Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Cali Xaaji oo sheegay inuu furan yahay Sanduuqa hormarinta waxbarashada PL (Sawirro)

$
0
0

Garowe(pp) Wasiirka wasaarada waxbarashadda dowladda Puntland Cali Xaaji Warsame oo khudbad qiimo leh kasoo jeediyay shirwaynaha dib u eegista waxbarashada ayaa shaaciyay inay hadda bilaabeen Sanduuqa hormarinta waxbarashada Puntland si looga faa’iideeyo ardayda danyarta ah ee aan awoodid dhaqaalaha iskuuladda.

Cali Xaaji Warsame ayaa sheegay inay ka ga’an tahay mudada uu xafiiska joogayo inuu is- badal balaaran ku samayn doono waxbarashada Puntland iyo in dhaqaale ku filan waxbarashada loo raadiyo,arrimaha kale ee uu soo hadal qaaday Cali Xaaji Warsame waxaa ka mid ah dhismaha xarunta cusub ee wasaradda waxbarashada iyo in kor loo qaado waxbarashada haweenka Puntland.

Shirkaan oo loogu talo galay inuu socda mudo labo maalmood ayaa xooga lagu saarayaa in la iska xog waraysto hanaanka hormarinta waxbarashada Puntland iyo in deeq bixayaasha ay goob joog ka noqdaan sida dhaqaalaha ay ku baxshaan waxbarashada loo maamulay.

Ku simaha madaxwaynaha Puntland ahna madaxwayne ku xigeenka Mudane Cabdixakiin Cabdilaahi Cumar ayaa sheegay inay ka go’an tahay sidii ahmiyad gaar ah loo siin lahaa waxbarashada iyo hormarinteeda,wuxuna tilmaamay deeq bixiyaasha inay arki doonaan sida loo maamulay dhaqaalaha ay Puntland ugu deeqaan.

Camey ayaa bahda waxbarashadda Puntland ka codsaday inay dadaalkooda halkaa kasii wadaan oo aysan waxba ka hagran dhalinyaradda waxbarashada ku jeeda.

Shirkaan ayaa noqonayaa kii ugu horeeyay oo ka dhaca Puntland ayna goob joog ka noqdaan beesha caalamka iyo dadka deeqaha baxsha.

Maalinta barito ah ayaa lagu wadaa inay kasoo baxaan go’aamo dhaxal gal ah oo waxbarashada Puntland dan u ah.

1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18 20 21 22 23 24 25 1 2 3 4 5

Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>