Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Wasaradda caafimaadka oo la shirtay dhaqaatiirka Gobalka Bari (Sawirro)

$
0
0

Bosaso(pp) Masuuliyiin ka socda wasaradda Caafimaadka dowladda Puntland ayaa maanta magalada Bosaso kula shiray qaar ka mid ah dhaqaatiirka caafimaad ee Gobalka Bari.

Kulanka ayaa salka ku hayay sidii looga hortagi lahaa cudurka Duumada oo bilihii ugu danbeeyay dib ugu soo laabtay magalada Bosaso waxana kulankaasi lagu sheegay inay muhiim tahay in goobaha caafimaadkaa laga baxo oo dadka si toos ah loogu sheego inay iska baaraan oo ka hortaga qaataan.

Madaxa Duumadda ee wasaradda Caafimaadka Dr.Cabdikariin Xuseen Xasan ayaa sheegay inay muhiim tahay in shacabka magalada Bosaso laga wacyi galiyo cudurka Duumadda oo ka mid ah cudurada dilaaga ah kaasoo toban qof ugu geeriyooday magalada Bosaso.

Dr.Cabdikariin ayaa sheegay inay sii wadayaan wacyi galinta noocaan oo kale ah oo looga hortago halista uu xanbaarsan yahay Duumada.

Goobaha waxbarashada,meelaha ay dadku ku badan yihiin iyo xaafadaha ayaa lagu wadaa in si joogta ah wacyi galinta looga bilaabo.

S1040015 S1040016 S1040017 S1040018 S1040019 S1040020 S1040021 S1040022 S1040023 S1040024 S1040025 S1040026 S1040027 S1040028 S1040029 S1040030 S1040031 S1040033

Puntlandpost.com

Xafiiska Bosaso


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles