wuxuna sheegay inuu si dhow warbaahinta ula shaqaynayo.
Puntlandpost.com
Xafiiska Kismaayo