Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Dowladda Somalia oo walaac ka muujisay shirarka Baydhabo ka socda(War murtiyeed)

$
0
0

WAR    MURTIYEED  

Wasaaradda Arimaha Gudaha iyo Federaalka waxay u xilsaarantahay hirgelinta iyo taabagelinta Federaalaynta dalka si waafaqsan Dastuurka iyo shuruucda maamul u samaynta gobolada iyo degmooyinka dalka.

Sidoo kale, waxay u xilsaaran tahay ka hor tegidda khalalaasa siyaasadeed oo dhalin kara iska hor imaad bulsho.

Waxaa xusid mudan in mudooyinkan dambe ay magaaladda Baydhabo ee Gobolka Bay ka socdaan shirar xambaarsan fikrado iska soo horjeedo, kuwaas oo uu mid waliba sheeganayo dhisidda Maamul-­‐Goboleed ay yeeshaan degaanadaasi.

Hadaba Xukuumaddu waxay wal-­‐wal ka muujinaysaa habka ay u socdaan shirarkaas iyo dhibaatada ka imaankarta natiijada dhamaadka shirarkaas iska soo horjeeda.

Dawladda Federaalka Jamhuuriyadda Soomaaliya iyada oo ka duuleysa mas’uuliyada ka saran maamul u sameynta iyo federaaleynta dalka waxay dhawr jeer isku taxaluujisay in ay midayso shirarkaas iska soo horjeeda, si shacabka degaankaas ay u helaan maamul midaysan oo waafaqsan Dastuurka iyo Shuruucda dalka u yaala.

Xukuumaddu iyadoo ka hortagayso arrintan kor ku xusan, waxay dhawr jeer wufuud kala duwan oo ka kooban xubno ka kala socda labada gole ee Xukuumadda iyo Barlamaanka u dirtay magaaladda Baydhabo.

Wufuudaas waxay u xilsaarnaayeen in la helo talo mideeyaan oo ku aadan maamul u samaynta iyo federaalaynta deegaanadaasi.

Hadaba, Wasaaraddu waxay halkan ku caddaynaysaa moowqifka siyaasadeed ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee ku aadan qaabka loo marayo dhismaha Maamul-­‐Goboleed ay yeeshaan goboladaas, iyadoo la tixgelinayo waaqiciga siyaasadeed ee haatan ka jira degaanadaas.

1. Wasaaraddu waxay ugu baaqaysaa dhammaan siyaasiinta iyo cuqaasha dhaqanka ee dalka in ay ku baraarugsanaadaan maamul u samaynta Goboladda, Degmooyinka iyo Maamul Goboleedyada si waafaqsan Dastuurka iyo Shuruucda Dalka.

2. Xukuumaddu waxay dhawraysaa heshiiskii lagu gaaray Addis Ababa, Ethiopia ee lagu ogolaaday dhismaha Maamulka Ku-­‐Meelgaarka ah ee Jubba.

3. Xukuumaddu waxay beegsanaysaa ku dhaqanka heshiiska Addis Ababa ee kor ku xusan. Sidoo kale, wixii tabasho ah ee ku saabsan heshiiskan Xukuumaddu waxay diyaar u tahay in ay gacan buuxda ka geeysato.

4. Xukuumaddu waxay diyaar u tahay in ay gacan ka geeysato dhismaha Maamul Goboleedka sedexda gobol ee Goboladda Bay, Bakool iyo Shabeeladda Hoose.

5. Wasaaraddu waxay ugu baaqaysaa shacabka Soomaaliyeed ee deegaanadaas in ay ka fogaadaan wax walba oo dhalin kara xasilooni daro ku timaada degaankaas.

Xafiiska Ra’iisulwasaraha

Faafinta Puntlandpost.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>