Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Madaxwaynaha Puntland oo ku wajahayn Qardho iyo Bosaso (Warbixin)

$
0
0

Garowe(pp) Madaxwaynaha dowladda Puntland Dr.Cabdiwali Maxmaed Cali (Gaas) oo maalmihii ugu danbeeyay la hadal hayay inuu u socdaalayo xarunta ganacsiga Puntland ayaa lagu wadaa maalinta barito inuu safarkaasi bilaabo.

Somalia's PM Ali tours the Banadir hospital in the capital MogadishuWaxa uu bari oo khamiis ah kusii hakan doonaa magalada Qardho xarunta Gobalka Karkaar sida wararka soo gaaraya warqabadka Puntlandpost ay sheegayaan iyadoona maglada lagu arkayay ciidamo sugaya ammaanka.

Wasiirka Caafimaadka iyo kan Duulista hawadda ayaa ka mid ah masuuliyiinta hordhaca u ah safarka Gaas ee Qardho iyadoona lagu wado inuu kulan la qaato qaybaha kala duwan ee shacabka Qardho.

Wararka ayaa intaasi ku daraya maalinta Jimcadaha ah inuu madaxwaynuhu aadi doono magalada Bosaso oo si wayn looga dareemayo socdaalkiisa maadama uu xiliguu murashaxa ahaa uu kulamo kala duwan ku sameeyay.

Qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka kana soo jeeda Gobaladda Sool iyo Sanaag ayaa sheegay inay muhiim tahay madaxwaynuhu uu socdaalkiisa ku aadiyo dhanka magalada Laasqoray maadama ay halkaasi ka jiraan warar kala duwan oo ku saabsan socdaalkii Siilaanyo iyo jawaabtii ay Puntland ka bixisay.

Socdaalka madaxwaynaha Puntland ee Gobalka Bari ayaa waxa uu imaanayaa xili duleedka magalada Bosaso kooxda Alshabab ay weerar gaadmo ah ku dishay allaha u naxariistee Taliyihii ciidanka Daraawiisha Galgala Col.Jaamac Afgaduud.

Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>