Garowe(pp) Xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Puntland ayaa maanta maxkamadda darajada koowaad ee Gobalka Nugaal hor keenay afar eedaysane oo lagu tilmaamay inay musuq maasuq ku sameeyeen raashin gargaar oo loogu talo galay shacabka degmadda Xarfo.
Ragga maanta maxkamadda la horkeenay waxaa ka mid ah gudoomiyaha degmada Xarfo ee Gobalka Mudug Cabdilaahi Faarax Bayle oo lagu soo eedeeyay inuu dhunsaday 216 kiish oo iskugu jira Sonkor iyo Bur isaga iyo ragga kale.
Ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee Puntland Maxamed Xareed ayaa maxkamadda darajadda kowaad ee Gobalka Nugaal ka hor sheegay afartaasi nin oo duqa Xarfo ka mid yahay inay ku eedaynayaan xatooyo shacab maadama la marin habaabiyay deeq ka timi Turkiga oo danyarta Xarfo loogu talo galay.
Eedaynta Xareed waxaa iska fogeeyay oo ku tilmeemay midaan waxba ka jirin gudoomiyaha degmada Xarfo Cabdilaahi Faarax Bayle oo sheegay inuu bari ka yahay dhamaan macluumaadka maxkamadda la hor keenay.
Maxakamdda Gobalka Nugaal ayaa ugu danbayntii ku dhawaaqday kiiska dacwadaan in loo dhigay maalinta Isniinta ee soo socota,wuxuna falkaan ka dhacay sida uu Maxamed Xareed sheegay magalada Bosaso bishii lasoo dhaafay ee Febraayo.
Madaxwaynaha dowladda Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas aya shaaca ka qaaday inay tilaabo sharciga waafaqsan ka qaadi doonaan cidii musuq maasuqda raashinka dowladda Turkiga ka timi ee danyarta Puntland loogu talo galay.
Halkan ka dhagayso Duqa Xarfo iyo ragga kale oo ka hadlaya arrinta lagu soo eedeyay.
Ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee Puntland Maxamed Xareed oo ka hadlaya ragga waxa lagu soo eedeyay
Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe