Garowe(pp) Shirka Gollaha wasiradda dowladda Puntland ayaa maanta looga hadlay arrimaha dhaqaalaha dowladda iyadoona markii danbe lagu ansixiyay miisaaniyadda lagu shaqaynayo inta ka harsan sanadkan aan ku gudo jirno.
Waxa shir gudoon ka ahaa madaxwayne Cabdiwali Maxamed Cali (Gaas) oo uu garab fadhiyay ku xigeenkiisa Cabdixakiin Cabdilaahi Camay waxana sidoo kale wasiiraddu ay ka hadleen qaybta ay Puntland ku lee dahay taageeradii dhanka nabadgalyadda ee Soomaaliya iyo dhaqaalaha ay beesha caalamku ku bixiso.
Afhayeenka madaxtooyadda Puntland Cabdilaahi Quraan jecel oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa sheegay inay muhiim tahay sidii Puntland u heli lahayd dhaqaalaha beesha caalamku uu ku bixiyo nabadgalyada Soomaaliya,wuxuna tilmamay inaysan u baahnayn ciidanka Afrika ka socda balse ay sida kale ugu baahan yihiin dhaqaalaha lagu bixiyo.
Inkastoo shirka gollaha wasiiradda looga hadlay seddex qodob oo kaliya hadana laguma soo hadal qaadin socdaalkii uu maalinkii shalay ku yimi magalada Laasqoray oo ka tirsan dhulka Puntland madaxwaynaha Somaliland Axmed Siilaanyo oo halkaasi balan qaaday ka sameeyay.
Balse wasiirka warfaafinta Puntland Cabdiwali Xirsi Indhoguran oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay ku argagaxeen Socdaalka Siilaanyo ayna u maqleen sida ay warbaahinta gudaha u tabisay.
Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe