Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Ra’iisul Wasaare-kuxigeenka oo la kulmay mas’uuliyiinta Ururada hoos yimaada Ururka Iskaashiga Islaamka

$
0
0

Muqdisho, March 16, 2014—–Ra’iisul Wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Mudane Ridwaan Xersi Maxamed ayaa la kulmay xubno matalayay hay’addaha iskaashiga la leh ururka iskaashiga Islaamka, waxaana kulankan looga hadlay sidii loo gaarsiin lahaa gobolada la xoreeyey  mashaariicda horumarineed ee ururka iskaashiga islaamku bixiyo soona marsiiyo hay’addahan gudaha ka howlgala.

 IMG_9430

Kulanka ayaa waxaa sidoo kale ku wehlinayay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Cabdullaahi Goodax Barre iyo Wasiirka Caafimaadka Axmed Maxamed Maxamuud, waxa uuna Ra’iisul Wasaare kuxigeenku kula dardaarmay howlwadeenada hay’addani inay shacabka uga faa’iideeyaan fursada muuqata, maadaama degaanada dhowaan laga saaray kooxaha nabadiidku ay ka jirto baahi weyn oo dhanka Raashinka, Biyaha, caafimaadka, waxbarsahada iyo adeegyada kale ee aas-saasiga ah, loona baahan yahay in hay’adduhu ay daboolaan baahiyahaas.

 

“Shacabku maanta ayuu ugu baahi badan y ahay taageeradiina, waana inaad si dhaqso leh u gaartaan degmooyinka iyo gobolada la xoreeyey” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Mudanen Ridwaan Xersi Maxamed.

 

Dhanka kale, howlwadeenada iyo madaxda hay’addahan xiriirka la leh ururka iskaashiga Islaamka, ayaa balan qaaday inay sii laban laabi doonaan dadaalkooda ku aadan gaarsiinta gargaarka ee dadka u baahan, ayna uga faa’iideyn doonaan shacabka fursadaha iyo mashaariicda kala duwan ee ururku bixiyo.

IMG_9436 IMG_9439 IMG_9426

Xafiiska RW Somalia.

Faafinta Puntlandpost.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>