Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Laasqoray:Wafdi ka socda dowladda Puntland oo maanta gaaray magalada Laasqoray (Sawirro)

$
0
0

Laasqoray(pp) Wafdi uu hoggaaminayo wasiiru dowlaha dekadaha gaadiidka badda iyo la-dagalanka burcad badeeda ayaa maanta si diirran loogu soo dhaweeyay magalada laasqoray oo ku taala bariga Gobalka Sanaag.

Wafdiga wasiirka waxaa ka mid ah gudoomiyaha Gobalka Sanaag Maxamuud Ismaaciil Ciyoon, Taliyaha ciidanka Sanaag Axmed Siciid iyo cutubyo ka tirsan cidanka Ammaanka Dowladda Puntland.

Dadwayne faro badan ayaa wafdiga ka yimi magalada Bosaso kusoo dhaweeyay magalada Laasqoray waxayna u muujiyeen inay ku faraxsan yihiin imaanshahooda.

Qaar ka mid ah dadkii soo dhaweeyay wafdiga ayaa sheegay magalada Laasqoray inay u baahan tahay hormarin iyo in wax laga qabto baahiyada caafimaadka,waxbarashada iyo nabadgalyada.

Gudoomiyaha Gobalka Sanaag Maxamuud Ismaaciil Ciyoon ayaa tilmaamay inay ka go’an tahay sidii madaxda sare ee Puntland uga shaqayn lahaayeen guud ahaanba hormarka iyo db u dhiska Gobalka Sanaag oo ka mid ah gobaladda qaybo ka mid ah ay degan yihiin Somaliland.

Ciyoon ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay socdaal uu saakay Laasqoray kusoo gaaray madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo wuxuna ku tilmaamay inay tahay gardaro cad oo aan laga labo labayn karin.

Wasiiru dowlaha dekada iyo gaadiidka badda Axmed Siciid Cabdiraxmaan ayaa dhankiisa sheegay inay xooga saari doonaan muujinta doorka dowladda kaga aadan hormarka Sanaag,dadkii kulanka kasoo qayb galay ayuu u sheegay  inay oofin doonaan balanqaadkii horay loogu muujiyay.

Maalinta barito ah ayaa lagu wadaa wafdiga inay kulamo kala duwan la qaataan shacabka iyo madaxda dhaqanka ee Laasqoray.

Socdaalka masuuliyiintaan ka socota Puntland ay ku tageen magalada Laasqoray ayaa waxay imaanaysaa xili wafdi culus uu hoggaaminayo madaxwaynaha Somaliland uu ku tagay saakadii hore magalada Laasqoray isla markasna balan qaad u muujiyay.

Waa markii ugu horaysay abad masuul sare oo Somaliland ka socda uu socdaal ku yimaado magalada Laasqoray oo ka tirsan dhulka Puntland inkastoo Puntland ka hadashay socdaalkaasi hadana aragtiyo kala duwan ayaa lagu muujiyay.

100_3122 100_3120 100_3113 100_3111 100_3110 100_3109 100_3108 100_3107 100_3104 100_3103

Cabdinaasir Daacad
Puntlandpost.com
Laasqoray/Sanaag.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>