Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Abaanduulihii ciidanka Gobalka Hiiraan oo weerar Buulobarde ka dhacay ku dhintay

$
0
0

Beledweyne(pp) Kooxda Alshabab oo xalay sadeqdii dhexe weerar qaraxyo iyo kuwo toos ah kusoo qaaday hotal la yiraahdo Camaloow oo ku yaala magalada Buulobarde  oo ay deganaayeen saraakiil ciidamadda DF iyo Jabuuti ah ayaa waxaa lagu soo waramayaa inay ku dhinteen dad ka badan toban qof oo uu ku jiro Abaanduulihii ciidanka Gobalka Hiiraan ee Somalia Col.Maxamed Aamiin Jeesow.

BulobardeXoogag taabacsan Alshabab ayaa la sheegayaa inay weerar qorshaysay ay kasoo qaadeen dhanka bari ee magalada Buulobarde waxayna dagaal kala kulmeen ciidanka huwanta ah oo dhufays kaga jiray meelo aan ka fogayn hotelka ay masuuliyiintu ku sugnaayeen hase yeeshee Maxamed Aamiin ayaa u dhintay dhaawac halis ah oo kasoo qarax lagu soo rakibay gaari oo ka dhacay meel u dhow hotelka.

Warar kala duwan ayaa weerarkaasi kasoo baxaya iyadoona la sheegayo inuu ku dhintay Duqa magalada Buulobarde iyo saraakiil kale oo Jabuutiyaan ah.

Ciidanka ayaa toogasho ku dilay raggii weerarka kusoo qaaday hotelka Camalow warar fah faahsan wali dowladda Somalia iyo AMISOM kama soo bixin.

Puntlandpost.com

Xafiiska Beledweyne.

 

 

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>