Muqdisho(pp) Inta badan masuuliyiinta dowladda dhexe ee Somalia ayaa degan xaafadu u dhow xarunta Villa Somalia ee Muqdisho iyo Hoteelo si wayn loo ilaaliyo,taasoo keentay in kooxda Alshabab ay fursad u noqoto inay gabaad iyo hoy ka hellaan degmooyinka qaarkood ee Gobalka Banaadir.
Gudoomiyaha Gobalka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen Muungaab oo la hadlayay VOA ayaa sheegay inay muhiim tahay wasiiradda,taliyaasha iyo gudoomiyaasha degmooyinka Banaadir inay dageen degmooyinka si meesha looga saaro kooxda alshabab oo wali ku dhuumaalaysanaya degmooyinka Banaadir.
Waxa uu sheegay inuu isagu dagayo dhowaan degmada Huriwaa balse loo baahan yahay masuuliyiinta kale inay shacabkooda la dagaan oo ay la qaybsadaan nolasha ay ku sugan yihiin.
Haddaba arrintaan oo dadka qaarkood soo dhaweeyay ayaa waxay imaanaysaa xili Kooxda Alshabab dagaalo kala duwan lagu qaaday.
Hoos ka dhagayso Muungaab fariinta uu diray
Puntlandpost.com
Xafiiska Muqdisho