Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

BOOSAASO : Hay,adda Wadooyinka & Rugta Ganacsiga Puntland oo Kulan wada Qaatay (Sawirro).

$
0
0

Boosaaso: (pp)-  Boosaao Kulaankan oo ka dhacay Xarunta Rugta Ganasiga Puntland ee Boosaaso ayaa waxaa uu dhexmaray Masuuliyiinta Hay,adda Wadooyinka Puntland &Gudoonka Rugta Ganacsiga ee Puntland,waxaana looga arrinsanayey sidii la isaga kaashan lahaa arrimaha Horumarineed ee Bulshada Puntland oo ay ugu horeyso Wadada isku xirta Boosaaso ilaa Gaalkacyo oo Burbur xoogan ku dhacay.

DSC06241Kulankaan oo daba socda Kulamo uu batyahan qaybaha bulshada puntland la leyahay Agaasimaha Cusub ee Hay,adda Wadooyinka uu u soo Magacabay Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole ayaa lagu falanqeeyey siyaabaha la isaga kaashan karo Dowlad iyo Shacab dhismaha iyo dayactirka kaabayaasha dhaqaalaha dalka,iyadoo uu iminka jiro olole balaran oo lagu dardargelinayo dhismaha Buundooyin jababay oo u dhaxeeya Magaaladda Boosaao ilaa Kantaroolka.

DSC06248Kulanka ayaa ugu horeyn waxaa warbixin kooban ka jeediyey Agaasimaha Cusub ee Hay,adda Wadooyinka Puntland Eng,Maxamuud C/nuur Aadan waxaana uu sheegay in uu kormeer kusoo maray Laamiga dheer ee isku xira Garoowe iyo Boosaaso uuna kusoo arkay dhibaato badan oo soo gaartay Jidka ,iyadoo ay jiraan Buundooyin Go,ay,Kuwo Sii go,aya iyo Wadada oo dayactir xoogan u bahan.

DSC06242Agaasimuhu waxaa uu sidoo kale xusay in waxka qabashada Wadada aysan ku filayn Hay,adda PHA oo kaliya ee ay u bahantahay in la iska kaashado Hay,adda ,Ganacsatada iyo dhamaan qaybaha Bulshada Deegaanadda Puntland,in taa la helanaa waxaa ay u bahantahay in gacmaha la is qabsado oo meel looga soo jeensado sidii loogu dhaqaaqi lahaa qorshe Cad oo horumarineed.

DSC06249“Taladda,Dhaqaalaha ,Qalabka bulshada waa muhiim, Wadadaan mudo dheer ayey jirtaa ,dayactir ma helin ,waxay u bahantahay in si joogta ah loo xananeeyo,si taaloo helo waxaa muhiim ah in la isku tashado ,iyadoo la isu keenayo wixii Xoog iyo Xoolo ah ee lagu xoojin karo ololahaan wadooyinka Puntland,annaga waxaan rabnaa waxa laga qaado ummadda in aanu miiska soo saarno nalagula xisaabtamo ,isla markaana PHA wixii Maal iyo Xoog ah ay isugu gayso Horumarinta Wadooyinka Dalka ,sidaa ogtihiin sharciga dalka waxaa ku cad in PHA ay leedahay wax ka qabashada wadooyinka waaweyn oo inta 5km u jirta Magaalooyinka ay leedahay dayactirkeeda Dowlada Hoosee ee halkaas ka jirta ,Hadana kula eeganayno inta badan hay,addu gacan ayey ka gaysatay dariiqyadda gudaha Magaalooyinka iyo KM ka loo qoondeyey intaba,Mudanayaal muhiimadu waa sidii wax loo wada qabsan lahaa” Agaasimaha Hay,adda PHA

DSC06245Eng,C/rashiid Bulxan oo ka mid ah howlwadeenadda PHA waaxda dayactirka oo kulanka ka qaybgalaya ayaa isna shaaca ka qaaday in hadii aan meelaha qaarkood wax ka qabasho degdeg ah laga samayn uu dhacayo kala go,a deegaanka iyo lumitaanka dhaqaalaha wadada maraya “ Iskaashi dhab ah ayaa loo bahanyahay dhanka Hay,adda waa diyaar wixii tabar iyo Talo ah ,waxaa ahmiyad gaar ah leh ka qaybgalka bulshada oo ay ka midyihiin Ganacsatada,Culimadda,Xirfadlayda ,Haweenka iyo cid kasta oo xilkas ah,hadii midnimadaas la helo buundooyin cusub ayaan xataa dhisan karnaa”Eng,Bulxan.

DSC06251Gudoomiye kuxigeenka Rugta Ganacsiga Maxamed Caydiid ayaa uga mahadceliyey Sarakiisha PHA nidaamka tabliiqaynta ah ee ay bulshada ugu boorinayaan sidii looga qaybgali lahaa wadada dayactirkeeda ,waxaana uu sheegay in ay diyaar u yihiin intii karaankooda ah in ay ka qaybgalaan dhismaha iyo dayactirka wadooyinka ,isagoo xusay in arrintani tahay mid lala soo daahay oo u baahnayd in laga qaybgeliyo ummada xilli hore.

DSC06251Gudoomiye kuxigenku waxaa uu sheegayin bulshada Puntland tahay dad aad u wacan oo yaqaan u qareemidda balse ay muhiim tahay in waxa laga qaadayo loo sheego halka ay ku baxayaan iyo sida loogu qoondaynayo “ Bulshada waa diyaar wallow ay jiraan samaynta Sicir bararka oo dhaqaalaha sameyey oo u bahan tixgelin gaar ah,sidaaso ay tahay iskaashigu waa hanaan qurux badan PHA,Gobolada,Degmooyinka,Ganacsatada dhamaan hadii gacmaha la isqabsado guul dhab ah ayaa laga gaaraya dhibaatoyinka jidadka iyo dhamaan arrimaha horumarinta u bahan” Gudoomiye kuxigeenka Rugta Ganacsiga Puntland.

DSC06247Agaasimaha PHA ayaa Magaaladda Boosaaso ka wada sidii loo dardargelin lahaa ololaha dayactirka wadooyinka iyadoo uu kulamo qaadanayo Maamulka Degmadda Kan Gobolka iyo Qaybaha Bulshada iyadoo uu kala xaajondono sidii la isaga kaashan lahaa Horumarinta Wadooyinka .

Puntlandpost.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>