Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Garowe:Madaxwaynaha Puntland oo tacsi diray(dhagayso)

$
0
0

Khamiis, Garowe, 30, 01, 2014- Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta tacsi ka direy geerida Marxuum Cabdicasiis Nuur Xirsi oo ka mida ahaa odayaashii Puntland wax ka dhisay islamarkaasina horey xilal kala duwan uga soo qabtay Somalia.

IMG_0153

Shir ayuu Madaxweynuhu saxaafada ugu qabtay xafiiskiisa Madaxtooyada Garowe, isagoona Samiir iyo Imaan Alle uga baryay inuu ka siiyo eheladii iyo qaraabadii uu ka baxay marxuumku.

IMG_0165

‘’Waxaan rabaa inaan halkan uga diro tacsi eheladii, qaraabadii iyo umadda Somaliyeed gaar ahaan reer Puntland geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Marxuum Cabdicasiis Nuur Xirsi oo xalay ku geeriyooday magaalada Boston ee dalka Maraykanka’’ Ayuu yiri Madaxweynuhu.

IMG_0170

Sidoo kale waxa uu ka shekeeyay Madaxweyne Cabdiweli Gaas in kooban oo ka mida Taariikh nololeedkii marxuumka waxana uu yiri ‘’Waxa uu ahaa oday ku wayn Puntland iyo Somalia oo dhan, waxa uu ka mid ahaa asaasayaashii dowladda Puntland, sidoo kale xubin firfircoon Barlamankii dalka intii u dhaxeysay 1964-1969, isagoo markii danbe xilal kala duwan oo wasaaradeed ka soo qabtay dowladii jirtay, waxana uu ahaa sharci yaqaan’’.

INAA LILAAAHI WA INAA ILAYHI RAAJICUUN.

Xafiiska madaxwaynaha Puntland ayuu naga soo gaaray qoraalkan.

Puntlandpost.com

Xafiiska Garowe


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles