Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Culimadda,Ganacsatadda iyo madaxda Puntland oo kormeeray Buundada Sunijiif (Sawirro)

$
0
0

Garowe(pp) Guddiga loo xil saaray dhismaha buundada midigar oo ay dhowaan jabiyeen daadadkii kusoo rogmaday kana kooban Culimo,ganacsato,wasiiro ayaa maanta kormeer waxay kusoo sameeyeen halka ay buundadu ka go’day & meelo kela oo ay biyihi waxyeelo soo gaarsiiyeen.

13Wafdigaan waxaa hoggaaminayay wasiirka howlaha guud iyo gaadiidka Puntland Mudane Cabdirashdii Maxamed Xirsi waxana sidoo kale qayb ka ahaa Gudoomiyaha Hay’adda Jidadka Eng.Maxamuud Cabdinuur Aadan.

Meelaha ay booqdeen waxaa ka mid ah buundada Midigar,Libaaxo,tuulada Sunijiif & deegaanka Falayriyeele oo ka tirsan Gobalka Sool dhameen meelaha ay masuuliyiintaani cagta soo mariyeen ayaa u baahan in si deg deg ah dhismayaashooda looga qayb qaato haba ugu darnaatee buudada Sunijiif.

Gudoomiyaha Hay’adda Jididka Puntland u qaabilsan Egn.Maxamuud Cabdinuur Aadan Dalab ayaa sheegay socdaalkooda inuu yahay sidii culimadda iyo ganacsatadda ay indhahooda ugu soo arki lahaayeen waxyaaladda ay biyihu soo gaarsiiyeen wadooyinka meelo ka mid ah iyo sidii wax looga qaban lahaa.

Wasiirka howlaha guud iyo gaadiidka Puntland Mudane Cabdirashiid Maxamed Xirsi ayaa sheegay inay wax ka qaban doonaan inta awooddooda ah Buundada ay jabiyeen biyii kusoo rogmaday dabayaaqa sanadkii hore 2013.

Shiikh Maxamuud Xaaji Yuusuf ayaa sheegay umadda Soomaaliyeed in looga baahan yahay inay doorkii ay ka cayaareen caawinta qoysaskii cayroobay ay dhismaha wadadaana looga baahan yahay inay muujiyeen,wuxuna Shiikhu sheegay inay muhiim u tahay isku socodka dadka iyo guud ahaan ganacsiga Soomaaliya.

Dhowaan ayay ahayd kolkii uu madaxwaynaha dowladda Puntland madaxtooyada kula shiray Ganacsatadda iyo Culimadda isla markasna u gudbiyay in loo baahan yahay inay ka qayb qaataan sidii loo dhisi lahaa wadadaani maadama ay soo baxday baahiyo kale oo dheeraad ah.

13 11 10 8 7 5 4 2

Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>