Muqdisho(pp) Wararka kasoo baxaya ayaa sheegaya gaadiid ka tirsan kuwa AMISOM ee Muqdisho in qarax ismiidaamin ah lagula eegtay duleedka magalada iyadoona aan la ogayn ilaa iyo hada khasaaraha rasmiga ah ee kasoo baxay.
Gaari lagu soo rakibay waxyaabaha qarxa ayaa soo dhexgalay kolanyo gaadiidka AMISOM ah oo markaasi kusii socday xarunta ay ka degan yihiin duleedka Muqdisho ee Carbiska waxana la sheegaya inuu jiro khasaaro balse aan la ogayn karin inta uu leeg yahay maadama uu qaraxu dhacay xili Saalada Maqrib laga adimayay magalada Muqdisho.
Alshabab ayaa sheegatay masuuliyadda weerarkaan AMISOM lagu soo qaaday inkastoo dowladda iyo saraakiisha AMISOM aysan falkaan ka hadlin hadana dadka aagaasi jooga ayaa soo tabinaya inay dhaawacyo arkeen.
Weerarkan lagu soo qaaday ciidanka AMSIOM ayaa waxa uu imaanayaa xili howlgalo kala duwan oo ammaanka Muqdisho lagu adkayno uu mamulka Gobalka Banaadir balan qaaday.
Wixii kusoo kordha kala soco wararka dambe.
Puntlandpost.com
Xafiiska Muqdisho