Caabudwaaq(pp) Howlgal ballaaran oo lagu doonayo in kooxda Alshabab looga saaro Ceeldheer iyo Ceelbuur ayaa laga dareemayaa guud ahaanba Gobalka Galgaduud.
Ciidanka dowladda Somalia,AMISOM iyo ehlu suna ayaa waxay ku wajahan yihiin labadaasi degmo si ay iga xoreeyaan kooxda Alshabab oo mudo badan halkaasi ku sugnaa.
Howlgalkan ka bilowday Galgaduud ayaa waxa uu dabo socdaa howlgalo kale oo Alshabab looga xoreeyay lix degmo oo ka tirsan gobaladda Bakool,Hiiraan iyo Gaddo,waxana muuqata inuu bilowday wajigii labaad ee la-dagalanka kooxda Alshabab.
Gudoomiyaha Gobalka Galgaduud ayaa sheegay inay ka go’an tahay sidii guud ahaanba Gobalka looga sifayn lahaa kooxda Alshabab.
Puntlandpost.com
Caabudwaaq/Galgaduud.