Garowe(pp) Afhayeenka gollaha wakiiladda dowladda Puntland Siciid Xasan Shire ayaa warqad kasoo baxday xafiiskiisa waxa uu ku magacaabay xoghayaha guud ee baarlamaanka ka dib markii xoghayii hore uu ka mid noqday gollaha wasiiradda ee Cabdiwali Gaas.
Waxaa loo magacaabay Xoghayaha guud ee Baarlamaanka Cali Axmed Saalax (Dhahar) oo ku xigeen u ahaa xoghayii hore Ismaaciil oo hadda noqday wasiirka Cadaaladda Puntland.
Haddaba Cali Dhaher xagee ku dhashay muxuusa soo qabtay halkaan hoose ka akhriso.
Cali Axmed waxa uu ka dhashay magalada la yiraahdo Baran ee Gobalka Sanaag,taariikhdu markay ahayd July 1963.
Waxbarashada
1985—1989 Kuliyada Waxbarashada Lafoole (Chem/Bio) B.SC.
1984—1985 Shaqada Qaranka (GMHQ dufcadii 1aad) Basaso G. Bari
1979—1983 Dugsiga Sare Banaadir/Sh. Xasan Barsane Muqdisho
1971—1979 Dusiga H/Dhexe Siinay Badhan
1968—1974 Dugsiga Qur’aanka Xubeera/Badhan
Khibrad Shaqo
2009—2014 Ku xigeenka Xoghayaha Guud Golaha Wakiillada ee Maamulka & shaqaalaha
2000—2009 Agaasimaha Waaxda Maamulka & shaqaalaha G/Wakiillada DPL
1999—2000 Ag/Waaxda Aarkiifiyada, Dastuurka & Doorashooyinka G/W DPL
1997—1998 Qof iskii u shaqaysta
1993—1994 SDRA (Local NGO) logistic officer
1991—1993 Ganacsade ( Xidid import and export company)
1989—1990 Bare kuliyada waxbarashada Lafoole
1986—1989 Xoghayaha Maamulka & Dhaqaalaha Ardayda Kuliyada Lafoole
(Extracurricular activity)
Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe