Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

War-saxaafadeed:Madaxwayne Gaas oo Garowe kusoo laabtay(Sawirro)

$
0
0

Jimce, Garowe, 07, 02, 2014- Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa galabta dib ugu soo guryo noqday magaalada Garowe ka dib socdaal laba maalin qaatay oo uu Muqdisho uga qaybgalay Aaska AHN Cabdirisaaq Xaaji Xuseen.

 

Garoonka Diyaaradaha Garowe ayaa Wafdiga Puntland ee Madaxweynuhu horkacayay waxa ku soo dhoweeyay Madaxweyne ku xigeenka Cabdixakiin Cabdulaahi Cumar, Gudoomiyaha Barlamanka Siciid Xasan Shire, wasiiro iyo taliyaasha ciidamada.

 

Gelinkii hore ee maanta ayaa Madaxweyne Gaas uu kaga qaybgalay Muqdisho Aaska Ra’iisal wasaarihii hore ee Somalia oo la keenay maanta Maydkiisa, isagoona u tacsiyeeyay eheladii iyo qaraabadii uu ka baxay Marxuumku oo uu ku tilmaamay Halyeey ka baxay qaranka Soomaaliyeed.

IMG_0448 IMG_0451 IMG_0455 IMG_0460 IMG_0483 IMG_0486 IMG_0489 IMG_0491 IMG_0495 IMG_0497 IMG_0498 IMG_0503 IMG_0508 IMG_0511 IMG_0516 IMG_0519 IMG_0521 IMG_0531 IMG_0533

-Dhamaad-


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles