Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Gudoomiyaha degmada Xarfo oo maxkamadd lagu soo taagayo magalada Garowe

$
0
0

Garowe(pp) Gudoomiyaha degmada Xarfo ee Gobalka Mudug Cabdilaahi Faarax Bayle (Tigarooni) ayaa lagu wadaa in magalada Garowe maalinta barito ah lagu soo taago maxakadd ka dib markii la sheegay inuu dhunsaday raashin dadka Xarfo dagan loogu talo galay.

GitrooniLaamaha ammaanka Gobalka Nugaal ayaa maalin sii horaysay xiray Gudoomiye Bayle ka dib markii lagu soo eedeeyay inuu musuq maasuqay raashinkii ka yimi dowladda Turkiga ee madaxwayne Gaas uu ka dardaarmay.

Sarkaal ka tirsan maxkaamdda sare ee Puntland ayaa sheegay haddii dambiga lagu helo masuul kaasi inuu mutaysan doono xarig adag iyo ganeex lacageed maadama uu qiyaano sameeyay,

Docda kale Odayaasha Gobalka Gaardufuu ayaa waxay cabasho ka muujiyeen habkii loo qaybiyay raashinkii Turkiga waxayna Gudoomiyaha Gobalkaasi oo la yiraahd Cali Mire ku eedeeyeen inuu si qaldan raashinka u qaybiyay.

Madaxwaynaha dowladda Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali ayaa goob fagaare ah ka sheegay inuu tilaabo sharci ah ka qaadi doono haddii mus maasuq lagu sameeyo raashinka gargaarka ah ama suuqyada lagu arko iyadoo la iibinayo.

Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>