Muqdisho(pp) Tan iyo markii mamulka Gobalka Banaadir uu bilaabay qaadashada kaararka aqoonsiga ee muwaadinka ayaa waxaa soo badanayay dadwaynaha qaadanaya kaarkaasi oo lagu tilmaamay inuu ka qayb qaadanaya adkayna ammaanka dalka.
Dadka ayaa kaarkaasi aqoonsiga ka qaadanaya xarun ku taala waqooyiga xaafada Shangaani ee magalada Muqdisho,waxana halkaasi ku sugan shaqaale u tababaran addeega ay dadka siinayaan,waxayna xidhan yihiin rag u gaar ah oo lagu garanaya shaqada ay hayaan.
Xaruntaasi ayaa mashquul la ciir ciiraysa maalin kasta,taasoo daliil u ah dadku inay aad u doonayaan inay qaataan kaarka aqoonsiga oo ay ku tilmaameen mid wax badan ka tari doono nolashooda sida,dhanka ammaanka ,shaqada iyo garashada qofku meesha uu kasoo jeedo.
Dadka kaarka qaatay oo warbaahinta la hadlay ayaa dhaliilay gaabiska mararka qaar ku yimaada,waxayna ku baaqeen in howsha la dardar galiyo si cid kasta ay uga qayb qaadato hormarka iyo ammaanka caasumadda Soomaaliya ee Muqdisho.
Masuuliyiinta dowladda federaalka Soomaalia ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay inuu wax badan ka badali doono ammaanka Muqdisho qaadashada kaarkaasi.
Puntlandpost.com
Xafiiska Muqdisho