Garowe(pp) Wasiirka warfaafinta Puntland Cabdiwali Xirsi Cabdulle (Indhoguran) oo warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa magalada Garowe ayaa waxa uu ka hadlay socdaal uu maanta madaxwaynaha Somaliland ku tagay magalada Laasqoray oo ka tirsan dhulka Puntland.
Indhoguran ayaa ku tilmaamay Socdaalka Siilaanyo daandaansi hor leh oo lagu sameeyay dhulka Puntland,wuxuna ka digay wax kasta oo keeni kara colaad dhexmari karta Puntland iyo Somaliland.
”Puntland waxay diyaar u tahay inay difaacdo xaduudeeda waxayna ka digaysaa wax kasta oo keeni kara colaad dhexmarta dariskeeda iyo isku dhac maamuleed,waxan aad uga xun nahay dhacdaasi dhacday anagoo ka fakaraynay darisnimo iyo wanaagsan”.
Wafdi uu hoggaaminayo madaxwaynaha Somaliland ayaa saakadii hore waxa ay socdaal dhuumaalaysi ah ku tageen degmada Laasqoray oo ka tirsan Puntland ,Siilaanyo ayaa booqday goobo muhiim ah oo degmadaasi ku yaala.
Puntland iyo Somaliland ayaa ku muran san Gobaladda Sool,Sanaag iyo Cayn inkastoo madaxwaynaha Puntland uu doorashada ku galay inuu dagaal kusoo celinayo magalada Laascaanood hadana ma muuqata ifi-faalo muujinaya fulinta hadalkaasi.
Waa markii ugu horaysay masuul sare oo ka tirsan mamulka Somaliland uu socdaal ku tago magalada Laasqoray oo u dhow xarunta ganacsiga Puntland ee magalada Bosaso.
Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe