Gaalkacyo (pp) Kulan maantay ka dhacay xarunta gobolka ee magaalada Galkacyo ayaa waxaa looga hadlay amaanka dagmada iyo gaari dab damisa oo ey yeelaneyso dagmada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug.
Isu imaatinkaan ayaa waxaa ka qeyb galay masuuliyiinta gobolka kuwa dagmada Galkacyo iyo marti sharaf kale oo ka qeyb galay Waxaa kulanka goobjoog ahaa Gudoomiyaasha Xaafada Gaalkacyo.
Mas’uulyihinta Gobolka Iyo degmada ayaa bulshada ugu baaqay in ay kala shaqeeyaan Amaanka lana shaqeeyaan laamaha Amaanka.
Maxamed Yuusuf Jaamac Tigey Gudoomiyaha Gobolka Mudug ayaa sheegay in bulshada looga baanyahay in laamaha Amaanka la shaqeeya ismarkaasi kiis walba ay lasoo socodsiinayaan si loo baaro.
Axmad Cali salaad Duqa Degmada Gaalkacyo ayaa sheegay in gaalkacyo ay markii ugu horeysay ay yeelaynayo gaari dab damisa ah oo baahi weyn uu gobolka gaar ahaan Magaaladan uqabtay.
Kulankan ayaa ku soo aadaya kadib markii dagmada ey ka dhaceen falal afduuba oo loo geystay xaruur yar yara laguna soo duro irbado aan la aqoon saameynta ey yeelan doonaan iyo waxa ey salka ku hayaam .
Daawo Sawiro
Xafiiska Wararka Gaalkacyo
Puntlandpost
“MMD”