Garowe(pp) Ra’iisulwasaarihii hore ee Somalia Cali Maxamed Geedi iyo Siyaasi Cabdiwahaab Ugaas Khaliif ayaa inta aysan maanta ka dhoofin garoonka diyaaradaha magalada Garowe waxay tacsi ka direen allaha u naxariistee geeridii ku timi RW.hore ee Somalia Cabdirisaaq Xaaji Xuseen.
Waxay alle uga baryeen inuu samir iyo iimaan ka siiyo dhamaan ehelkii iyo umaddii Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Marxuub Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo xilal kala duwan kasoo qabtay Soomaaliya.
Ka sakow tacsida waxay u hambalyeeyeen wasiiradda cusub ee Puntland oo maanta lagu dhaarshay xarunta madaxtooyadda Puntland ee Garowe,waxayna ku tilmaameen wasiiro xilkas ah oo u qalma xilalka loo dhiibay.
Labadaan masuul ayaa sheegay inay dib ugu soo laaban doonaan Puntland oo ay ku tilmaameen inay hormuud u tahay Soomaaliya inteeda kale.