Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Garowe:Taariikh nolaleedkii Allaha u naxariistee Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo kooban(Akhriso)

$
0
0

cabdirisaaqTacsi & Taariikh Nololeed
Raysal Wasaare Cabdirisaaq Xaaji Xuseen ugu horrayn waxaan uga tacsiyaynayaa geerida ku timid Raysal Wasaare Cabdirisaaq Xaaji Xuseen guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan caruurtiisii, ehelkiisii & qaraabadiisii. Waxaan sidoo kale Rabbi u weydiinayaa in uu u naxariisto.

Ummadda uu ka dhashay ee Soomaaliyeed waxaan ka codsanaya in ay marxuumka maanta ugu hiilliyaan waxaa uu ugu baahida badan yahay oo ah in ay iska cafiyaan walaalka inaga baxay.

Waxaan sidoo kale jeclaystay in aan idinla wadaago taariikh nololeedkii Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo kooban.

Cabdirisaaq Xaaji Xuseen waxa uu ku dhashay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug sanadkii 1924.

Ka dib markii ay koonfurta Soomaaliya ka bilowdeen dhaqdhaqaaqyadii gobannimo doonka Soomaaliyeed horraantii sanadkii 1943 wuxuu xubin firfircoon ka noqday dhaqdhaqaaqii xornima doonka Soomaaliyeed ee SYL wuxuuna ka mid ahaa saraakiishii ay maamulkii maxmiyadda ee Qaramada Midoobay ee la oran jiray United Nations Trusteeship of Italy sida weyn ula shaqeyn jiray.

Sidoo kale wuxuu xubin baarlamaan ka noqday baarlamaannadii rayidka ahaa ee dowladihii madaxweyne Aadan Cabdulle Cusmaan & C/rashiid Cali Sharmaarke, wuxuu na dalka ra’iisul wasaare ka noqday muddadii u dhaxeysay bishii June sanadkii 1964 illaa bishii July sanadkii 1967.

Ka dib afgembigii aan dhiiggu ku daadan ee ay ciidamadu kula wareegeen awoodda dalka Soomaaliya, C/risaaq Xaaji Xuseen wuxuu ka mid ahaa xubnihii loo taxaabay xabsi guriga, muddo ka dib se laga sii daayay.

Dowladdii madaxweyne Max’ed Siyaad Barre dan jirihii dalka Soomaaliya u fadhin jiray Golaha Guud ee Qaramada Midoobay dabayaaqadii sanadihii 1976 illaa 1978.

Wixii intaas ka dambeeyay na wax mas’uuliyad ah kama qaban gudaha dalka Soomaaliya.

Markii la riday dowladdii dhexe ee dalka Soomaaliya MD. C/risaaq Xaaji Xuseen wuxuu ka mid ahaa odayaashii Soomaaliyeed ee dadaalka u galay dib u heshiisiinta ummadda Soomaaliyeed isla markaana wax ka saxiixay shirarkii dib u heshiisiinta ee lagu qabtay magaalada Djibouti ee dalka jamhuuriyadda Jibouti.

C/risaaq Xaaji Xuseen wuxuu ka mid ahaa xubnihii isu soo sharaxay in ay hoggaamiyaan dhismihii maamul gobolleedka Soomaaliyeed ee Puntland ee la dhisay bishii August sanadkii 1998. Wuxuu na siyaasadda isaga fariistay ka dib markii uu kaga guuleystay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Col. C/llaahi Yuusuf Axmed.

Dhismihii dowladdii madaxweyne C/qaasim Salaad Xassan ee lagu soo dhisay magaalada Carte ee dalka Jibouti bishii August sanadkii 2000 waxaa loo magacaabay in uu xubin ka noqdo guddi ka koobnaa 25 xubnood, guddigaas oo la oran jiray National Commission for Reconciliation & Property Settlement of Somalia.

Taariikhdu markii ay aheyd July 25, 2001 ayuu C/risaaq Xaaji Xuseen xilkaasi si buuxda isaga casilay xilkaas. Ra’iisul wasaare C/risaaq Xaaji Xuseen wuxuu ka mid ahaa siyaasiyiintii Soomaalida ee sida weyn uga biyo diiday soo gelitaankii ciidamada dalka Ethiopia ee gudaha dalka Soomaaliya dabayaaqadii bishii December, 2006.

Wuxuu na ka qeybgalay banaan baxyo looga soo horjeedo oo ka dhacay dalka Mareykanka. Waxaa sidoo kale xusid mudan in Cabdirisaaq nidaamba Federalka si weyn iyana u diidanaa, waxuu na ku sheegay gobolaysi qabyaalad ku salaysan aakhirka na Soomaalinimada wiiqi doona.

Wax yaabaha taarikhu ka xusi doonto Cabdirisaaq waxaa ka mid ah in uu eheladiisa kula dardaarmay in ay ku aasaan dalka Maraykanka. Waxaan filayaa in uu dareensanaa in uu halkaas ku dhiman doono maadaama uu hadda si rasmi ah u dagganaa da’ na ahaa.

Waxaan sidoo kale filayaa in uu jeclaystay in sida sunnada ah ay eheladiisu horay u aasaan si dhib la’aan ah intii siyaasiyiinta Soomaalida oo ka mid ah kuwa dadka ugu sharta badan oo maanta dunida guudkeeda saaran ay ‘Aas Qaran’ waxa ay ula baxeen u sameeyaan marka ay dhawr toddobaad talaajad ku wareejiwaan isugu na yeertaan.

Dalka Maraykanku ma wada aha waddan gaalo waayo waxaa ku nool 10% dad ka badan oo muslimiin ah kuwo u soo toloobay & kuwo u dhashay bal eh.

Allaha u naxariisto marxuumka.

SOURCE: Xildhibaan Publications EDITED BY: Cabdirisaaq Baraag

 
Axmed Kismaayo ayaa nasoo gaarsiiyay
Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>