Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Mamulka Gaalkacyo oo ka digay Qaadka Kontorobaanka ah (dhagayso)

$
0
0

Gaalkacyo(pp) Mamulka magalada Gaalkacyo ayaa ka digay qaadk(jaadka) sida aan sharciga ahayn loosoo galiyo gudaha magalada Gaalkacy,kaasoo lagu tilmaamay inuu saamayn ku yeeshay qaadista canshuurta sharciga ah.

AXmed CaliDuqa degmada Gaalkacyo Col.Axmed Cali Salaad oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa sheegay inay tilaabo sharciga waafaqsan ay ka qaadi doonaan dadka ku shaqaysta in magalada lasoo galiyo qaad kontorobaan ah oo aan laga soo dajin garoonka diyaaradaha magalada Gaalkacyo.

Arrintaas ayuu sheegay inuu dhaawac ku yahay qaadista canshuurta magalada,wuxuna sidoo kale Col.Axmed ka digay oo ku tilmaamay inay tahay wax laga xumaado isbaarooyin la dhigto inta u dhaxaysa Gaalkacyo & Xarfo,kaasoo isku socodka ganacsiga dhib ku ah.

Puntlandpost.com
Xafiiska Gaalkacyo


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>