Muqdisho(pp) Kooxda Alshabab ayaa sheegatay masuuliyada weerarkii galabta lagu dilay allaha u naxariistii taliyihii ciidanka difaaca Puntland ee Galgala Col.Jaamac Afgaduud.
Afhayeenka kooxdaasi Cali Maxamuud Raage oo shir jaraa’id qabtay ayaa ku faanay inay ka danbeeyeen weerarkii Taliye Afgaduud lagu dilay iyo kii casar liiqii ka dhacay duleedka magalada Muqdisho oo lala eegtay kolanyo ciidanka AMISOM oo markaasi xeradooda ku socday.
Waxa uu sheegay Cali Dheere inay cadow ku dileen labadaasi weerar ayna difaacayaan dalkooda iyo diintooda.
Dowladda Puntalnd wali kama aysan hadlin weerarkii lagu dilay Afgaduud oo in ka badan saddex sano kooxda Alshabab kala dagalamayay buuraha Galgala.
Puntlandpost.com
Xafiiska Muqdisho