Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Wasiirka waxbarashada & ku xigeeniisa oo booqday Jaamacada Bosaso faraca Garowe (Sawirro)

$
0
0

Garowe(pp) Wasiirka wasaaradda waxbarashada Puntland & ku xigeenkiisa ayaa maanta kulan la qaatay mamulka iyo ardaydda Jaamacadda Bosaso University xarunta Garowe kulankaaso oo ka dhacay isla jaamacadda.

9Waxaa goob joog ahaa sidoo kale macalimiinta iyo mamulka Jaamacadda oo sheegay inay ku faraxsan yihiin booqashadda ay galabta ugu yimaadeen maadaxda ugu saraysa ee wasaradda.

Macnaha socdaalka masuuliyiintan ay ku tageen Jaamacadda ayaa salka ku haya sidii loogu guur gali lahaa habka ay u shaqeeyaan jaamacadaa Puntland iyo sidii la isaga war qabi lahaa,gudoomiyaha Jaamacadda Bosaso qaybta Garowe Cabdinaasir Xisri Jaamac oo ka hadlay ayaa madaxda uga war dhiibay heerarkii kala duwanaa ee ay jaamacadda soo martay iyo hadda ay maanta taagan tahay.

Cabdinaasir ayaa sheegay Jaamacaddu inay bixiso afar daruus oo baahi badan ardaydu u qabeen kuwaasoo kala ah.

a.    Faculty of Social Science

b.    Faculty of Commerce and Modern management

c.    Faculty of Health Science

d.    Faculty of Islamic Science

Wasiir ku xigeenka wasaradda waxbarashda Dr.Maxamed Cali Faarax oo ka mid ah ragga jaamacadda Bosaso gacanta ku hayay ayaa tilmaamay inay muhiim tahay in aqoonta xooga la saaro si loola soo baxo khayraadka kala duwan ee dhulkooda ku duugan.

Wasiirka wasarada waxbarashada Puntland Cali Xaaji Warsame oo tan iyo markii xilikan loo dhiibay ku mashquulsanaa sidii isbadal muuqda loogu samayn lahaa waxbarashada Puntland ayaa marka hore mamulka iyo macalimiinta Jaamacadda ku ammaanay sida wanaagsan ee ay iskugu xiran yihiin isla markasna isaga kaashanayaan sidii aqoonta loo baadi goobi lahaa.

Cali Xaaji Warsamae ayaa sheegay umadda hormarkeeda inay ku xiran tahay aqoonta ay lee yihiin inta ay gaarsiisan tahay wuxuna kula dardaarmay ardayda inaysan ka niyad jabin waxbarashada oo ay xooga saaraan.

Kordhinta miisaaniyadda waxbarashada,dib u eegista waxbarashada Puntland ayuu sidoo kale Cali Xaaji Warsame ka hadlay wuxuna ardayda u balan qaaday inay tacliinta sare hormarkeeda ka shaqayn doonaan dhowaana la dhisi doono guddiga tacliinta sare ee Puntland.

Labadaan masuul ayaa ugu danbayntii Jaamacadda Bosaso qaybta Garowe ku ammaanay heerka ay gaareen tan iyo markii xarunta Garowe laga furay.

Madaxda wasaradda ayaa sidoo kale booqan doono jaamacadaha kale ee ku yaala magalada Garowe iyo guud ahaanba Puntlad.

1 2 3 4 5 6 8 9 10 11 12 13

7

Puntlandpost.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>