Kismaayo(pp) Madaxwaynaha mamulka KMG ah ee Jubba ayaa inta uusan kasoo duulin magalada Kismaayo waxa uu kulan kula qaatay xarunta madaxtooyadda wafdi ballaaran oo ka socda Qaramadda Midoobay.
Wafdigaan ayaa waxaa hoggaaminaysa ku xigeenka wakiilka QM u qaabilsan arrimaha Somalia haweenayda la yiraahdo Fatiha Serour,waxayna madaxwaynaha Mamulka Jubba kala hadasha arrimo badan oo ay ka mid tahay xaalada Kismaayo iyo qorsha hormarineed ee dowladda u diyaarsan.
Madaxwaynaha Mamulka Jubba Axmed Madoobe ayaa soo dhaweyay wafdiga QM ka socda,wuxuna sheegay inuu diyaar u yahay xili kasta in laga wada shaqeeyo hormarka gobaladda Jubbooyinka iyo Gaddo.
Axmed Madoobe ayaa sidoo kale hadalkiisa ku daray mamulka Jubba inuu soo dhawaynayo cid kasta oo hormarka ka shaqanaysa.
Fatiha Serour ayaa dhankeeda sheegtay inay ku faraxsan tahay sida wanaagsan oo ay mamulka Jubba ugu howlan yahay ka shaqaynta ammaanka iyo hormarka Kismaayo,waxayna tilmaamay inay wali tabayso muujinta doorkii ay haweenku ku lahaayeen siyaasadda Jubba.
Waxayna sheegtay Qaramadda Midoobay inay diyaar u tahay ka shaqaynta hormarka Jubbooyinka iyo Gaddo.
Puntlandpost.com
Xafiiska Kismaayo