Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Odayaal kasoo jeeda Degmada Xarfo oo dowladda ugu baaqay inay mag dhow ka bixiso xarigii Cabdilaahi Bayle (Sawirro&Cod)

$
0
0

Garowe(pp) Qaar ka mid ah Odayaasha kasoo jeeda beesha Xarfo ayaa maanta shir ay ku yeesheen magalada Garowe waxay kaga hadleen xarigii iyo maxkamadii lasoo taagay duqa degmada Xarfo Cabdilaahi Faarax Bayle (Tigarooni) waxana sidoo kale shirka fadhiyay duqa Xarfo.

Nabadoon Siciid Axmed Warsame Soocade oo ka mid ahaa Odayaashii Shirka ka hadlay ayaa tilmaamay in dowladda Cabdiwali Gaas looga fadhiyo inay raali galin iyo magax dhow u siiyo duqa Xarfo oo uu sheegay in dambi aan jirin lagu soo oogay.

Gudoomiyaha degmada Xarfo oo isagana kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay inay dadku intooda badan u qaateen inuu falkaasi ka danbeeyay taasina ay sharaftiisa wax u dhintay wuxuna codsaday in dadkii arrintiisa ka danbeeyay tilaabo laga qaado.

Waxa uu sidoo kale gudoomiye Bayle sheegay in lagu xiray kaantaroolka Koonfureed ee magalada Garowe oo uu ku tilmamay inay ku xiran yihiin dad dambiyo kala duwan galay wuxuna ka dhiidhiyay sida loola dhaqmay.

Xafiiska xeer ilaalinta Puntland ayaa gudoomiyaha iyo saddex kale oo qof kusoo eedaysay inay musuq maasuq ku sameeyeen raashin gargaar oo dowladda Turkigu ugu deeqday Puntland gaar ahaan qaybtii Xarfo hase yeeshee maxkamadda ayaa gudoomiyaha sii daysay ka dib markii uu ka dhaartay falka lagu soo eedeeyay.

DSC03822 DSC03824 DSC03828 DSC03832 DSC03839 DSC03840

Hoos ka dhagayso Gudoomiyaha Xarfo oo ka hadlaya shirka.

Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles