Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Shirwayne waxbarashada Puntland dib loogu eegayo oo maanta ka furmay mgalada Garowe (Sawirro)

$
0
0

Garowe(pp) Shirwayne ballaaran oo dib loogu eegayo waxbarashada Puntland ayaa waxa uu maanta ka furmay hoolka shirarka Hay’adda PDRC waxana kasoo qayb galay dhinacyadda waxbarashadda saraakiil hay’addo caalamiya ka socda.

IMG_0608Shirkaan oo ah mid sal ballaaran ayaa waxaa lagu wadaa inta uu socdo in lagu lafo guro hormarinta waxbarashadda Puntland iyo tan Soomaaliya guud ahaan sidii loo miidayn lahaa.

IMG_0606Wasiirka wasaradda waxbarashadda Puntland Mudane Cali Xaaji Warsame ayaa mar sii horaysay sheegay inay ka go’an tahay sidii loosii hormarin lahaa tacliinta Puntland.

IMG_0600Ku simaha madaxwaynaha ahna madaxwayne ku xigeenka dowladda Puntland Mudane Cabdixakiin Cabdilaahi Camey ayaa kasoo qayb gallaya isla markasna daah furaya shirkaan qiimaha leh.

IMG_0612Midowga Yurub ayaa untland ku ammanay waxbarashada waxayna cadeeyeen inay guud ahaan Soomaaliya ay kaga hormarsan tahay arrintaasi.

Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles