Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Kismayo:Al-shabab oo wada hadal ka dib fasaxday Shirkada Hormuud ee Jubbooyinka

$
0
0

Kismaayo(pp)Ururka Alshabab oo ka dagaalama qaybo ka mid ah gobaladda dalka ayaa mudo lix bari ka hor waxa uu xayiraad dul dhigay shirkada isgaarsiinta Hormuud qaybta Jubbooyinka.

Hormud
Waxay horay u diideen in dadka la gaarsiiyo addeegyadda kala duwan ee shirkadda ka baxa,taasoo keentay in dad badan oo ku nool Gobaladaasi ay tilmaaneen inay saamayn ku yeelatay maadama ay lacago ugu jireen addeega lacagaha la iskugu xawilo ee Hormuud.

 
In Shirkaddu ay baahiso addeegyadeeda ayaa timi ka dib markii wada hadal uu dhexmaray alshabab iyo madaxda Hormuud,taasoo aan warbaahinta loo shaacin.

 
Docda kale Shirkadda Hormuud ayaa maanta joojisay addeega internet-ka ee magalada Muqdisho,taasoo aan la aqoon sababta ka danbaysa.

 
Puntlandpost.com
Xafiiska Kismaayo


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>