Kismaayo: (pp)- Xildhibaanada Federaalka ee Soomaaliya oo kasoo degay magaalada Kismaayo ayaa markii loo gelbiyey xarrunta shirka ee Jaamacada Kismaayo, waxay ka jeediyeen halkaas khudbado taariikhiya oo ay ku cabirayaan dareenkooda iyo sida ay ugu faraxsan yihiin immaatinka ay yimaadeen Caasimada gobolka J/hoose ee Kismaayo.
Waxaa halkaas ka hadlay Xildhibaano badan, kuwaas oo u bogaadiyey maamulka Kismaayo iyo Ergooyinka iyo shacabka deegaanada Jubbooyinka iyo Gedo, ee sida geesinimada leh uga adeegay shacabkooda.
Daawo Video
Guddoomiyaha kumeelgaarka ah ee magaalada Kismaayo Sheekh Axmed Islaam ayaa isna sheegay in aad ugu faraxsan yihiin booqashada Xildhibaanada DF ee Soomaaliyeed, halka guddoomiye kuxigeenka maamulka Kismaayo yaasiin Raadaar uu dhankiisa sheegay in Xildhibaabada Kismaayo yimi loo aqoonsan doono Geesiyaal taariikhda geli doona.
Puntlandpost.com