Gaalkacyo(pp) Waxaa galabta degmada Goldogob oo ka tirsan Gobalka Mudug lagu dilay Taliyihii Saldhiga degmadaasi ,waxana dilay mid ka mid ah ilaaladiisa.
Duqa degmada Goldogob Cabdulaahi Siciid Ismaaciil Kaytoon oo waraysi caawa siiyay Radio Gaalkacyo ayaa sheegay askari dilay Taliyaha inuu ahaa mid ay isku qabiil yihiin isla markasna uu dilku uu ka dhacay bartamaha magalada.
Baaritaan ku aadan soo qabashada Askari dilka gaystay ayuu sheegay inay ka socoto degmada ayna waajib ka saaran tahay sidii askarigaasi gacanta loogu soo dhigi lahaa.
Dadka ayaa siyaabo kala duwan u hadal hayo dilka Taliyaha Saldhiga oo ay ku tilmaameen inuu ahaa shaqsi aad u wanaagsan.
Halkan hoose ka dhagayso waraysiga Gudoomiyaha Goldogob.
Puntlandpost.com
Xafiiska Gaalkacyo