Bosaso(pp) Wasaradda Caafimaadka dowladda Puntland ayaa magalada Bosaso ka wada,wacyi galin ballaaran oo looga hortagayo dhibaatooyinka cudurka Duumadda oo faro kulul ku hayo magaladaasi tan iyo afartii bilood ee lasoo dhaafay,qaar ka mid ah madaxda wasaradda ayaa kulamo is-dabo joog ah ka wada Bosaso.
Wasaaradda ayaa ku howlan sidii bulshada waci galin buuxda looga siin lahaa dhibaatada uu lee yaha cudurla duumadaa,goobaha waxbarshada waxaa ka soconaya wacyigalin iyadoona maanta kulan ka dhacay xarunta jaamacada bariga Africa lagu jeex jeexay sida ugu haboon ee bulshada loogu baraarujin karo.
Kulanka oo ay ka soo qayb galayn masuuliyiin ka socota wasaarada Caafimaadka ,Ardayda jaamacada Bariga Africa gaar ahaan qaybta caafimaadka barata, macalimaanta jaamacadda madaxa ,Malaariyada Cabdikariin Xuseenn ayaa ardayda ku guu baabiyay in ay ka qayb qaataan arinta wacyi galinta isagoona aradyada usheegay in ay bulshada uga faa ii deeyaan waxa ay barteen.
Cabdikariin Xuseen Xasan ayaa sheegay in wacyigalintaan wasaarada ahmiyad uleedahay isagoona carabka ku dhuftay in si joogta ah wasaaradu u waday barnaamijyo kala duwan tan iyo markuu Duumada lagu arkay magalada Bosaso xarunta Gobalka Bari,wuxuna dadka xirfada caafimaadka leh uu ugu baqay in ay ka qayb qaataan olalaha lagu dabarjarayo duumada.
Ardayda caafimaadka ka barta Jaamacada Bariga Africa ayaa dhankooda balan qaaday inay kaalintooda ka qaadanayaan ,waxaana asbuucyada soo socda la filaya in ay xarumaha iskoolada ,xaafadaha, goobaha bulshadu u badan tahay inay tagi doonaan ardayda si loogu sheego sida looga bad baadi karo cudurka Duumada.
Wasiirka Caafimaadka Puntland Dr.Saadiq Eenow oo qadka talleefoonka uga qayb galay kulanka ayaa ardayda jaamacadda ku booriyay inay dhexda u xirtaan sdii dadka loogu wacyi galin lahaa inay dadkooda ka bad baadiyaan jaahilnimadda ka haysatana cudurada soo food saara.
Maxamed Macalin Axmed oo ah gudoomiye ku xiganka arrimaha waxbarshada Jaamacada bariga Africa ayaa aradayda kula dardaarmay in ay kaalin muuqata ay ka qaataan wacyi galinta wuxuna ku booriyay in aysan ka daalin arintaan ay bulshad uqabanayaan ee wacyi galinta ah.
Axmed Cawil Jaamac ayaa war bixinta iyo Sawirradda nasoo gaarsiiyay.
Puntlandpost.com
Xafiiska Bosaso