Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

RWi: Waa in bulshadeenu ka wada qayb-gashaa suggidda iyo ilaalinta xuquuqda haweenka”

$
0
0

Mogadishu, March 08, 2013…Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya mudane Cabdiwali Shiikh Axmed Maxamed ayaa maanta haweenka Soomaaliyeed ugu hanbalyeeyey munaasabadda 8-da March ee maalinta haween-weynaha adduunka.

Cabiwali ShiiikhRa’iisul Wasaare Cabdiwali oo sheegay in uu farxadda munaasabaddan la qaybsanayo haweenka, ayaa ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed in ay ka wada qaybgalaan halganka lagu sugayo xuquuqda haweenka Soomaaliyeed oo uu ku tilmaamay “Horseed iyo Madaalayaal”.

“Maalinta Haweenka Adduunku waxa ay inna xusuusinaysaa in ay weli jiraan caqabado iyo sinnaan-la’aan ka dhex jirta bulshada Soomaaliyeed iyo guud ahaan bulshada caalamka” sidaasi ayuu hadalkiisa ku yiri Ra’iisul Wasaare Cabdiwali waxana uu raaciyey.

” Dalkeenna Soomaaliya weli haweenka waxaa haysta dhibaatooyin fara badan oo ay ka mid yihiin tacadiyada jinsiga iyo gudniinka fircooniga ah. Qof kasta oo gala denbi ka dhan ah haweenka Soomaaliyeed waa in uu waajahaa caddaaladda.Dhaqankeenna wanaagsan waa in aynu uga faa’iideysannaa kor-u-qaadista xuquuqda haweenka”

” Dowladaydu waxaa ka go’an ilaalinta xuquuqda haweenka, waxaan abuurnay Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqda Aadanaha, ujeedaduna waa in la dhawro xuquuqda haweenka.

” In meesha laga saaro rabshadaha ka dhanka ah haweenka waxa ay meel sare kaga jirtaa mudnaanta xukuumaddayda. Dowladdeenu wax dulqaad ah uma hayso tacadiyada ka dhanka ah haweenka, taasina waxaad ka arki kartaan sida caddaalada loo horgeeyey dadkii falalkaasi ku kacay sannadkii hore.Sidoo kale, waxaan u baahanahay in aynu bulshadeena ka tirtirno caadada aan diinta iyo dhaqanka suubban ku salaysnayn ee gudniinka fircooniga”.

Ra’iisul Wasaare Cabdiwali Sheikh Axmed waxa uu ammaan u jeediyey dadka Soomaaliyeed ee u ololeeya xuquuqda haweenka, isagoo sheegay in dadkaasi ay xusi doonto taariikhdu.

” Waxaad tusaale u tihiin mujtamac furfuran oo wax wada qabsanaya, dadaaladiinu waxa ay noqonayaan kuwo la mahadin doono, waana inaad sii waddaan halgankaasi. Waan hubaa in aynu gaari doono halka aynu u soconno ee aynu istaahilno haddii alle idmo”

“Taariikh ahaan waxa aynu leenahay haween Soomaaliyeed oo horseed ahaa oo u taagnaa halganka ay ummaddeenu soo martay, kuwaasi waa in aynu ku faanna, kuna dayannaa” Sidaasi ayuu yiri Ra\iisul Wasaare Cabdiwali.

Xafiiska RW Somalia.

Faafinta Puntlandpost.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>