Bosaso(pp) Ciidanka dowladda Puntland ee ku sugan Buuraha Galgala iyo kooxda Alshabab ayaa ku dagaalamay,wuxuna dagaalkaasi sababay dhimasho iyo dhaawac.

Sawir hore
Taliyaha dowladda u qaabilsan howlgalka Galgala ka socda Col.Jaamac Siciid Warsame Afgaduud ayaa sheegay dagaal gaadmo ah inay saakadii hore kusoo qaadeen kooxda alshabab,ayna markii danbe is caabiyeen oo ay kaga dileen labo ka mid ah Shababkii soo weeraray.
Ciidanka ayuu sheegay inay kaga dhaawacmeen labo Askaro oo isla markiiba loo qaaday isbitaalka magalada Bosaaso.
Ciidanka dowladda ee Galgala ku sugan yaa wali wada howlgalo kala duwan oo lagu soo afjarayo kooxda Alshabab,wuxuna dagaalkaan dabo socdaa dagaalo horey ciidanka iyo Shabab ku dhexmaray buuraha Galgala.
Puntlandpost.com
Xafiiska Bosaaso