Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Shacabka Muqdisho oo lagala tashanayo sidii ammaanka looga wada shaqayn lahaa(Sawiro&dhagaysi)

$
0
0

3Muqdisho(pp) Wasiirka amniga qaranka xukumadda Somalia Cabdikariin Xuseel Guuleedka ayaa maanta galinkii danbe kulan la qaatay qaybaha kala duwan ee shacabka Gobalka Banaadir.
6Kulankaan ayaa ka danbeeyay ka dib markii labadii habeen ee lasoo dhaagay magalada Muqdisho laga maqlayay daryanka madaafiicda cul culus,waxana sheegtay masuuliyada madaafiicyadaasi kooxda alshabab.
4Wasiirka amniga Cabdikariin Xuseen Guuleed oo u waramay BBC ayaa sheegay ahmiyadda ugu wayn kulankan inuu yahay sidii shacabka looga qayb galin lahaa ka tashiga adkaynta ammaanka,ayna laamaha ammaanka si hufan ula saqeeyaan.

1
”Dhamaan dadkii kulankaan kasoo qayb galay waxan ka helnay talooyin iyo tusaalooyin runtii wax badan ka tari kara adkaynta ammaanka”.

 

”Wixii xalay iyo habeen hore ka dhacayay magalada Muqdisho ma ahan wax la qaadan karo,waxay ahayd wax dadka lagu cabsinayo,waxana wadnay kulamo arrimahaasi looga hadlayo”.

2
Kulankan uu wasiir Cabdixakiin la qaatay qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa waxa uu kusoo aadayaa xili maanta uu ra’iisulwasaraha Somalia laamaha ammaanka ugu baaqay inay jawaab cad ka baxshaan qaraxyada Muqdisho ka dhacaya waxa sababay.

Puntlandpost.com
Xafiiska Muqdisho


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles