Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Wasiirka arrimaha dibadda DF oo la kulmay Safiirka Swedan ee Somalia

$
0
0

Mogadishu, March 19, 2014- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Dr. Abdirahman Dualeh Beileh ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha dowladda Sweden u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Mikael Lindvall oo ay ka wada hadleen xiriirka Soomaaliya iyo Sweden iyo qaabka lagu horumarin karo,laguna xoojin karo iskaashiga wadaaga ah ee labada dal u dhaxeeya.

1Kulankani oo sidoo kale looga hadlay qodobo kala duwan oo ay ku jirto balaarinta iyo kobcinta iskaashi dhinacyo badan leh oo labada dal ay yeeshaan , taasoo qeyb ka ah taageeridda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo furidda xarumo xirfado shaqo loogu abuuro dhalinyarada ,si loo hakiyo u adeegsiga da’yarta iyo dhalinta soo koreysa colaada iyo dagaalada , loona suura-geliyo u saldhigidda nabadda iyo deganaanshaha dalka .

Kulankani oo ku dhammaaday jawi isfaham leh , ayaa waxaa goob joog ka ahaa Xoghayaha joogtada ee Wasaaradda Abdullahi Dool Mohamed iyo Hersi Haji Olosow oo ah Agaasimaha guud ee hab maamuuska qaranka.

Xafiiska Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda

Section of Press and Public Relations


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles