Bosaso(pp) Wararka soo gaaraya Puntlandpost ayaa sheegaya in weerar lagu qaaday gaari uu watay Taliyaha ciidanka Galgala ee Puntland Col,Jaamac Afgaduud uu ku geeriyooday.
Askari ka mid ah ilaaladiisa ayaa la sheegayaa inuu ku dhintay weerarkaasi mid kalena uu ku dhaawacmay,wuxuna xiliga weerarka uu dhacay kasoo baxay magalada Bosaso isagoona kusoo jeeday aga Galgala oo ay ciidanka difaaca ku sugan yihiin.
Rasaas lagu furay gaariga uu la socday taliyaha ayaa la haleeshay qaarka sare taasoo markii danbe dhalisay inuu u geeriyooda,waxana maydkiisa marxuumka loola soo cararay isbitaalka magalada Bosaso gaar ahaan kan ciidanka.
Lama yaqaan cida weerarka kasoo qaaday masuulkan balse waxa la rumaysan yahay inay halkaasi ku sugan yihiin kooxda Alshabab oo dagaal ka wada Somalia.
Marxuum Afgaduud ayaa ka mid ahaa saraakiishii sida aadka ah ula dagaalamay kooxda Alshabab ee ku dhuumaalaysanaysa buuraha Galgala,waxan xilka uu hayay loosoo magacaabay 2010-.
Dowladda Puntland wali kama aysan hadlin weerarkan hase yeeshee waxa uu imaanayaa xili Puntland ay sheegtay inay ku fillan tahay la-dagalanka kooxda Alshabab.
Puntlandpost.com
Xafiiska Bosaso