Garowe(pp) Siyaasi Cabdiwahaab Ugaas Khaliif oo Jagadda ra’iisulwasaare ku xigeen kasoo qabtay iyo wasiirka ganacsiga xukumaddii Badbaado qaran ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay xaalka wadanka inuu hagaagi doono,waa haddii buu yiri”Caqliga wanaagsani uu shaqeeyo”.
Cabdiwahaab Ugaas Khaliif oo maalmihii ugu danbeeyay ku sugnaa deegaanadda Puntland ayaa ka qayb galay dood cilmiyaadyo looga wada hadlayo marxaladda wadanka iyo sidii looga qayb gali lahaa in loo istaago midnimadda Somaliwayn,wuxuna sheegay umadda Soomaaliyeed inay iskugu imaan karaan nidaamka federaalka oo lagu dhaqmo.
Madaxwaynaha cusub ee Puntland oo ay saaxiibo dhow yihiin ayuu ku tilmaamay inuu yahay shaqsi wanaagsan oo hormar gaarsiin kara deegaanadda Puntland.
Halkan ka dhagayso Waraysi uu siiyay Cabdiwahaab Ugaas Khaliif Radio Garowe.
Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe