Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Wasiirka waxbarashada Puntland oo kormeeray Iskuulka Al-Waaxa ee Garowe (Sawirro)

$
0
0

Garowe(pp) Wasiirka wasaaradda waxbrashadda Dowladda Puntland Mudane Cali Xaaji Warsame & Wasiir ku xigeenkiisa Prof. Maxamed Cali Faarax ayaa kormeer ku tagay Iskoolka Al-waha. Ujeedada kormeerkaan ayaa waxa uu ahaa in ay wasiiraddu u kuur galaan xaalada waxbarasho ee ka jirta iskoolkaas.
2.
Wasiirka iyo Wasiir ku xigeenka ayaa khudbado kala duwan u soo jeediyay ardayda wax ka barata iskoolka Al Waxa. Khudbadahaas waxay ahaayeen kuwo dhiiri-gelin siinaya ardayda. Wasiiradu waxa ay ka hadleen in Iskoolka Al-waha uu yahay iskuuladii ugu horeeyay ee Puntland laga asaasay ka dib burburkii dawladnimo ee wadanka ka dhacay. Sidoo kale, wasiiradu waxay uga digeen dhalinta wax ka barata iskoolka Al-waxa in aysan marnaba ku fakerin in ay tahriibaan oo ka tagaan waxbarashadooda.

Intaa ka dib wasiiradu waxa ay ardayda fasalka 8-ka ah ee dugsiga H/Dhexe iyo fasalka Form 4-ka ah ku wargeliyeen in imtixaanaadkii kama danbaysta ahaa uu ku soo fool leeyahay lagana rabo in ay dadaalaan oo akhris badan sameeyaan iyaga oo dhexdooda iska kala faa’iideysanaya wixii ku adkaadana ay la shaakadaan macalimiintooda. Wasiiradu waxa ay xuseen in iskoolka Al-waxa uu kaalin fiican ka galay imtixaankii sanadkii u dambeeyay.

Wasiiradu waxa ay ardayda u balan qaadeen in ay si cadaalad ah ugu shaqayn doonaan, xili kastana la garab taagan yihiin hormarka waxbarashada, waxayna balan ku qaadeen in ay is bedel la imaan doonan si loo dhamaystiro baahiyaha kala duwan ee ka jira waxbarashadda deegaamada Puntland.

1Kormeerkaan ma ahayn kii ugu horeeyay ee wasiiradu sameeyeen ilaa iyo intii ay xilka la wareegeen. Balse waxay kulamo iyo kormeero noocaan oo kale ah ku sameeyeen iskuulo ku kala yaal magaalooyinka Garoowe iyo Galkacyo. Waxaanaa dhawaan la filayaa in ay ku tagaan iskuulada ku yaal goboladda iyo degmooyinka kale ee Puntland.

3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14

Waxaa soo diyaariyay Deeq Maxamed Warsame (Deeq Hurre)
Wasaaradda waxbarashadda Puntland
Faafinta Puntlandpost.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>