Zurich(pp) Wararka Naga Soo gaaraya magaalada Zurich ee dalka Switzerland ayaa sheegaya in Soomaalida halkaasi dagan ay dareen aad u weyn ay ka muujiyeen hadal dhawaan kasoo yeeray nin lagu magacaabo Mustaf Goobdoon kaasoo sheegay in uu wado abaabulka xaflad lagu soo dhaweynayo Ra’iisul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed oo kusoo wajahan dalka Switzerland.
Mustaf Goobdoon ayaa la sheegay in uu dadka qaar u sheegay in xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ay usoo idmadeen in uu abaabulo xaflada lagu soo dhaweynayo Ra’iisul wasaaraha oo dhacaysa maalinta jimcaha ee soo aadan.
Dadka ayaa eedeeyay mas’uuliyiinta xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaga oo ku eedayay sida ay ugu soo idmadeen Mustaf Goobdoon oo u kala saaraya Soomaalida Switzerland hab qabiil taasoo dhibaato in ay ku noqoto Ra’iisul Wasaaraha iyo sumcadiisa ay suurta gal tahay maadaama C/weli Sheekh uu yahay masuul qaran. Goobdoon ayaa lagu eedeyay in uu dano gaar ah ka wato arrintan.
Mustaf Goobdoon ayaa la sheegay in uu dadka qaar oo joogo Zurich u sheegay in uu Ra’iisul wasaare C/weli Sheekh Axmed asagu keenay dalka Switzerland ayada oo la og yahay in Ra’iisul Wasaaraha uu ka helay casumaad rasmi ah oo ay QM u fidisay taasoo uu ka hadli doono kulan dhici doona maalinta Khamiista.
Arrintan ayaa la mid ah arrin uu isku dayay nin ka shaqeyn jiray xafiiska ra’iisul wasaarihii hore Cabdi Faarax Shirdoon Saacid oo lagu magacaabo Cali Yare oo rabay in uu qabto xaflad dad gaar ah oo reer Switzerland kasoo qeyb galaan balse Ra’isul Wasaare Saacid markii uu ogaaday iska diiday sidaana ay ku baaqatay xaflada.
Xuseen Jaamac Shire
Zurich-Switzerland