Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Hay’adda ADRA oo xustay maalinta haweenka aduunka (Sawirro&Cod)

$
0
0

Garowe(pp) Kulan lagu xusayo maalinta haweenka aduunka oo ay iska kaashadeen Hay’adda ADRA iyo masuuliyiin ka socday wasarada waxbarashada ayaa maanta lagu qabtay hoolka shirarka Hotelka Newrays ee magalada Garowe.

9Waxaa kasoo qayb galay kulankaan oo labo barnaamij iskugu jira masuuliyiin ka socda hay’addaha ADRA ,CARE,wasaradda waxbarashada iyo waalidiin u badan Dumar waxana laga soo jeediyay khudbado kala duwan oo dhamaantood xanbaarsanaa kaalinta ay haweenku kaga jiraan bulshada.

15Dadkii kulankaasi ka hadlay waxaa ka mid ahaa Jaamac Faarax Muuse oo ka socday Hay’adda ADRA wuxuna sheegay inuu ku faraxsan yahay xuska maalinta haweenka adunka gaar ahaan kuwa Puntland,wuxuna tilmaamay inay muhiim tahay sidii kor loogu qaadi lahaa tayadda iyo heerka aqooneed ee dumarka.

12Hay’adda ADRA ayuu sheegay inay wado barnaamij waxbarashada haweenka ku saabsan kaasoo lagu damacsan yahay in kor loogu qaado,wuxuna dumarka ku dhiiri galiyay inay dhankooda dadaal iyo howlkarnimo lasoo baxaan.

8Sahro Kooshin oo ka socotay wasaradda waxbarashada ayaa sheegtay inay xooga saarayaan sidii jahliga haysta haweenka loola dagaalami lahaa isla markasna fursado waxbarasho haweenka Puntland loogu soo raadin lahaa.

7Faadumo Shugri Cabdi Xirsi oo ka socotay waaxda haweenka ee wasaradda waxbarashada ayaa sheegay haweenku inay ku yar yihiin goobaha waxbarashada balse loo baahan yahay in ragg iyo dumar ay ka qayb gallaan hormarinta waxbarasha hablaha Soomaaliyeed.

13Riwaayad ka turjumaysa doorka haweenka iyo sida loogu baahan yahay in laga dhowro tacadiga iyo faquuqa ayaa lagu soo bandhigay madasha ay xafladu ka socotay.

14Deegaanadda kale ee Puntland ayaa maanta lagu qabtay kulamo ku aadan xuska maalinta haweenka iyadoona lagu soo bandhigayo war bixino ka hadlaya heerka ay haweenka Puntland joogaan.

16 11 10 9 6 5 4 3 2 1

Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>