Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Addis ababa:Madaxwaynaha Somalia oo ka hadlay xaalada wadanka uu marayo(Sawirro)

$
0
0

Addis ababa(pp) Madaxwaynaha dowladda Somalia Xasan Shiikh Maxamuud oo maantey ka qayb galay shirka madaxda Midowga africa oo ka furmay magalada addis ababa,wuxuna jeediyay khudbad ka hadlaysa xaalada wadanka uu marayo iyo guulaha la gaaray.

Xasan Shiikh Maxamuud ayaa sheegay dalka inuu sanadka sanadka kasii danbeeyo uu kasoo kabsanayo waxyaabihii soo gaaray,wuxuna rajo wanaagsan ka muujiyay dhanka amaanka in guul ballaaran laga gaari doono haddii lasii wado la-dagalanka lagula jiro kooxda Alshabab oo garab ka helaysa Alqaacida.

Madaxda Midowga Africa ayuu madaxwayne Xasan Shiikh Maxamuud u sheegay inay hiigsanayaan sanooyinka danbe Somalia inay gaarto hormar wayn oo lagu faani karo,wuxuna ka waramay ammaanka iyo dagaalka lagula jiro kooxda Alshabab.

Shirka madaxda midowga africa ayaa lagu wadaa maalinta barito ah in lasoo xidho,ayna kasoo baxanaan war-murtiyeed ka hadlaya waxyaabahii looga hadlay.

unnamed (3)(6) unnamed (4)(5) unnamed (5)(4) unnamed (7)(5) unnamed (8)(4) unnamed (9)(1)

Puntlandpost.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>